2021 Somali Poetry Award winners

2021 Somali Poetry Award winners

Garsoorayaal ku xeeldheer suugaanta Soomaalida ayaa xulitaan ay ku sameeyeen boqollaal gabayo ah waxay ku soo xuleen Abwaanka ugu Gabayga Wanaagsan Sandka, Abwaanadda ugu Gabayga Wanaagsan Sanadka ee UNDP iyo Abwaanka ugu Da’da Yar sanadka.

22 Nofeembar 2021 — Waxaa maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay dadka ku guuleystay Tartanka Sanadlaha ee uu qabtay Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo taageero ka helaya hay’adda Qaramada Middobay u Qaabilsan Horumarinta (UNDP).

Tartanka oo markii ugu horeysay sanadkan la qabtay ayaa u furnaa qof walba oo Af Soomaali wax ku qora si loo helo hal-abuurka ugu wanaagsan. Saddexda qeyb ee tartanka waxay kala ahaayeen Gabyaaga ugu Wanaagsan Sanadka, Gabadha ugu Gabayga Waangsan iyo Abwaanka ugu D’ada Yare Sanadka (ka yar 25 sano).

In ka badan 200 oo gabayo ayaa lagu soo diray website ka Hoyga Maansada, waxaa Garsoorayaal ka ahaa abwaanno isugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo hadda soo kacaya oo ay ka mid yihiin Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Cisman Cabdullaahi Guure, Maxamud Xaaji Maxamed (Tarash), Caasha Maxamud Yuusuf (Caasha-luul) iyo Xawa Jaamac Cabdi.

Qeybta koowaad ee Gabyaaga ugu Wanaagsan Sanadka waxaa ku guuleystay Mursal Daahir Caynte oo gabaygiisu ku saabsanaa gobannimada iyo gumeysiga. Qeybta Gabadha ugu Gabayga Wanaagsan waxaa ku guuleystay Raxma Xuseen Huriye oo gabaygeeda kaga hadashay midnimada, dadkana uga digtay halista ka dhalan karta marki ay bulshadu ka tagto dhaqankeeda iyo qiyamkeeda. Abwaanka ugu Da’da Yar

Sanadka waxaa ku guuleystay Mubaarik Yuusuf Dheeg oo gabaygiisu ku saabsanaa muhimadda ay leedahay xushmadda iyo naxariista.

“Sharaf bay ii tahay in aan ku guuleysto abaalmarinta ugu sarreysa ee Tartanka Gabayada Hoyga Maansada Sanadka,” ayuu yiri Mursal. “Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Eebe kadibna qabanqaabiyayaasha tartanka oo dhiiragalin u sameeyay abwaannada da’da yar iyo sida ay u ilaalinayaan dhaqanka Soomaalida. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa hay’adda UNDP oo taageertay barnaamijkan. Waxey igu dhiiragalisay inaan sii wado curinta gabayga,”

“Marka hore Alle ayaa mahad leh, marka xigtana bahda Hoyga Maansada howsha culus oo ay qabteen,” ayey tiri Raxma Xuseen Huriye. “Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysto abaalmarinta qeybta haweenka”

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysto qeybta dhalinyarada.Waa riyo ii rumowday,” ayuu yiri Mubaarik Yuusuf Dheeg. “Waxaan u mahadcelinayaa qabanqaabiyayaasha iyo garsooorayaasha shaqada culus oo ay qabteeen si barnaamijkan looga dhabeeyo,”

“Badanaa waxaa Soomaaliya loo yaqaannaa dalkii abwaannada, aniga taasi waxay iiga dhigantahay inaan nahay bulsho xikmad badan oo maan fayow. Xaqiiqadaas ayey ka tarjumayaan dadkii ku guuleystay tartanka Gabayada sanadkan,” ayey tiri Xaawa Jaamac Cabdi oo ah gabyaa aad loo yaqaanno, kana tirsanayd garsoorayaasha tartanka sanadkan.

Xafladda abaalmarinta waxay maanta ka dhacday hoteelka Jazeera ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Waxaa lagu soo bandhigay gabayadii ku guuleystay iyo khudbado ay soo jeediyeen dad magac ku leh suugaanta Soomaalida.

Tartanka wuxuu ka mid yahay mashruucyada ugu dambeeyay oo uu hirgaliyay Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo taageero ka helaya hay’adda UNDP, si loo horumariyo suugaanta Soomaalida, nabadda iyo xuquuqda haweenka.

Earlier this year, the Home of Somali Poetry launched its website (www.hoygamaansada.com)www.hoygamaansada.com) Bogga internetku wuxuu kaydiyaa gabayadii hore iyo kuwo cusub oo ay tiriyeen abwaanada jiilka cusub. Sido kale, waa bar lagu daabaco warar la xiriira gabayada, laguna soo bandhigo maqaallo, wareysiyo, bandhigyo islamarkaana aqoon laga kororsado. Hoyga Maansadu wuxuu qabanayaa munaasabado gaar ah wuxuuna shaqo gelinayaa abwaanada si ay u soo qoraan gabayo cusub oo loogu qabto bandhigyo iyo aqoon is-weydaarsiyo dhanka dhaqanka ah.

