Mubaarik Yuusuf Dheeg

Gabayada Abwaanka oo idil Mubaarik Yuusuf Dheeg

Faalo

Nafyahay ha fududaan
Fadalkana ha dheerayn
Hana furanin dabarkiyo
Fakashada gar kaa xidha
Falaadh qaanso iyo leeb
Intay kala firdhanayaan
Kama foga wadkaaguye
Yuu ku qaadin fooruhu

Faralbaa ku saarane
U dhig fooda rabigaa
Waa qaan fariintuye
Fuli amaro waawayn

Hadaad fiiro dheertoo
Fal hortii ogaal tahay
Haku faanin garashiyo
Aqoon iyo fariidnimo
Yaan lagu faquuqine
Wax lagaaga fiigoo
Dhigaa kaa fogeeyiyo
Fatooshtaadu yay badan

Hadaad fiicni leedahay
Filkaa qaayo dheer tahay
Ogobeey fagaaraha
Haw fuulin waligaa
Faahfaahintaadiyo
Faalaynta aadmiga

Hadaad faayo mudatoo
Fahmadaadu roon tahay
Imisaa fogaadoo
Fad shisheeya kaa jira
Imisaa facaagaa
Farsamiyo ku dheer xeel
Foolaad maxaa jira
Dadkoon filashadii hayn
Fallagiyo daruurtiyo
Fooraha yaqaanoo
Filan-waa abaareed
Halka cirir ku fooraro
Aqoon kaga furdaamiya
Imisaa farshaxanoo
Fanaanimo ku caanoo
Dadku faaqideenoo
Falaad yaable dhigi jiray

Foojignaanta aarka le
Halka uu fadhiistaa
Fiidkana sakaaradu
Jeenyaha ku fidisaa
Atoor fule ahaan jiray
Sida wiil ha foofoo
Haw fiiqdo geeskee
Fanto haw cumaamadan

Qabkoo faras ku saaraa
Foolxumaanta keenee
Isla-wayni haw fidhan
Hays gayn fiktaa sare
Noqo ruux faraawila
Iyo firiga beenyada
Falki guulahaagoo
Fiddo baxa kolkay tahay
Fano buuro dheedheer
Marka uu falaagee
Asaagaa fadhiid yahay
Fooradaada dhaantee
Haka foolin garashada
Wax fanteeya hibashada
Ceeb lama fan-saartee
Ha daardaarin fiixaha

Aroor faano guratoo
Ragu foof u soo baxay
Hadii faras magaalaha
Kor waxaad u fiiqdaa
Fijaankaaga buuxiyo
Faraj kuu qornaabaa
Fah lagaaga siiyee
Firfircooni Hays bidin
Ha fatihin sidii wabi
Hana shidanin fooxee
Rabaa igu filnaafiyo
Faataxada ogsoonaw

Faro laacay dufanbaa
Duuga feedh qaloocdee
Faranka iyo beesadu
Waa fandhaalka buuxee
Feedh yahan adoon noqon
Faakihaysanaayoo
La garaada fuudkiyo
Faxa ubadka loo shubo
Dadka hoos u fiiriyoo
Faxalnimo ku dheeraw
Hana noqon faduuliga
Fuqa sare u taagee
Xan ku feenta aadmiga

Wixii fudud dabayshiyo
Fooruhu ha qaadee
Falfaliidhka maalmuhu
Faynuuskaaga yay damin
Waa fulkaano waayuhu
Intuu furay albaabada
Hadba soo fatahayee
Ku ful samir badnaaniyo
Caku laab fayoobaan!!!!!

Mubaarik Yuusuf Dheeg war dheeri ah

Raadi