Lukaansi

Lukaansi gabay Faaraxaw laaqin ma lahayne
Laflafkiyo lahwiga loo tirshiyo jaray lurkiisiiye
La'da xarafka laanka iyo ba'daan loyar ku ahaaye
Nin awawgii loox ugu dhigoo liilgashaan ahaye
Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene
Oo waliba laaxima intay lib isku moodaane
Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane
Mar haduu Lilaahida ka baxo waa lisaan jabane
Nin labaatan buuxsaday aduun waa lagdamayaane
Hadaan anigu loofaadin jirey haatan loowlabaye
Nin ciradu lamaanaha dhigtoo oo laylyamaan ahaye
Lixdan laba iyo toban baan dul maray waana la hubaaye
Lafta dhabarka lixaadka i debciyo laafyihii gacanta
Lubbigaygu leyl xalay ma ladin laadadyiyo taahe
Waataa lanleemada indhaha araggu liitaaye
Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede
Hadday luguhu ciidamin jireen waa la' orodkiiye
Ma laxiibto geelaba hashii lahantay jiilaale
Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye
Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye
liibaan Dhulmahantayga helay laalluf-se i moodye
Xaqaygaan ku laacibay haday igu lihiimeene
Sidaan ugu lalabay waanigaa laayacays badaye
Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye
Lammaanaan xadhigi loo tidcay lugi ka toogtaaye
Lufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiraye
Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye
Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye
Xaajadan laciifka ah aday ku lid noqotaaye
La fil ma ahi laankiin danbaan duxi lillaynayne
Laqantooyo xidid kii horaan laabta ku hayaaye
Iminkaan ladhkii weli qabaa laqanyadeediiye
Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye
Tol Laxmiya ladqabo waw eg tahay inaad lafaysaaye
Fardahaba libaadshaha iyo duntaa ladha abiidkoode
Rag laacdamaya lool iyo rogaal leexaday is goysay
Bawdada ma laasimo darmaan leeddo fuulihiye
Laanjeertidaan qabo barbaar ladani waa mooge
Adigoo lamada awr leh wadin ama liggood keenin
Leegleegsadaha waan necbahay laanta dheer sida'e
Waar Seedaw haygu soo lug goin lahasho waa ceebe.

Lukaansi gabay Faaraxaw laaqin ma lahayne Laflafkiyo lahwiga loo tirshiyo jaray lurkiisiiye La'da xarafka laanka iyo ba'daan loyar ku ahaaye Nin awawgii loox ugu dhigoo liilgashaan ahaye Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene Oo waliba laaxima intay lib isku moodaane Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane Mar haduu Lilaahida ka baxo waa lisaan jabane Nin labaatan buuxsaday aduun waa lagdamayaane Hadaan anigu loofaadin jirey haatan loowlabaye Nin ciradu lamaanaha dhigtoo oo laylyamaan ahaye Lixdan laba iyo toban baan dul maray waana la hubaaye Lafta dhabarka lixaadka i debciyo laafyihii gacanta Lubbigaygu leyl xalay ma ladin laadadyiyo taahe Waataa lanleemada indhaha araggu liitaaye Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede Hadday luguhu ciidamin jireen waa la' orodkiiye Ma laxiibto geelaba hashii lahantay jiilaale Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye liibaan Dhulmahantayga helay laalluf-se i moodye Xaqaygaan ku laacibay haday igu lihiimeene Sidaan ugu lalabay waanigaa laayacays badaye Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye Lammaanaan xadhigi loo tidcay lugi ka toogtaaye Lufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiraye Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye Xaajadan laciifka ah aday ku lid noqotaaye La fil ma ahi laankiin danbaan duxi lillaynayne Laqantooyo xidid kii horaan laabta ku hayaaye Iminkaan ladhkii weli qabaa laqanyadeediiye Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye Tol Laxmiya ladqabo waw eg tahay inaad lafaysaaye Fardahaba libaadshaha iyo duntaa ladha abiidkoode Rag laacdamaya lool iyo rogaal leexaday is goysay Bawdada ma laasimo darmaan leeddo fuulihiye Laanjeertidaan qabo barbaar ladani waa mooge Adigoo lamada awr leh wadin ama liggood keenin Leegleegsadaha waan necbahay laanta dheer sida'e Waar Seedaw haygu soo lug goin lahasho waa ceebe.

Raadi