Ayaanle Abdirahman Qoyste

Taariikhda

Ayaanle Xasan C/raxmaan Qoyste, wuxuu sanadkii 1995-kii ku dhashay Magaalada Muqdisho halkaas uu ku barbaaray waxbarashadana ku dhameystay ilaa heer jaamacadeed.

Ayaanle waxaa uu bartay maadada IT-ga balse fursad shaqo kuma uusan helin xirfadaasi. Halka uu iska fadhini lahaa camal la’aan wuxuu door biday inuu waqtigiisa uga faa’iideysto dhanka saxaafadda oo uu waligiis jeclaa.

Dhanka kale, Ayaanle waa hal-abuur da’yar oo curiya noocyada kala duwan ee maansada.

“iskuma tilmaami karo Gabayaa inkastoo Awoowe-yaashey gabyi jireen, balse waxaan ahay Hal-abuur da’yar oo wax badan ka yaqaana noocyada kala duwan ee Maansada Soomaaliyeed” ayuu yiri Ayaanle. “Jecelna horumarinteeda, waana tan igu qasabtay inaan la soo xariiro Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo aan bogaadiyo howsha ay wadaan,”

“Qiyaastii 7 sano ka hor ayaan bilaabay inaan hab Suugaaneyd ku cabiro arimaha taagan,markaasoo aan dib u milicsaday dhibaatadii Dagaalada Sokeeye ay ka dhaxleen Dhalinta gayaankeyga ah iyo guud ahaan Soomaalida.”

Gabayada Abwaanka oo idil Ayaanle Abdirahman Qoyste

Ayaanle Abdirahman Qoyste war dheeri ah

Raadi