“Mar walba oo aan murano ardayda iskuulka ama aan kaftanno, ma aysan waayi jirin fursad ay Soomaaliya wax qaldan uga sheegaan,” ayey tiri Gabyaa Zahra Cabdihagi iyadoo ka waramaysa xaaladahii xumaa ee yaraanteedii kula soo kulantay dallka Canada.
“Mar walba waxay Soomaaliya ku sheegi jireen burcad-badeed iyo faqri, ceeb ayaana dareemi jiray. Markaas ayaan billaabay inaan baaro taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida. Kadibna waxaan ogaaday inaan leenahay dhaqan wanaagsan iyo in Maansada ay qeyb weyn ka tahay dhaqanka Soomaalida, taasoo ii sahashay inaan dib ugu so xirmo halka aan ka soo jeedo”
Zahra waxay ku dhalatay dalka Canada balse waligeed meysan arkin wadanka waalidkeeda ay ka soo jeedaan. Lix sano ka hor ayaa ugu horeysay markay go’aanka weyn qaadatay inay ku soo laabato Soomaaliya. Safarkeeda ay Soomaaliya ku imaatay waxaa ku dhiiro-galiyay rabitaanka iyo raadinta inay soo aragto Soomaaliyada wanaagsan oo ay warbaahintu sheegin.
“Markaan Muqdisho ka so dagay, waxaan filanayay dagaal iyo jahwareer balse waxaan la kulmay rajo iyo sheekooyiin dhiira-galin leh,” ayey tiri.
Markaas ayey go’aansatay inay wax ka badasho sheekooyinka qaldan ee laga sheego wadanka, dadkana la wadaagto sheekooyin wanaagsan iyadoo isticmaalaysa gabayga. “Waligey waan jeclaa gabayga bulse waligay banaaka lama imaanin oo aniga kaliya ayuu igu ekaa.
Laakin saaxiibadeed ayaa markay arkeen hibada ay u leedahay gabayga, ku dhiira-galiyay inay bulshada la wadaagto.
Sanadkii 2019-ka waxay qortay gabay ay ugu ku amaaneyso haweenka ka shaqeeya miino-baarista, taasoo ay ku soo bandhigtay shir caalami ah oo looga hadlayay xal-u-helidda miinada oo ka dhacay wadanka Geneva.
Ereayadii ugu horeeyay gabaygaas waxaa ka mid ahaa:
Waxaa hal mar dhagaha tiray jug weyn,
waxay eegtay siigadii ka kacday, indhaheeduna carro ayaa ka buuxsamay
Shimbiro ayaa dul heebaabaye, daruuruhuna wey socdeen
Balse xilligaas la taagnaa waxay dareentay in dhaqdhaqaaqii dhulka joogsaday
Qoraxda wey dhalaaleysay balse jahadeeda kama iftiimaynin
Qaraaca wadnaheeda waxuu ka xowli badnaa socodka lugaheeda
Jirkeeda qabow ayuu noqday
Marna ma aysan fahmi karin jugti ay maqashay
Zahra hadda waxay hogaamisaa koox 20 dhaliyaro ah oo ka shaqeeya soo saaridda sheekooyiinka, kuwaasoo ay hay’adda UNDP ku taba bartay xirfadda lagu soo saaro sheekooyinka iyo arimaha hormarka bulshadooda.
Zahra waxay ku soo kordhisay gabayga Soomalida farsamo casri ah oo ay ku soo gudbsio maansadeeda qaab muuqaal ah oo xambaarsan fariimo muhiim ah. Taasina waxaa tusaale u ah filim ay goordhow soo saartay oo la magac baxay “Dhalinyarada hagaysa mustaqbalka Soomaaliya.”
Ereyadaan ayaa ka mid ah gabay ku jiro filimkaas:
Waxaan nahay dahabkii dalkan
Kaasoo ku xayirmay dagaal socday tobaneeyo sano iyo dhibaatooyin
Balse wali u qurux badan sidi ubax hada so baxaayo
Hoos ayaa nas daba socdo iyo guuxa xambaarsan geeri
Balse nagama qarin karaan ifitinka waa cusub iyo maalin cusub