Abdirizak Bashir Ahmed

Taariikhda

Cabdirizak Bashir Axmed oo ku magac dheer “Hogol Caafi” waxuu bilaabay inuu gabyo asagoo jiro 7 sano kaliya. Kadib qoyskiisa waxay u guureen Hadaaftimo, halkaas uu Cabdirizak iskuulka ka dhigtay kuna bartay suugaanta iyo murtida Abwaaanada waaweyn ee Soomaalida. Halkaa waxaa uga korortay aqoon oo sare-u-qaadday hibada curinta uu Eebe ku galladaystay yaraantiisii.

Sida lagu yaqaanno Abwaannada Soomaalida, gabayadiisa badanaa waxay ku saabsanyihiin ka falcelin arrimo markaa qalbigiisa taabanaya. Cabdirisaq waxuu in badan ka qeyb qaatay wacyigelinta bulshada, waxuu gabayadiisa ku soo bandhigay magaalooyin badan sida Kismayo, Muqdisho, Bosaso, Hargeysa iyo Galkacayo.

Sanadkii 2019 ayuu u so wareegay dalka Turkiga uu hada ku suganyahay. Wali waxuu gabayga u isticmaalaa inu ku hormariyo dhaqanka Soomaalida iyo inuu kaga hadlo arimaha bulshada. Bishii sadexaad ee sanadkan waxaa loo magacaabay madaxa Dhaqanka iyo Suugaanta bulshada Soomaalida ku nool dalka Turkiga.

Abdirizak Bashir Ahmed, known as “Hogol Caafi”, started reciting poems when he was only seven years old. Later his family moved to Hadaaftimo town where Abdirizak attended school. Here he studied Somali literature and got to know the works of major poets, adding knowledge to the natural ability he’d already demonstrated as a child.

Like many Somali poets, his poems are mainly based on reactions to events and issues that touch his heart. Abdirizak has been actively involved in community awareness campaigns in Somalia and has performed in major towns including Kismayo, Mogadishu, Bosaso, Hargiesa and Galka’ayo.

He moved to Turkey in 2019 and continues to use his poetry and influence to promote Somali culture and address social issues. In March, he was appointed as the head of culture and literature for the Somali Diaspora Community in Turkey.

Raadi