Wadankeena

War yaroo igu saabsan
Haddaan weedh ka caddeeyo
Waa inaad wadartiinba
Idinkoon i wagliilin
Waa runtaa i dhahdaan
Waagaan wiil yar ahaa
Rag anoon wax la qaybsan
Wacdi sheekh iyo waano
Waalidiinta gabowday baan
Waddada diinta wanaagsan
Wacdigay hadlayeenbaan
Ku weeleeyey dhagtayda
Anoo waansamayoo
Wadaad fiicanna show ah
Waysadiyo kitaabkiyo
Masale aad u wanaagsaniyo
Weelka daacadda qaataybaad
Wiilwaal ii bixiseene
Weerarkaad ku jirteenbaa
Walbahaar ficilooyin
Wadnahayga ku beermay
Haddaanan wayrax jaraysan
Warmihii cadcadaa iyo
Gaashaan wiyileed
Anigoo wajilaayoo
War kacaay idinle oo
Kolkuu waagu iftiimay
Intaan weerar ku qaado
Gurey waaxyaha goynin
Cadowbaa wadankeena
La wareegi lahaa.

War yaroo igu saabsan Haddaan weedh ka caddeeyo Waa inaad wadartiinba Idinkoon i wagliilin Waa runtaa i dhahdaan Waagaan wiil yar ahaa Rag anoon wax la qaybsan Wacdi sheekh iyo waano Waalidiinta gabowday baan Waddada diinta wanaagsan Wacdigay hadlayeenbaan Ku weeleeyey dhagtayda Anoo waansamayoo Wadaad fiicanna show ah Waysadiyo kitaabkiyo Masale aad u wanaagsaniyo Weelka daacadda qaataybaad Wiilwaal ii bixiseene Weerarkaad ku jirteenbaa Walbahaar ficilooyin Wadnahayga ku beermay Haddaanan wayrax jaraysan Warmihii cadcadaa iyo Gaashaan wiyileed Anigoo wajilaayoo War kacaay idinle oo Kolkuu waagu iftiimay Intaan weerar ku qaado Gurey waaxyaha goynin Cadowbaa wadankeena La wareegi lahaa.

Raadi