Zahra Abdihagi

Taariikhda

Zahra waxay ku dhalatay dalka Canada balse waligeed meysan arkin wadanka waalidkeeda ay ka soo jeedaan. Sanadkii 2015 ayey qaadatay go’aanka weyn ee ku laabashada dalkii hooyo.

Safarkeeda ay Soomaaliya ku imaatay waxaa ku dhiiro-galiyay rabitaanka iyo raadinta inay soo aragto Soomaaliyada wanaagsan oo ay warbaahintu sheegin.

Waxay go’aansatay inay wax ka badasho sheekooyinka “dagaalka iyo khalalaasaha” ee laga sheego Soomaaliya. Kuna badasho sheekooyin wanaagsan iyadoo isticmaalaysa gabayga. Marki ay asxaabteeda arkeen hibada ay u leedahay gabayga ayey ku dhiira-galiyeen inay bulshada la wadaagto.

Sanadkii 2019-ka waxay qortay gabay ay ku amaaneyso haweenka ka shaqeeya miino-baarista, taasoo ay ku soo bandhigtay shir caalami ah oo looga hadlayay xal-u-helidda miinada oo ka dhacay magaalada Geneva.

Zahra hadda waxay hogaamisaa koox 20 dhaliyaro ah oo ka shaqeeya soo saaridda sheekooyiinka, kuwaasoo ay hay’adda UNDP ku taba bartay xirfadda lagu soo saaro sheekooyinka iyo arimaha hormarka bulshada.

Zahra was born in Canada and had never seen the country of her parents until 2015 when she took a big decision to return.

Her journey to Somalia was inspired by a mission to explore and experience the “Somalia the media never shows you”.

She decided to change the narrative of “violence and chaos” surrounding Somalia by sharing positive stories using poetry. It was then that her friends and colleagues at work noticed her poetic talent and encouraged her to go public.

In 2019, she wrote a special poem to celebrate women in mine action, which she performed at an international summit on mine action in Geneva.

Currently, Zahra leads a team of 20 young Somali storytellers who were trained by UNDP on digital skills to generate powerful stories about development initiatives in their local communities.

Raadi