Salaan Maxamed Xirsi (Salaan Carrabey)

Gabayada Abwaanka oo idil Salaan Maxamed Xirsi (Salaan Carrabey)

Lukaansi

Lukaansi gabay Faaraxaw laaqin ma lahayne
Laflafkiyo lahwiga loo tirshiyo jaray lurkiisiiye
La'da xarafka laanka iyo ba'daan loyar ku ahaaye
Nin awawgii loox ugu dhigoo liilgashaan ahaye
Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene
Oo waliba laaxima intay lib isku moodaane
Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane
Mar haduu Lilaahida ka baxo waa lisaan jabane
Nin labaatan buuxsaday aduun waa lagdamayaane
Hadaan anigu loofaadin jirey haatan loowlabaye
Nin ciradu lamaanaha dhigtoo oo laylyamaan ahaye
Lixdan laba iyo toban baan dul maray waana la hubaaye
Lafta dhabarka lixaadka i debciyo laafyihii gacanta
Lubbigaygu leyl xalay ma ladin laadadyiyo taahe
Waataa lanleemada indhaha araggu liitaaye
Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede
Hadday luguhu ciidamin jireen waa la' orodkiiye
Ma laxiibto geelaba hashii lahantay jiilaale
Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye
Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye
liibaan Dhulmahantayga helay laalluf-se i moodye
Xaqaygaan ku laacibay haday igu lihiimeene
Sidaan ugu lalabay waanigaa laayacays badaye
Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye
Lammaanaan xadhigi loo tidcay lugi ka toogtaaye
Lufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiraye
Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye
Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye
Xaajadan laciifka ah aday ku lid noqotaaye
La fil ma ahi laankiin danbaan duxi lillaynayne
Laqantooyo xidid kii horaan laabta ku hayaaye
Iminkaan ladhkii weli qabaa laqanyadeediiye
Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye
Tol Laxmiya ladqabo waw eg tahay inaad lafaysaaye
Fardahaba libaadshaha iyo duntaa ladha abiidkoode
Rag laacdamaya lool iyo rogaal leexaday is goysay
Bawdada ma laasimo darmaan leeddo fuulihiye
Laanjeertidaan qabo barbaar ladani waa mooge
Adigoo lamada awr leh wadin ama liggood keenin
Leegleegsadaha waan necbahay laanta dheer sida'e
Waar Seedaw haygu soo lug goin lahasho waa ceebe.

Xuslnul Khaatumo

Xirsiyoow xarragadeedba dhigay xiiso duniyeede,
Is xasuus-shey aakharo haddaan xay markaa ahaye,
Xaqu nimuu sugaayaan ahay oon qodan xabaashiiye.

Waxay Laxiba Xaadhxaadhataa xerada meesheede,
Denbigaan xanbaarsanay sidii xaabadiyo cawska,
jeeroon Xublada foosha rido xamilka guudkayga,
Nin adduunba xaradhaamadii xooray baan ahaye.
Intaanse Mawdku igu xaadir noqon waa xukmi Ilaahe,
Xusnul-Khaatumo iyo Toobadaan ku xarbiyaayaaye,
Werdigaan xisaabsanahayaa xay intaan ahaye,
Naartii Rabboow naga xoree waan xajiyayaaye.

3. Rabaa Deeq Leh – Sayid Maxamed C. Xassan
Rabbaa deeq leh roobbaa qabow, raaxo nabad baa leh
Jannaa ruga raxmaan baa baryo leh, raacis Nebi baa leh
Werdaa ridis leh weli baa rilla leh, rabid shareecaa leh
Run baa fiican beenbaa rufucan, raran cadaab baa leh
Rataa xoog leh geel baa ruko leh, ramag haleelaa Ieh
Araa raxan leh reer baa raqsi leh, rogob wan weyn baa leh
Bad baa reen leh rays baa cunto leh, ruqa abaar leh
Goraa raan leh aar baa riddama, rooris faras baa leh
Jannaa udug leh jiic baa godgodan, jahanamaa qiiq leh
Jigraa ridis leh xoolaa Jigjiga, jooga anigaa leh
Wuxuu soo jibaadaba libaax, jees maraa mlcile
Allaa xoog leh diinbaa xarbl leh. tegid xajkii baa leh
Gobbaa xigid leh xoor baa dhanya leh, dhaqasho xiita leh
Xasad iyo xumaan laysku dilo, xiisad beled baa leh
Aqal xeerar wayn xaal gobeed, xilasho gaaraa leh
Xurmo iyo wanaag loo xishiyo, xidid galbeed baa leh
Waxaan kaa xishoon iyo ximaar, xeewal bari baa leh
Allaa weyn cirkaasaa wahdiya, waaya duni baa leh
Dayax iyo shamsada deyran baa, daalac iyo nuur leh.
Lo’ baa sixin leh ari baa sadaqo leh, xooryo ibil baa leh
Bir baa sulub leh soofaa wax jara, tamayo geed baa leh
Wax ciyoonba loo go’iyo … sumuc baa leh
Cashrigaa wax laga soo rogiyo, cagana Dhooddaa leh.

Wacdi

Cabdiyow wadeeciyo adduun way ka bixi waaye
walbahaarka waan kula qabaa wahanna ii dheere
aniguba wax badan baan laqwiyay waalli iyo qooqe
Fircoonkii wasiilada janada waadiyada jeexday
waarsiino abaduu jeclaa waase noloshiiye
rag kalaa waraytad ugu hadhay waxaddii xoolaade.

Wedku kama ajoon Nabiyadii inaga weynaaye
nafle Aadan kama wiil badnayn waana kii dilay
waxyi looma soo rogin Jibriil waagii dabadeede.
Hal la wariyo shiikh iyo wadaad waracadii diinta
culimadu warkay sheegtay iyo waanadaa dhabahe
wacdi nooma laabnee naftaa walaftay shaydaane.

Wajaq cudur warraaq meleg haddaan wilif idhaah caawa
isaguba khalqiga wow wakiil aan waqiis nixine
waji qadab leh weedh kulul hadduu xaqa I waydiiyo
Eebow walaacaan qabiyo waali-nimadaada
waayaha I haystiyo dambiga weelasha I buuxshay
wannakiirka geerida godakaan weyd ka khoof ahaye.
Horay werenweryadu noogu timi waaqladuu yahaye
waxshigii qubuuraha intaad nooga wehel yeesho
Eebow waclada haygu gubin waaqidka cadaabta.

Maantaan waxuushtuna maqnayn waxad intaad uuntay
ee uunku wada waaqif yahay wacadka meecaadka
gaalada wabiinka ah haddii loo waddiyo naarta
Muslim inuu ku wiirsado adaa wacay dharaartaase
wastina ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaaye
miisaanka inaan waafi iman waazinka xisaabta
aan waladul-khayr noqon haddii weyne iga yeelo
iyo inaan wallaabida ku dhici wayluntiyo hooga
weecaanya Khaatumo waxay noqon waraaqdaydu
waafaqada jeer aan hubsado waan walwalayaaye
warna ma hayo gees ay arini ii wacaal bixine.

marka inaan naftayda u walgamo aakhiraa wacane
waslad maniya baan ahay asaan woofin cahadkiiye
waanwaanta nololeed intaan sido waxoogaaga
wadadii xajkii iyo intaan Wadan ka gaadhaayo
weysaysi baa ila gudboon wuduu' salaadeede
Wakhtiga maan tukado geeridaa wajiboo xigiye

Salaan Maxamed Xirsi (Salaan Carrabey) war dheeri ah

Raadi