“Haweenka abwaanada ah waxay taariikh dheer ku leeyihiin inay gabayga u adeegsadaan difaaca xuquuqdooda iyo tan muwadiniinta kale, iyagoo xitaa wajahaya caqabado waaweyn,” ayey tiri Maha Abusamra, oo ah sarkaal u xilsaaran qeybta jinsiga ee hay’adda UNDP. “Waan ku faraxsannahay inaan taageerno abwaannada Raxma oo kale inay hal-abuurkooda uu meel dheer gaaro,”

 

For more information, please contact:

Hoyga Maansada Soomaaliyeed: Hoygamaansada@gmail.com / +252 61 928 8867

UNDP communications.so.undp.org / +252 61 412 5046

Twitter @hoygamaansada | Facebook: @hoygamaansada

Instagram @hoygamaansada | YouTube: https://tinyurl.com/yxfrcnsk

 

Fiiro gaar ah

Gabayada tartanka sanadkan ku guuleystay oo dhameystiran iyo sawirrada dadka ku guuleystay dhamaan halkan ayaad kala dagi kartaan: https://www.dropbox.com/sh/cbg7s4rhsjnp4i7/AACvEJxUQKtY3-iqzIJaE4oia?dl=0

Hoyga Maansada Soomaaliyeed waa barnaamij lagu kaydiyo laguna horumariyo gabayada iyo suugaanta Soomaalida. Waxaa la daahfuray sannadka 2021. Bogga internetka https://www.hoygamaansada.com/ waxaa lagu kaydiyaa gabayada Soomaalida, waxaana lagu qabtaa Tartanka Gabayada ee Sannadlaha.

Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Horumarinta (UNDP) waxay ka shaqeysaa 170 dal si ay u cirib-tirto saboolnimada oo wax uga qabato sinnaan la’aanta. Waxyaabaha aan dalalka ka caawinno waxaa ka mid ah diyaarinta qorshayaasha, xirfadaha hoggaaminta, dhiirrigelinta wadashaqaynta, kobcintas hay’adaha dawladda iyo xoojinta dhabar-adaygga si loo gaaro Yoolasha Horumar Waara. Shaqadayadu waxay u badan tahay saddex qeybood oo kala ah; gaaritaanka horumar waara, maamul wanaagga iyo nabadeynta, iyo sidii loogu dhabaradaygi lahaa isbeddelka cimilada iyo musiibooyinka. www.so.undp.org.

Winners announced for the 2021 Home of Somali Poetry Awards

Poet of the Year, UNDP Woman Poet and Youth Poet judged by leading names in Somali literature from hundreds of entries

22 November 2021 — Winners were announced today for the annual Home of Somali Poetry Awards run by the Home of Somali Poetry initiative (Hoyga Maansada Soomaaliyeed) with support from the United Nations Development Programme (UNDP).

The Awards, run for the first time this year, were open to anyone writing in Somali to find the best creative talent across three categories: Poet of the Year, Woman Poet of the Year (sponsored by UNDP) and Youth Poet of the Year (for poets under the age of 25).

More than 2oo entries were received through the Home of Somali Poetry website and were judged by leading and upcoming poets, including Ahmed F. Ali (Idaajaa), Osman Abdullahi Guure, Mohamud Haji Mohamed (Tarash), Asha Mohamud Yusuf (Asha-luul) and Hawa Jama Abdi.

The Poet of the Year category was won by Mursal Dahir Caynte for his poem on freedom and colonialism. The UNDP Woman of the Year award was won by Raxma Xuseen Huriye who’s Poem appealed for unity and warned of the dangers that come when a society loses its culture and values. Youth Poet of the year was awarded to Mubarik Yusuf Dheeg for a poem on humility, kindness and respect.

“It is an honour for me to win the top prize of this year’s Hoyga Maansada Poetry Competition,” said Mursal. “I would like to thank God for this opportunity and I would also thank the organisers of the competition for encouraging young poets and for preserving Somali culture. Thanks also to UNDP for supporting this great initiative. I am inspired to continue writing poetry,” said Mursal Dahir Caynte.

“First of all, I would like to thank God for making this happen,” said Raxma Xuseen Huriye. “Secondly, I would like thank the Home of Somali Poetry initiative for the great work they have done. I am extremely happy to win the 2021 Woman Poet of the Year award.”

“I am so excited to have won the youth category; it is a dream come true, said Mubarik Yuusuf Dheeg. “I cannot express my feelings now, but I have to thank the organizers and the judges for the great work they have done in making this difficult task a reality.”

“We often say that Somalia is the nation of poetry and for me this means we are a wise nation with a healthy mind. I think our winners this year reflect those facts,” said well-known poet and 2021 awards judge Hawa Jama Abdi.

The official awards ceremony took place today in Mogadishu, with live performances of the winning poetry and appearances from celebrity guests.

The Awards are the latest activity from the Home of Somali Poetry initiative, which is being supported by UNDP to promote Somali poetry, women’s rights and peacebuilding.

Earlier this year, the Home of Somali Poetry launched its website (www.hoygamaansada.com) , which hosts a growing Somali Poetry Archive to preserve the classics and showcase new work from a fresh generation of poets, as well as an online magazine for poetry-related articles, interviews with poets, live performances, learning resources and more. The initiative will continue to organize special events, as well as commissioning new work and organizing live performances and cultural exchanges.

“Women poets have a long history of using poetry to speak out and stand up for their rights and those of their fellow citizens, even in the face of significant obstacles,” said UNDP Somalia’s Gender Specialist, Maha Abusamra. “We are delighted to be able to help women poets like Raxma find a wider audience for their work.”

 

For more information, please contact:

Home of Somali Poetry: Hoygamaansada@gmail.com / +252 61 928 8867

United Nations Development Programme: communications.so.undp.org / +252 61 412 5046

Or follow: Twitter: @hoygamaansada | Facebook: @hoygamaansada

Instagram @hoygamaansada | YouTube: https://tinyurl.com/yxfrcnsk

 

Links  to the 2021 award-winning poems

The text of the 2021 Home of Somali Poetry award-winning poems can be downloaded here:

 

Search