Xamar bilan

Dhaxaan baraariyo
Barwaaqo nabadeed
Weyne ka barayey
In ay mar un ku bariisato
Xaruntan ku barbaaray iyo
Xamar bilantii aan jeclaa.

Saakana Ku bigaacso araga
Hadey beri ahayd
Caasimadeenii Banaadir
Xarun bahal galeenoo
Dadka lagu bireeyo
Caalamkuna ka baqo
Maanta wey ka baanatoo
Waa kaa baraarahedu
Warbaahintu baahineyso.

Daaro bidhaan qurxoon iyo
Ganacsigoo baaha iyo
Nabad bey barqadan
Bilado ku mutadatoo
Dalxiis bey beegsaneysa.

Dhibtiyo Baladda qaraxyadana
Waxey kala baal tahoo
Baroorta la wadaaga
Baariis iyo bijiin iyo
Dunidaa baaxada lahoo
baroor diiqdu ka socotee
Baajinteedana eebe hayoo
Bishaaro nabadeed
Ka barinaa had iyo goor.

Dhaxaan baraariyo Barwaaqo nabadeed Weyne ka barayey In ay mar un ku bariisato Xaruntan ku barbaaray iyo Xamar bilantii aan jeclaa. Saakana Ku bigaacso araga Hadey beri ahayd Caasimadeenii Banaadir Xarun bahal galeenoo Dadka lagu bireeyo Caalamkuna ka baqo Maanta wey ka baanatoo Waa kaa baraarahedu Warbaahintu baahineyso. Daaro bidhaan qurxoon iyo Ganacsigoo baaha iyo Nabad bey barqadan Bilado ku mutadatoo Dalxiis bey beegsaneysa. Dhibtiyo Baladda qaraxyadana Waxey kala baal tahoo Baroorta la wadaaga Baariis iyo bijiin iyo Dunidaa baaxada lahoo baroor diiqdu ka socotee Baajinteedana eebe hayoo Bishaaro nabadeed Ka barinaa had iyo goor.

Raadi