Boqorkayow

Ilaahaan baahannee loo baahanyow Boqorkayow Hee Dheh
Ilaaha weligi baaqiga noqdoow Boqorkayoow Hee Dheh
Iaaha Deeqsinnimo loo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahi Waaxidnimo loo bartoow Boqorkayoow Hee Dheh
Ilaahaan xaq lagu beeninnoow Boqorkayoow Hee Dheh
Ilaaha dunida baaraxa khalqoow Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahii inu burburin sheegayoow Boqorkayoow Hee Dheh
Bini'Aadmi waa meel sokee Boqorkayoow Hee Dheh
Bismillaahi waa culustahee Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahii Dartii lagu beryoow Boqorkayoow Hee Dheh
Kolka Bacadka yoomkiyo la tago belel Qiyaamaa
Ninkastoo Badraanihi markuu biidna tari waayo
Ilaaha Xukunka keligii bogtoow Boqorkayoow Hee Dheh

Bar Janno iyo Cadaabtuu khalqiga ugu bushaareeyey
Badhba meelu geeyoba markuu kala boqoolsiiyo
Ilaahii laba u kala baydhiyoow Boqorkayoow Hee Dheh

Bidhaantii kastaba kii arkoow Boqorkayoow Hee Dheh
Bad wax mara berriga waxa jiriyo buuro dabadooda
In bogliyo in baabaca dhigtiyo baalka lagu duulo
Bushimo nool Allaha quudiyoow Boqorkayoow Heedhe

Biyo Oday intuu iga khalqiyo biliq yaroo Dhiiga
Bilcan Dumara uurkeed intuu igu barwaaqeeyey
Barna aniga oon qabin isagaan igu bukaysiinnin
Ilaaha Nolosha igu soo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh

Baabaca addoon baan dhigtee Boqorkayoow Heedhe
Boqolkaaga magac ee mid la' yaan baaqa maqashiinne
Allow xadhiga sahal iiga bixi kuu baryootamaye

Ilaahaan baahannee loo baahanyow Boqorkayow Hee Dheh Ilaaha weligi baaqiga noqdoow Boqorkayoow Hee Dheh Iaaha Deeqsinnimo loo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh Ilaahi Waaxidnimo loo bartoow Boqorkayoow Hee Dheh Ilaahaan xaq lagu beeninnoow Boqorkayoow Hee Dheh Ilaaha dunida baaraxa khalqoow Boqorkayoow Hee Dheh Ilaahii inu burburin sheegayoow Boqorkayoow Hee Dheh Bini'Aadmi waa meel sokee Boqorkayoow Hee Dheh Bismillaahi waa culustahee Boqorkayoow Hee Dheh Ilaahii Dartii lagu beryoow Boqorkayoow Hee Dheh Kolka Bacadka yoomkiyo la tago belel Qiyaamaa Ninkastoo Badraanihi markuu biidna tari waayo Ilaaha Xukunka keligii bogtoow Boqorkayoow Hee Dheh Bar Janno iyo Cadaabtuu khalqiga ugu bushaareeyey Badhba meelu geeyoba markuu kala boqoolsiiyo Ilaahii laba u kala baydhiyoow Boqorkayoow Hee Dheh Bidhaantii kastaba kii arkoow Boqorkayoow Hee Dheh Bad wax mara berriga waxa jiriyo buuro dabadooda In bogliyo in baabaca dhigtiyo baalka lagu duulo Bushimo nool Allaha quudiyoow Boqorkayoow Heedhe Biyo Oday intuu iga khalqiyo biliq yaroo Dhiiga Bilcan Dumara uurkeed intuu igu barwaaqeeyey Barna aniga oon qabin isagaan igu bukaysiinnin Ilaaha Nolosha igu soo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh Baabaca addoon baan dhigtee Boqorkayoow Heedhe Boqolkaaga magac ee mid la' yaan baaqa maqashiinne Allow xadhiga sahal iiga bixi kuu baryootamaye

Raadi