Tartanka
Gabayada
Soomaalida

Abaalmarinta ugu
sarreysa ee gabayga
Soomaalida

Abaalmarinta Gabayga Soomaalida ee sanadlaha wuxuu u furanyahay qof walba oo Soomaali ah meesha uu doono ha joogo ama haku dhasho. Tartanka waxaa garsoor ka ah qaar ka mid ah Abwaannada ugu xeelka dheer Suugaanta Soomaalida. Abaalmarinta waxaa lagu aqoonsadaa Gabayga ugu heerka sareeya Soomaalida.

Garsoorayaasha

Soo gudbi

SomaliTartanka Gabayada Soomaaliyeed ee sanadka 2021 hadda wuu xidhmay.
Natiijada dadka ku guuleystay waxaa la shaacini doonaa 22 ka bisha Nofeembar

EnglishThe 2021 Somali Poetry Awards are now closed.
Winners will be announced on 22d November

Gabyaaga ugu Wanaagsan Sanadka

Waxaa la guddoonsiinaya Gabayga ugu wanaagsan Sanad kasta. Qofka ku guuleysta waxaa la siinayaa lacag $2,000.

Gabadha ugu Wanaagsan Gabdhaha gabya (oo ay taageereyso hay’adda UNDP)

Waxaa la guddoonsiinayaa Gabayga ugu wanaagsan ee qorta qof dumar ah. Abaalmarintan waxaa la socoto lacag $1,500 oo loogu tala galay qofka ku guuleysta inuu ku qoro 6 Gabay sanadka soo socda.

Abwaanka Da’da yar ee Sanadka

waxuu u furanyahay dhalinyarada da’dooda ay ka yartahay 25 sano. Waxayna ku guuleysanayaan $1,000.

Sida loge qeyb gali karo

Abaalmarinta waxay u furantahay qof walba oo Soomaali ah meesha uu doono ha joogo ama haku dhasho.

Ka qeybgalka tartanka waa bilaash

Gabayada lagaga soo qeybgalaayo dhammaan waa inay ku qoranyhihiin Af- Soomaali, laguna so diraa websedka Hoyga Maansada Soomaaliyeed. Tartanku wauxuu xirmayaa saacaddu markay tahay 23.59 xilliga bariga Afrika, taariikdha 21 October sanad kasta.

Lama xadidin inta jeer uu qofka soo gali karo tartanka. Garsoorayaasha waxay qiimeynayaan qofka iyagoona arkin magaciisa. Qofkii magaciisa ku soo qoraa gabayga dhexdiisa waa laga saarayaa tartanka.

Marka aad websedka ku soo dirtid gabaygaaga waxaad heleysaa fariin xaqiijineysa inuu na soo gaaray.

Gabayada tartanka inta ay la egyihiin lama xadidin, mowduuc kastana wey noqon karaan. Balse waa inuu noqdaa Gabay curintiisu aad adiga leedahay. Mar hadaad soo dirtid, waxba lagama badali karo.

Gabayada tartanka waa inaan hore loo daabicin ama tartan hore ku guuleysanin wixi ka horeeya 21-ka November sanad kasta.

Garsooridda Tartanka

Hoyga Maansada Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay baddalaan Garsoorayaasha iyagoon cidna ogeysiinin iyo inaysan bixinin Abaalmarin sanad kasta hadey Garsoorayaasha ay go’aansadaan.

Garsoorayaashu waxay qiimenayaan gabay kasto oo tartanka lagu so diro, go’aankooduna waa kama dambeys. Hoyga Maansada Soomaaliyeed iyo Garsooyaraashu midna wada-hadal kama galaayo Go’aankooda.

Tartanka kama soo qeyb gali karto cid u shaqeysa Hoyga Maansada Soomaaliyeed, hay’adda UNDP ama cid kasta oo Tartanka maalgalisay.

Dadka ku guuleysta

Natiijada dadka ku guuleysta tartanka waxaa email loogu sheegayaa taariikhda markay tahay 31-ka October sanad kasta. Waa inay email-ka ka soo jawaabaan ugu dambayn 7-da bisha November hadii kale booskooda guusha waxaa loo wareejinayaa qofka ku xiga ee haysta gabayga ugu wanaagsan.

Dadka ku guuleysta waxaa lagu casumayaa xaflad abaalmarin ah oo lagu qabanaayo Soomaaliya taariikhda markay tahay 21-ka November. (Uruurka Maansoyahannada Soomaaliyeed ma bixinayaan qarashka qofka uu ku imaanaayo xafladda. Sidoo kale Hoyga Maansada waxuu xaq u leeyahay inuu baddalo qaabka ay u dhaceyso xafladda,tusaale ahaan in lagu qabto qaab online ah iyadoo la fiirinaayo xaaladda amniga iyo arimo kale.

Dadka ku guuelysta dhamaan waxaa laga rabaa inay soo gubdiyaan sawirkooda iyo taariikh-nololeedkooda oo kooban.

Xuquuqda gabay kasta waxaa iska leh qofka qoray balse dadka ku guuleysta tartanka waxay idin abadi ah u siinayaan in Hoyga Maansada Soomaaliyeed ay daabici karaan iyo inay u sii gudbini karaan bahda ay wada shaqeeyaaaan iyo maalgaliyayaashooda inay isticmaalaan muddo hal sano ah.

Hoyga Maansada Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu kala baddalo Abaalmarinada qeybaha Tartanka marka lagu jiro xulitaanka.

Abaalmarinta Abwaanada UNDP ee Sanadka waxaa loogu talagalay kaliya Gabayada ay qoraan haweenka oo ay ku cabirayaan noloshooda, fikirkooda iyo waxay u soo joogeen.

Abaalmarinta Abwaanka Da’da yar ee Sanadka waxaa loogu talagalay kaliya Abwaanada da’doodu tahay 25 sano ama ka yar taariikdha markay tahay 21-ka November sanad kasta. Qofka ku guuleysta waxaa looga baahanyahay inuu keeno caddeyn muujineysa d’adiisa.