Raxma Xuseen Huriye waxa ay jeclaatay gabayada iyadoo yar, marka ay heeseyso iyada keligeed ayay heesi jirtay oo way ka xishoon jirtay inay maansadeeda la wadaagto dadka kale marka laga reebo qoyskeeda.
“Waxaan ka dhashay qoys abwaanno ah, waxaana ku soo koray miyiga,” ayuu tiri Raxma oo 26-jir ah oo horey ugu guuleystay tartan gabay. “Qoyskaygu way iga dhegaysan jireen gabayada, wayna iga sixi jireen marka aan qaldo tuduca”
Sannadkii 2013, waxay u soo guurtay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kula kulantay saaxiibbo cusub iyo gabdho kale oo abwaanno ah oo suugaantooda ku wadaaga baraha bulshada. Durbadiiba waxa ay bilawday in ay gabayadeeda soo dhigto Facebook-ga ugu dambayntiina waxa ay ku dhiiratay in gabayadeeda ka akhriso bandhig faneed dadbadani daawanayay.
“Facebook wuxuu i siisay geesinimo aan shaqadayda la wadaago dadweynaha. Waxaan dareemayaa kalsooni, sababtoo ah akhristayaasha ma i arki karaan, aniguna ma arki karo iyaga,” ayay tiri. “Waan ku dhiiradaa markaan arko faallooyin wanaagsan iyo dadka oo ka hadlaya gabayadayda.”
Inkastoo nolosha magaaladu ay siiso Raxma fursado iyo dareen xorriyadeed, haddana waa inay si taxaddar leh uga fiirsataa bulshada oo ku adag in dumarka u ogolaadaan in ka hadlaan fagaarayaasha.
“Ma fududa in haweenku si xor ah u hadlaan sida ragga, waa inaan ka taxadarnaa arrimaha dhaqanka xasaasiga ah iyo xitaa muujinta waxyaabaha caadiga ah si dadku u aqbali karaan. Isku dheelitirnaan wanaagsan, wadashaqeyn ayaa lagu gaari karaa in bulashada si firfircoon ugu qayb galaan,” ayay tiri.
Bishii Sebtembar, Raxma waxay isku keentay laba ka mid ah saaxiibbadeeda, waxay abaabuleen xaflad gaar ah oo lagu soo bandhigayio gabayada dumarka.
“Mid kasta oo naga mid ah ayaa soo bandhigay saddex maanso, waxaana ku casuunnay laba abwaan oo caan ah oo nagala soo qayb galay doodaha iyo ka jawaabista su’aalaha. In ka badan 100 qof ayaa goobta yimid. Waxay ahayd markii ugu horreysay oo aan ku hor bandhigo dad badan oo I daawanaya,” ayay tiri Raxma. “Annaga, waxay noo ahayd wax ka badan inaan gabayadayada soo bandhigno; waxay sidoo kale noo ahayd hab lagu muujinayo awoodeena iyo xirfadayada hoggaamineed,”
Guusha ka soo hoyatay xafladaasi waxay ahayd mid Raxma siisay kalsooni iyo dhiiranaan ay ku gashay abaal-marinaha suugaanta ee Hoyga Maansada ee sannadlaha ah.Waxayna aad ula yaabtay Raxma in ay ku guulaysatay abaal marinta Gabadha ugu gabay wanaagsan, Gabaygeeda ay kaga hadlayso midnimada iyo muhiimada ay leedahay ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed.
Tixdan soo socotaa waxay ka mid tahay gabaygeeda guusha:
Sugitaanka qarankeena iyo, nolol samaynteena
Sahashiga haddaan kaga tagnoo, saydhno wadarteenba
Jirrideenu way suuli oo, siidhku uu bi’iye
Sal halkaan ku leenahay, ayaan subax la sheegayne
Ku guuleystayaasha tartanka gabayada oo socday muddo bil ah, ayaa lagu shaaciyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho 22-kii November.
“Weligay uma malaynayn in aan ku guulaysan doono abaal-marin heer sare ah!” ayay tiri. “Waxaan markii hore rabay inaan codsado qaybta ugu sareysa, taas oo u furan ragga iyo dumarka labadaba, laakiin ka dib waxaan u maleeyay inaan fursad badan u leeyahay qaybta haweenka, maadaama aysan jirin dumar badan oo gabayaa ah.
“Waxaan si xadfhaaf ah ugu farxay fariimaha qoyskayga, asxaabta iyo dadweynaha iga soo gaaray tan iyo markii natiijada lagu dhawaaqay. Facebook-gayga waxa buux dhaafiyey boqollaal farriimo oo la iigu hambalyeynaya abaal-marintan.”
Barnaamijka Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo ay taageerto Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta ee UNDP ayaa dhawaan daah-furtay website-keeda, kaasoo lagu kaydiyo maansada Soomaaliyeed iyo majaladda online-ka ah ee lagu soo bandhigo wararka iyo maqaallada la xiriira gabayada, bandhigyo toos ah iyo mid online ah. . Hindisaha waxaa looga golleeyahay in lagu dhiirageliyo awoodda gabayada si kor loogu qaado nabadda iyo xuquuqda aadanaha.
“Barnaamijka Hoyga Maansada Soomaaliyeed waxa uu madal siinayaa abwaanada jiilka cusub, isla markaana dhiirigelinaya oo ilaalinaya maansada qadiimiga ah ee Soomaaliyeed iyada oo lagu kaydiyo qaab online ah oo dhamaystiran,” ayuu yiri Cismaan Cabdilaahi Guure, oo ka mid ahaa garsoorayaashii tartanka gabayada sanadkan. .
Raxma waxa ay doonaysaa in ay u adeegsato caannimadeeda cusub si ay u xoojiso codkeeda oo ay u dhiirigeliso dumarka kale ee gabya ee u baahan tusaale ay ku daydaan.
“Waxaa jira gabyaa badan oo dumar ah oo leh hal-abuur iyo sheekooyin wanaagsan oo ay aheyd in ay ka hadlaan laakiin aan lahayn geesinimada ay ku hadlaan, sidaas darteed waxaan rabaa in aan isticmaalo saameyntayda si aan u xoojiyo iyaga oo aan ka caawiyo inay la wadaagaan bulshada xirfadahooda qarsoon,” ayay tiri.