Hadduu Saakimi Waayo

Rag Sabaan ka Sabaan baan Salaantow badiyaa
Hadduu saakimi waayona Sariir baan u goglaayoon Iska seexo idhaa
Hadduu saakimi waayona Caanahii hasha Suubbaan baaan
Saddex jeer u lisaayoo Ku sarriigo idhaa
Hadduu saakimi waayona Summalkii rugta joogiyo Sogobkaan u qalaa
Hadduu saakimi waayona Sarreenkii Cadameed baan Sixinkowgu badshaa
Hadduu saakimi waayona Gabadh suurad wanaagsan baan Surrad’owga dhisaa
Hadduu saakimi waayona Xoolo gooni u soofiyo Sadadaan ku ladhaa
Hadduu saakimi waayona Seeddoow Mood iyo Mood iyo Salaantaan badiyaa
Hadduu saakimi waayona Salaaddaan lallabaayoo
Maydal seedo madow iyo Safkii aan ka dhashiyo Salligaan cuskadaayoo
Sulub eebo ku joogtaan Sarartaa ku dhuftaayoo
Sanbabkaan ka baxshaayoo Markaasuu sallimaa

Rag Sabaan ka Sabaan baan Salaantow badiyaa Hadduu saakimi waayona Sariir baan u goglaayoon Iska seexo idhaa Hadduu saakimi waayona Caanahii hasha Suubbaan baaan Saddex jeer u lisaayoo Ku sarriigo idhaa Hadduu saakimi waayona Summalkii rugta joogiyo Sogobkaan u qalaa Hadduu saakimi waayona Sarreenkii Cadameed baan Sixinkowgu badshaa Hadduu saakimi waayona Gabadh suurad wanaagsan baan Surrad’owga dhisaa Hadduu saakimi waayona Xoolo gooni u soofiyo Sadadaan ku ladhaa Hadduu saakimi waayona Seeddoow Mood iyo Mood iyo Salaantaan badiyaa Hadduu saakimi waayona Salaaddaan lallabaayoo Maydal seedo madow iyo Safkii aan ka dhashiyo Salligaan cuskadaayoo Sulub eebo ku joogtaan Sarartaa ku dhuftaayoo Sanbabkaan ka baxshaayoo Markaasuu sallimaa

Raadi