Ku saabsan

Waxaa nahay Hoyga Maansada Soomaaliyeed

Hoyga Maansada Soomaaliyeed

Maansada Soomaaliyeed waxay ka mid tahay kuwa ugu wanaagsan dunida. Waxay mudantahay in loo sameeyo hoy u qalma iyo medal lagu faano, laguna horumariyo.

Gabaygu, Soomaalida oo dhan ayuu mideeyaa, luuqadda ay dadka wadaagaan iyo suugaanta wa shey muhiim ah oo nabadda looga shaqayn karo.

Hoyga Maansada Soomaaliyeed waxaa loo aasaasay in lagu keydiyo gabayga Soomaalida iyo in dunida la tuso hiddaha suugaanta Soomaalida Iyo in loo isticmaalo midnimada iyo horumarka.

Seddex ujeedo ayaan leenahay:

KOW: Inaan Maansada Soomaalida hoy qurux badan u sameyno, kaasoo bulsho-weynta ay ku faani karto, aduunkana lala wadaagi karo. Webseedka waxaa laga helayaa keydka gabayadii hore iyo kuwo cusub oo ay sameeyeen abwaanada jiilka cusub. Keydkaas wuxuu noqonayaa bar loogu yimaado aqoon ay Soomalidu ku faani karto, kuna soo bandhigi karto dhaqankooda iyo waxqabadkooda. Waxay noqoneysaa bar ay qurba-joogta ugu soo hagaagaan Maansada Soomaalida. 

Webseedka, sido kale, waa bar lagu daabaco warar la xiriira gabayada, maqaallo, wareysiyo, bandhigyo iyo goob aqoon laga kororsado. Waa bar bulshada Soomaalida isugu timaado oo ay kaga bogato suugaanta ay dhaxalka u leeyihiin.

LABO: Waxaan qabanaa Tartanka Gabayada Soomaalida – Waa Abaalmarin lagu aqoonsado abwaanada ugu wanaagsan sanad kasta. Tartanku waa seddex qeyb oo kala duwan:

  • Gabyaaga ugu wanaagsan Sanadka – Wuxuu u furanyahay qof walba oo Af Soomaali wax ku qori kara, meesha uu doono ha joogo.
  • Gabadha ugu wanaagsan Gabdhaha Gabya (oo ay taageereyso UNDP) – Gabyga ugu wanaagsan ee hablaha gabya, kaas oo kor loogu qaadaayo codka haweenka.
  • Gabyaaga Da’da Yar ee Sanadka – Gabayga ugu wanaagsan ee uu soo gudbiyo qof ka yar 25 sano.

Saddex:Waxaan qabannaa munaasabado gaar ah oo lagu horumarinaayo maansada Soomaalida, loogana shaqeynaayo nabadda iyo midnimada. Munsaabadahaas waxaa ka mid ah Olole wacyi-gelin oo logaga hortagaayo colaadda, iyo mideynta bulshada iyadoo la isticmaalaayo suugaanta Soomaalida. Waxaan shaqo-galinaa abwaannada cusub si ay u soo qoraan gabayo cusub. Waxaan sidoo kale sameynaa bandhigyo iyo aqoon is-weydaarsi ku saabsan dhaqanka, anagoo la kaashaneyna madxafyada iyo xafladaha caalamiga ah.

Garsoorayaasha

Soomaaliya waxaa loo yaqaannaa dalka Abwaannada, Gabayguna si weyn ayaa looga qiimeeyaa. Waxaa xiiseeya dhamaan duqeyda iyo dhalinta, kuwa wax qora iyo kuwa ummiga ah, rag iyo dumar. Gabayga waxaa loo isticmaalaa in

la iskula xiriiro iyo in lagu keydiyo taariikhda, sidoo kale waxaa loo isticmaalaa in lagu xaliyo khilaafaadka.

Sidaa darted ayaa Ururka Horumarinta Gabayga Soomaaliyeed loo aasaasay sanadka 2021-ka. Ururuka waxaa la taliyayaal u ah Abwaannada hoos ku xusan oo ka mida kuwa ugu waaweyn Soomaaliya.

Abaalmarinta Gabayga Soomaalida

Waxaa la abaalmarinayaa saddexda Abwaan ee ugu wanaagsan:

Gabyaaga/Abwaanka Sanadka

Waxaa la guddoonsiinaya Gabayga ugu wanaagsan Sanad kasta. Qofka ku guuleysta waxaa la siinayaa lacag $2,000.

Abwaanadda Sanadka ee UNDP

Waxaa la guddoonsiinayaa Gabayga ugu wanaagsan ee qorta qof dumar ah. Abaalmarintan waxaa la socoto lacag $1,500 oo loogu tala galay qofka ku guuleysta inuu ku qoro 6 Gabay sanadka soo socda.