Somali

English

Latest News/Article

Nimco Adan Hurre: A voice for peace and women’s rights

Latest News/Article

A close reading of Peace Is Your Home

Latest News/Article

Meet the 2021 Home of Somali Poetry Poet of the Year

Featured Poet

Fadumo Yusuf

Featured Poem

"Qoraal" by Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Muxumed

Featured Poem

Qoraal

Read More

Bi,I waa qoraaloow
Magacaygu waa qaaf
Qawlkaygu waa weedh
Qiimahaygu waa basher
Qiasadaydu waa tii
Qumanaan ka leexnayd,
Qofnimada waxaan ahay
Qaaradani Afriik baan
Qar qarkeeda bariga ah
Hadba waxa l a ii qoray
Quud aan ku helayaa
Qabyaaladu siday tahay
Marmarbaan yar quutaa
Nabadbaase ii quban.

Waxan ahay qof kugu biday
Wanaag qaybihiisoo
Jecel qaylo dhaantaa
Waxan ahay qaloociyo
Qarfo iyo dhibaatiyo
Qabyo nolol ahaatiyo
Jabka qaybiihiisiyo
Maskax layska quudhsado
Nin qaraar ka joogoo
Quus ka tagaanbaan ahay,

Qaybsigeed aduunyada
Adigaa u qiil furay
Immisaa ninquusoo
Kibir iyo qab weynaa
Maalintuu qoraal helay
Uqushuucay noloshoo
Qunyar socod ku dhiiraday,

Immisaa dal qiiqoo
Baaruudu qaraxdoo
Qayladu dayaantoo
Qolo qolo ishaystio
Laysku qaatey waramada
Qoraal lagu fadhiisiyay,

Bi,I waaye qaliyahow
Qofnimadu la,aantaa
Qasad iyo ujeediyo
Qiimo may lahaateen
Noloshana qiyaasli,i
Qaran lama ahaadeen
Maalmaha qoraalkiyo
Taariikhda kala quban
Looma qeyb samaysteen
Faa,iidiyo qasaaraha
Qanac laguma yeesheen
Qudha ruuxa kii jaray
Looguma Qisaaseen
Dadku qaafilnimadana
Qiil umuu sameeyeen
Qaadir uunka uu dhigay
Qoomba qoom xag kale jira
Quudhsi kuma tilmaameen
Qubanaha culuumtana
Jaahil kuma qaloodeen
Qiimaha tacliintuna
Qani may ahaateen
Anna kumaba qaateen,

Balse qiiradaydani
Ku qofeeyey maantoo
Noloshana qorshaystee
Mar hadaanad qolo galin
Qabiil iyo dad gaarana
Qiimahooda muunayn
Taydana bal qayd oo
Qaraar gaadhay maantee
Adna hay qasaarine
Qayrkay igaadhsii.

Bi,I waa qoraaloow Magacaygu waa qaaf Qawlkaygu waa weedh Qiimahaygu waa basher Qiasadaydu waa tii Qumanaan ka leexnayd, Qofnimada waxaan ahay Qaaradani Afriik baan Qar qarkeeda bariga ah Hadba waxa l a ii qoray Quud aan ku helayaa Qabyaaladu siday tahay Marmarbaan yar quutaa Nabadbaase ii quban. Waxan ahay qof kugu biday Wanaag qaybihiisoo Jecel qaylo dhaantaa Waxan ahay qaloociyo Qarfo iyo dhibaatiyo Qabyo nolol ahaatiyo Jabka qaybiihiisiyo Maskax layska quudhsado Nin qaraar ka joogoo Quus ka tagaanbaan ahay, Qaybsigeed aduunyada Adigaa u qiil furay Immisaa ninquusoo Kibir iyo qab weynaa Maalintuu qoraal helay Uqushuucay noloshoo Qunyar socod ku dhiiraday, Immisaa dal qiiqoo Baaruudu qaraxdoo Qayladu dayaantoo Qolo qolo ishaystio Laysku qaatey waramada Qoraal lagu fadhiisiyay, Bi,I waaye qaliyahow Qofnimadu la,aantaa Qasad iyo ujeediyo Qiimo may lahaateen Noloshana qiyaasli,i Qaran lama ahaadeen Maalmaha qoraalkiyo Taariikhda kala quban Looma qeyb samaysteen Faa,iidiyo qasaaraha Qanac laguma yeesheen Qudha ruuxa kii jaray Looguma Qisaaseen Dadku qaafilnimadana Qiil umuu sameeyeen Qaadir uunka uu dhigay Qoomba qoom xag kale jira Quudhsi kuma tilmaameen Qubanaha culuumtana Jaahil kuma qaloodeen Qiimaha tacliintuna Qani may ahaateen Anna kumaba qaateen, Balse qiiradaydani Ku qofeeyey maantoo Noloshana qorshaystee Mar hadaanad qolo galin Qabiil iyo dad gaarana Qiimahooda muunayn Taydana bal qayd oo Qaraar gaadhay maantee Adna hay qasaarine Qayrkay igaadhsii.

Somali Poetry Archive

Subscribe today

Social Feed

Search