Abwaan da’a yar iyo riyadiisii magaalada

Cabdirizak Bashir Axmed oo ku magac dheer “Hogol Caafi” waxuu bilaabay inuu gabyo asagoo jiro 7 sano kaliya. Curintiisii ugu horeysay waxay ku bilaabatay maalin uu waalidkiis kula dooday inuu aado magaalada Hargeysa.

“Familkeena waxuu daganaa tuulo yar oo u dhow Ceerigaabo, gobolka sanaag. Aniga waxaan rabay inaan Hargeysa u wareego” ayuu yiri kol dhow aanu wareysi ka qaadnay. “Balse waalidkay wey ii diideen inaan safro, xanaaq dartiisa ayaan waxaan ugu jawaabay tix aan dareenkayga ku cabiray.”

Ereyadaan ayuu ka xusuustaa tixdaas:

Hilinkaan u socdaa, habaas malahoo
Ninkii han leh baa, Hargaysa tagee
Halkuu galayaa mid, hawd jiray oo

Hargeysa ayey u wareegi doonaan ugu dambayn balse marki hore waxay u guureen Hadaaftimo, halkaas uu Cabdirizak iskuulka ka dhigtay kuna bartay suugaanta iyo murtida Abwaaanada waaweyn ee Soomaalida. Kadib waxaa u korortay aqoon oo sare-u-qaaday hibada curinta uu Eebe ku galladaystay yaraantiisii.

“Adeeraday Abwaanno ayey ahaayeen balse aniga waxaa la dhihi karaa waa hibo Alle Isiiyay,” ayuu yiri.

Sida lagu yaqaano Abwaannada Soomaalida, gabayadiisa badanaa waxay ku saabsanyihiin ka falcelin arrimo markaa qalbigiisa taabanaya. “Waa inay jirto arin dareenkayga kicisa oo igu qasabta inaan ka hadlo,” ayuu yiri asagoo arintaa sharaxaya.

Taas waxaa tusaale u ah gabaygiisi ugu dambeeyay uu ka qoray caasimada Muqdisho. Is-af-garan waaga ka dhashay arimaha doorashada ayaa waxay kicisay xamaasad siyaasadeed iyo cabsi in dalka dagaal sokeeye dib ugu noqdo, qaas ahaan marki ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka bishii Afaraad.

Isagoo arintaa ka jawaabaya ayuu Cabdirizak durbadiiba qoray gabay uu kaga hadlaayo muhimada ay leedahay in la ilaaliyo nabadda caasimada Muqdisho.

“Muqdishaay Dhab baan ku jeclahay, waana shay dhabe e
“Markaan kaa dhaqaaqa Qalbiga,xiiso soo dhaline
“Hurdo wayga dheertahay markaa tago dhul reeraad.

“Qofki doonaya inuu Muqdisho burburiyo waa sida qof doonaya inuu Hooyadii dilo camal,” ayu yiri. “Waxaan rabay inaan dadka xusuusiyo waxa ay xamar inooga dhigantahay, angioo la bar-bar dhigayo qiimaha ay hooyadu leedahay.”

Cabdirisaq waxuu in badan ka qeyb qaatay wacyigelinta bulshada, waxuu gabayadiisa ku so bandhigay magaalooyin badan sida Kismayo, Muqdisho, Bosaso, Hargeysa iyo Galkacayo.

Sanadkii 2019 ayuu u so wareegay dalka Turkiga uu hada ku suganyahay. Wali waxuu gabayga u isticmaalaa inu ku hormariyo dhaqanka Soomaalida iyo inuu kaga hadlo arimaha bulshada. Bishii sadexaad waxaa loo magacaabay madaxa Dhaqanka iyo Suugaanta bulshada Soomaalida ku nool dalka Turkiga.

“Sharaf weyn bey ii hayd in la igu maamuuso xilkaas, muhiimada laga leeyahay waa in la is weydaarsaddo oo wax laga barto dhaqanka bulshada Soomaalida iyo kuwa Turkiga. Iyo inaan u siticmaalno dhaqanka wado la isku fahmo oo lagu wada shaqeeyo.

Abdirizak Bashir Ahmed, known as “Hogol Caafi”, started reciting poems when he was only seven years old. It all started one day when he argued with his parents over going to Hargeisa city.

“My family lived in a small village near Ceerigaabo in the Sanaag region but I wanted to move to the capital, Hargeisa,” he told us in a recent interview. “They refused to let me travel and I was so upset that I responded with a poem.”

He remembers the following lines from that poem:

There is no dust where I am heading to
Only a man with a vision goes to Hargeisa
What value has one who lives in the jungle?

His family would move to Hargeisa eventually, but they first they went to Hadaaftimo town, where Abdirizak attended school. Here he studied Somali literature and got to know the works of major poets, adding knowledge to the natural ability he’d already demonstrated as a child.

“My uncles were well known poets but you could say my poetry is a God-given talent,” he said.

Like many Somali poets, his poems are mainly based on reactions to events and issues that touch his heart. “There has to be an issue that stirs my emotions and compels me to express my feelings,” he explained.

His latest poem about the Somali capital, Mogadishu, is a good example. Rising political tension over the election impasse stoked fears that the city could descend into a full-blown civil war, especially during clashes between government forces and opposition groups in April.

In response to the looming crisis, Abdirizak quickly composed an emotional poem about the importance of keeping Mogadishu safe.

“Muqdishaay Dhab baan ku jeclahay, waana shay dhabe e
“Markaan kaa dhaqaaqa Qalbiga,xiiso soo dhaline
“Hurdo wayga dheertahay markaa tago dhul reeraad.

“The person who wants to destroy Mogadishu is like someone who wants to kill his mother,” he said. “I wanted to remind people what the city means to us by comparing it to how we value our mothers.”

Abdirizak has been actively involved in community awareness campaigns in Somalia and has performed in major towns including Kismayo, Mogadishu, Bosaso, Hargiesa and Galka’ayo.

He moved to Turkey in 2019 and continues to use his poetry and influence to promote Somali culture and address social issues. In March, he was appointed as the head of culture and literature for the Somali Diaspora Community in Turkey.

“I was honoured to be given such an important post, the objective is to promote cultural exchange between the Turkish and Somali people so that we can learn from one another and use culture as an avenue of understanding and cooperation,” he said.

Raadi