Abwaan Axmed Farah Idaajaa

Taariikhda

oo ku magac-dheer “Idaajaa” waxuu ka mid yahay Suugaanyahannada ugu waaweyn Somaalida. Waxuu aaad ugu xeel dheeryahay dhaqanka iyo taariikhda suugaanta Soomaalida. Waqti badan waxuu galiyay uruurinta iyo daabacaadda Gabayada Soomaalida. Waxqabadkiisa waxaa ka mid ah uruurinta Gabayadii Abwaan Ismaaciil Mire Cilmi oo ka mid ahaa Janaraalladii Darawiishta. Waxaa la daabacay sanadkii 1974. Dagaalkii Sookeeye kadib, waxuu usoo wareegay Yurub halkaasuu kasii waday qoridda iyo ka shaqeynta Suugaanta Soomaalida. Abwaan Idaajaa waxuu soo jeedin jiray barnaamijka Fanka iyo Suugaanta ee ka bixi jiray Idaacadda BBC-da laanteeda Af-Somaaliga. Haddase waxuu soo jeediyaa taxanaha caanka ah ee Hiddaha iyo Dhaqanka ee ka baxa idaacadda VOA laanteeda Af-Soomaaliga. Waxuu ku dhashay gobolka Mudug sandkii 1948.

Share on facebook
Share on twitter
Share on print
Share on email

Raadi