Cabdi Iidaan Faarax Nuur

Share on facebook
Share on twitter
Share on print
Share on email

Gabayada Abwaanka oo idil Cabdi Iidaan Faarax Nuur

Sardan

Dadku inuu samraan moodayee waa sidii weliye
Saaciisu nimuu buuxsamoo sahayda loo qaaday
Inuu socodka hore raacayaa waa sal la hubaaye
Nafta saacad iyo wiig ka hadhay loo sal-dhigi waaye
Saqda dhexe Siyaaxay haddii weerar lagu saydhay
Siddeed kadin haddii lala tagooy siigo kor u duusho
Sargedaha haddii lagala dhacay sararta guudkeeda
Markay gabanta yari saydhantay eddegga siiceysey
Suubeey raggii maali jirey soo sawaxan yeedhye
Saqla orodka goortaa qalbigu naga silloonaaye
Maarraha sannaadhiyo kolkuu sumucu qiiqaabay
Ee siidhigii nala dalbaday sawjar nala moodye
Goortaad suldaankii disheen Sugulle Caynaanshe
Ayaad sun iyo waabeeyadii sare u laacdeene
Sarhayaa ban kugu duudsiyiyo sulubkii dheeraaye
Sinji iyo ab baa nagu ogaa sabada mayd yaalle
Sibreheeda waa oolli jirey soobir qaawaniye
Meeshii saqaafkeedu maro sababi waa taale
Sooryeyney haadkii suddee soommanaan jiraye
Waa kaa waraabii sorkokay saabka buuxsadaye
Sagaalleyda nimankii ku baray sebenka Jiilaalka
Reer Samatar baa Saylac iyo surinka kuu yiille
Daraan lagu suduudeenba way naga sokeeyeene
Sakaaraysataa iyo surtiyo sabaqa ruugtaanba
Saqafaa qortaa iyo okhole suura gadataaba
Sannad baad ku noolaan kartaan sulufka caydheede
Soddonkii fandhaal baad la iman Saaxil waa nabad’e
Wax kaloo safeeyaa ma jiro sadarka feedhaaye
Annaga soortu nama kaafidiyo subagga
Dhiin waale Sangaraaraceeduu qalbigu saakin noo yahaye
Waa sahanka geerida hadday olosho Suudaane
Bagaa lagu sardamay qaalmahaa noo sonkor ahaaye

Calansaar

Abwaanku gabaygan waxa uu tiriyey 26 Juun 1960 habeenkii ay Soomaaliya xorriyadda ka qaadanaysey gumaysigii Ingiriiska. Waxa uu ka tiriyey Beerta Xorriyadda ee Hargeysa oo calanka lagu saarayey.

Waayadanba gabaygii ma odhan idibilkiisiiye
Ma aloosin maansooyinkii aan aaladayn jiraye
Waatii aan albaabada u xidhay tan iyo Iidiiye
Amin dhexe xalay uun bay hurdada ina ka muuqdeene
Aan alooso maantoo kalaaan ku istihaadaaye
Kolbaba wixii Ilaahay kuu gartaad ku intifaacdaaye
Abaal kaa maqnaan jiray hadduu Eebo kuu celiyo
Amaah raagtay dabadeed haddii aadyar lagu siiyo
Alxabdulilaah waa kuu banaan inaad odhaahdaaye

Istiqlaalka nala siiyey iyo amarka lay dhiibay
Afrikada xorawday iyo nasriga uunka wada gaadhay
Amin qaybta fiidka iyo saqdiyo oogta waaberiga
Iridaan ka meeraba kolkaan ku arko guudkayga
Inaan anigu keligay helay ila ahaataaye
Ayaan kaa lakala roon yihiyo ubudka xoolaaye
Inagaa aleylehe ka dhigan awliyoo kale’e
Inkastaba haddii lagu noqdoo abid la raacdeeyo
Ayaan inoola mid ah waa waxaan odeyna sheegayne
Axadii iyo Jimcii baan ninkii jirey ilaaabeyne
Arsaaqdii la raacdaynayey iyo waxaynu eegeynay
Inta badan hashii lagu dabcay ee awrka loo tu’iyey
Afarta iyo hashii toban bilood inanku raacaayey
Aloos curatay Soomaaliyey idil ahaanteene
Irmaanaatay Maandeeq haddii aad iman lahaydeene
Afarta naas waa hoorayaan sida iliileede
Aagaamihiyo dhiilashaan aad u culanayney
Ka ammuuga waataa muddaba umalsanaydeene
Afartaana waxuun lama eryee maysu wada eegay
Ma asteeyey beyd gaabku waa kala ilaabaaye
Sidii ilo biyalahoo rogmaday ma u eekeysiiyey
Anbaqaadka hadal runta u eeg baa lagu asiibaaye
Argagixiso waan tirin jiree erey yar baan baanay
Adduunkii ka kala qaadi jirey lays ammaan geliye
Isku darada soomaalidaan ku istareexaaye
Dadkeenii la kala oodi jirey wada akhwaanawye
Abtirsiintii tuurnay iyo aano reer hebele
Sidii geel abaar kala firdhaday laysu soo ololye
Ardayna macallinkii wax u dhigay aabo waw yahaye
Abaal baanu marin kii xornimo noo abaabulaye
Rabiyaw noo adkee calanku waa ururin doonaaye

Cabdi Iidaan Faarax Nuur war dheeri ah

Raadi