Faalo

Nafyahay ha fududaan
Fadalkana ha dheerayn
Hana furanin dabarkiyo
Fakashada gar kaa xidha
Falaadh qaanso iyo leeb
Intay kala firdhanayaan
Kama foga wadkaaguye
Yuu ku qaadin fooruhu

Faralbaa ku saarane
U dhig fooda rabigaa
Waa qaan fariintuye
Fuli amaro waawayn

Hadaad fiiro dheertoo
Fal hortii ogaal tahay
Haku faanin garashiyo
Aqoon iyo fariidnimo
Yaan lagu faquuqine
Wax lagaaga fiigoo
Dhigaa kaa fogeeyiyo
Fatooshtaadu yay badan

Hadaad fiicni leedahay
Filkaa qaayo dheer tahay
Ogobeey fagaaraha
Haw fuulin waligaa
Faahfaahintaadiyo
Faalaynta aadmiga

Hadaad faayo mudatoo
Fahmadaadu roon tahay
Imisaa fogaadoo
Fad shisheeya kaa jira
Imisaa facaagaa
Farsamiyo ku dheer xeel
Foolaad maxaa jira
Dadkoon filashadii hayn
Fallagiyo daruurtiyo
Fooraha yaqaanoo
Filan-waa abaareed
Halka cirir ku fooraro
Aqoon kaga furdaamiya
Imisaa farshaxanoo
Fanaanimo ku caanoo
Dadku faaqideenoo
Falaad yaable dhigi jiray

Foojignaanta aarka le
Halka uu fadhiistaa
Fiidkana sakaaradu
Jeenyaha ku fidisaa
Atoor fule ahaan jiray
Sida wiil ha foofoo
Haw fiiqdo geeskee
Fanto haw cumaamadan

Qabkoo faras ku saaraa
Foolxumaanta keenee
Isla-wayni haw fidhan
Hays gayn fiktaa sare
Noqo ruux faraawila
Iyo firiga beenyada
Falki guulahaagoo
Fiddo baxa kolkay tahay
Fano buuro dheedheer
Marka uu falaagee
Asaagaa fadhiid yahay
Fooradaada dhaantee
Haka foolin garashada
Wax fanteeya hibashada
Ceeb lama fan-saartee
Ha daardaarin fiixaha

Aroor faano guratoo
Ragu foof u soo baxay
Hadii faras magaalaha
Kor waxaad u fiiqdaa
Fijaankaaga buuxiyo
Faraj kuu qornaabaa
Fah lagaaga siiyee
Firfircooni Hays bidin
Ha fatihin sidii wabi
Hana shidanin fooxee
Rabaa igu filnaafiyo
Faataxada ogsoonaw

Faro laacay dufanbaa
Duuga feedh qaloocdee
Faranka iyo beesadu
Waa fandhaalka buuxee
Feedh yahan adoon noqon
Faakihaysanaayoo
La garaada fuudkiyo
Faxa ubadka loo shubo
Dadka hoos u fiiriyoo
Faxalnimo ku dheeraw
Hana noqon faduuliga
Fuqa sare u taagee
Xan ku feenta aadmiga

Wixii fudud dabayshiyo
Fooruhu ha qaadee
Falfaliidhka maalmuhu
Faynuuskaaga yay damin
Waa fulkaano waayuhu
Intuu furay albaabada
Hadba soo fatahayee
Ku ful samir badnaaniyo
Caku laab fayoobaan!!!!!

Nafyahay ha fududaan Fadalkana ha dheerayn Hana furanin dabarkiyo Fakashada gar kaa xidha Falaadh qaanso iyo leeb Intay kala firdhanayaan Kama foga wadkaaguye Yuu ku qaadin fooruhu Faralbaa ku saarane U dhig fooda rabigaa Waa qaan fariintuye Fuli amaro waawayn Hadaad fiiro dheertoo Fal hortii ogaal tahay Haku faanin garashiyo Aqoon iyo fariidnimo Yaan lagu faquuqine Wax lagaaga fiigoo Dhigaa kaa fogeeyiyo Fatooshtaadu yay badan Hadaad fiicni leedahay Filkaa qaayo dheer tahay Ogobeey fagaaraha Haw fuulin waligaa Faahfaahintaadiyo Faalaynta aadmiga Hadaad faayo mudatoo Fahmadaadu roon tahay Imisaa fogaadoo Fad shisheeya kaa jira Imisaa facaagaa Farsamiyo ku dheer xeel Foolaad maxaa jira Dadkoon filashadii hayn Fallagiyo daruurtiyo Fooraha yaqaanoo Filan-waa abaareed Halka cirir ku fooraro Aqoon kaga furdaamiya Imisaa farshaxanoo Fanaanimo ku caanoo Dadku faaqideenoo Falaad yaable dhigi jiray Foojignaanta aarka le Halka uu fadhiistaa Fiidkana sakaaradu Jeenyaha ku fidisaa Atoor fule ahaan jiray Sida wiil ha foofoo Haw fiiqdo geeskee Fanto haw cumaamadan Qabkoo faras ku saaraa Foolxumaanta keenee Isla-wayni haw fidhan Hays gayn fiktaa sare Noqo ruux faraawila Iyo firiga beenyada Falki guulahaagoo Fiddo baxa kolkay tahay Fano buuro dheedheer Marka uu falaagee Asaagaa fadhiid yahay Fooradaada dhaantee Haka foolin garashada Wax fanteeya hibashada Ceeb lama fan-saartee Ha daardaarin fiixaha Aroor faano guratoo Ragu foof u soo baxay Hadii faras magaalaha Kor waxaad u fiiqdaa Fijaankaaga buuxiyo Faraj kuu qornaabaa Fah lagaaga siiyee Firfircooni Hays bidin Ha fatihin sidii wabi Hana shidanin fooxee Rabaa igu filnaafiyo Faataxada ogsoonaw Faro laacay dufanbaa Duuga feedh qaloocdee Faranka iyo beesadu Waa fandhaalka buuxee Feedh yahan adoon noqon Faakihaysanaayoo La garaada fuudkiyo Faxa ubadka loo shubo Dadka hoos u fiiriyoo Faxalnimo ku dheeraw Hana noqon faduuliga Fuqa sare u taagee Xan ku feenta aadmiga Wixii fudud dabayshiyo Fooruhu ha qaadee Falfaliidhka maalmuhu Faynuuskaaga yay damin Waa fulkaano waayuhu Intuu furay albaabada Hadba soo fatahayee Ku ful samir badnaaniyo Caku laab fayoobaan!!!!!

Raadi