Halis Weeye

Hareeraa adduunka, Dab baa ka holcaaya
Hub baa ka qarxaaya, Hed baa ku baxaysa
Kuwaa herdamaya Habeen iyo maalin
Kuwaa biya hoostood Haraati is yeela
Kuwaa isku hiifa Siyaasad hagoogan
Kuwaa hardafaaya Kuwaa halgamaaya
Kuwa holinaaya Kuwaa hadimaya
Kuwaa haqab beela Kuwaa hunga taagan
Haybtiisaba Aadmi Dadnima ka huleelye
Hagardaamo Adduunka Dad Maxaa kala haysta

Hareera Adduunka Hormuud talinaaya
Hagaas daba jooga Aqoonta Habowday
Hub geri samaysa Hadmaa laga waayi?
Haddmuu sacu dhiiqay Hadhuub caana dhiiga
Sabuulka hadhuudhka Rasaas laga hoobshey?
Kuwa cudur heeray Hamuun iyo gaajo
Aqoon daro haysa Kuwa Hagranaaya
Kuwaa halal beerta Kuwa u habaya
Kan haysta shidaalka Heehaabka sabbaynta
Hindisaa addunka Dad maxa kala haysta!
Hareeraa Adduunka Baqaa ka huraaya
Habaaska daluumay Dadbaa isku haysta
Haddad u garsoorto Runtii helimaysid
Hiddii Afrikaanka Durbaaki Hadlaayey
Halaanhalka ciilka Codbaa ka hugmaaya
Halyeyada koonfur Hankoodaa la quudhay
Horaa bari dhexena Huqdaa loogu beeray
Haddaa geeska barina Loo soo hanqaltaagey
Haybtiisaba Aadmi Dadnimo ka huleelye
Hagardaamo adduunka Dad maxaa kala haysta

Hareeraa adduunka, Dab baa ka holcaaya Hub baa ka qarxaaya, Hed baa ku baxaysa Kuwaa herdamaya Habeen iyo maalin Kuwaa biya hoostood Haraati is yeela Kuwaa isku hiifa Siyaasad hagoogan Kuwaa hardafaaya Kuwaa halgamaaya Kuwa holinaaya Kuwaa hadimaya Kuwaa haqab beela Kuwaa hunga taagan Haybtiisaba Aadmi Dadnima ka huleelye Hagardaamo Adduunka Dad Maxaa kala haysta Hareera Adduunka Hormuud talinaaya Hagaas daba jooga Aqoonta Habowday Hub geri samaysa Hadmaa laga waayi? Haddmuu sacu dhiiqay Hadhuub caana dhiiga Sabuulka hadhuudhka Rasaas laga hoobshey? Kuwa cudur heeray Hamuun iyo gaajo Aqoon daro haysa Kuwa Hagranaaya Kuwaa halal beerta Kuwa u habaya Kan haysta shidaalka Heehaabka sabbaynta Hindisaa addunka Dad maxa kala haysta! Hareeraa Adduunka Baqaa ka huraaya Habaaska daluumay Dadbaa isku haysta Haddad u garsoorto Runtii helimaysid Hiddii Afrikaanka Durbaaki Hadlaayey Halaanhalka ciilka Codbaa ka hugmaaya Halyeyada koonfur Hankoodaa la quudhay Horaa bari dhexena Huqdaa loogu beeray Haddaa geeska barina Loo soo hanqaltaagey Haybtiisaba Aadmi Dadnimo ka huleelye Hagardaamo adduunka Dad maxaa kala haysta

Raadi