La kulan Abwaankii ku guuleystay abaal-marinta tartanka Hoyga Maansada ee 2021

Mursal ilaa yaraantiisii wuxuu jeclaa suugaanta si uu u noqdo qof argti dheer oo dadka kalena ku dhiiri galiya

Mursal Daahir markuu yaraa wuu jeclaa gabayada, muusiga iyo suugaanta. Wuxuu in badan dhegaysan jiray abwaannada iyo odayaasha la ixtiraamo. Si ka duwan carruurta kale ee da’diisa ah, waxa uu caado ka dhigtay in uu la sheekeysto dadka ka waaweyn si uu u dhageysto hadalkooda xigmadda leh iyo aqoontooda.

“Markaan wiil yar ahaa, lama ciyaari jirin carruurta. Waxaan aad u jeclaa inaan dadka waaweyn la sheekesto si aan xikmad uga helo,” ayuu yiri Abwaan Mursal Daahir oo 37-jir ah oo dhawaan ku guuleystay Abaal-marinta Abwaanka Sannadka ee Hoyga Maansada Soomaaliyeed ee 2021, kaasoo ay taageertay hay’adda UNDP si loo hormariyo dhaqanka Soomaalida iyo adeegsiga gabayada, looguna ololeeyo nabadda iyo xuquuqda aadanaha.

“Aad baan u xiiseyn jiray, maskaxdayduna u jeycleyd in aan odayaasha tuuladeena la fadhiisto geed hoostiisa oo ku yaalay gurigeena hortiisa oo aan la dhegaysto BBC Somali,” ayuu raaciyay.

Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray miyiga Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, Mursal ma uusan helin waxbarasho heer sare ah. Waxa uu kaga baxay isaga oo aan dhamaysan sannadkii ugu dambeeyay ee dugsiga hoose, waxaanu noqday xoolo dhaqato sida reerkiisa intiisa kale.

“Dadku waxay u malayn jireen in aan ahay doqon maadaama aan la ciyaarin carruurta kale, sababtoo ah waxaan rumaysnaa in maalinkii oo dhan aan la ciyaaro carruur ay tahay caajis iyo waqti lumis,” sidaas ayuu yiri Mursal.

Mursal wuxuu lahaa hibo gaar ah. Gabay marka uu idaacad ka maqlo wuu xifdin jirey markaas ayuu la waadaagi jiray asxaabtiisa.

Aroosyada reer miyiga Soomaaliyeed waxaa inta badan la qabtaa tartan dhaqameed oo ay ku jiraan gabayo. Habeen habeenada ka mid ah ayuu Mursal ka qeyb galay xaflad Aroos, wuxuuna tartanka kaga qeyb galay gabay jacayl ah oo uu u tiriyay gabar uu markaas jeclaa.

Wuxuu ahaa gabaygiisii ugu horreeyay ee uu tiriyo meel fagaare ah oo ay dadwayne aad u tiro badan ku sugnaayeen.

“Maansadii ugu horreysay ee aan curiyay, waxaan meel  fagaare ah ka tiriyay anigoo 15 jir ah,” ayuu yiri Mursal. “Markaas ayaan ogaaday in aan abwaan noqon karo”.

Gabayga wuxuu u dhacayay sida tan:

Foodley qeyrab ah ma ahan

Culeys qaafil ah ma ahan

Qowaar dheerar ma ahan

Caato qooxanna ma ahan

Qoorxun gaabanna ma ahan

Caddiin qaaday ah ma ahan

Madow qaaf ah na ma ahan

Tintu waa qad madow ah

Ilkuhu waa qalimaanoo

Qoortu waa labo taako

Mursal gabayadiisa waxay ku saabsan yihiin is-dhexgalka bulshada, nabadaynta iyo dowlad wanaagga iyo weliba jacaylka. Waxa uu aaminsan yahay in gabayga, inkasta oo aan loo isticmaalin sidii hore, haddana uu ka ciyaaro door muhiim ah.

“Soomaaliya, gabaygu waa sida aalad oo kale oo awood badan, loo isticmaali karo nabadda iyo colaadaha, waana sababta Soomaaliya loogu yeero umaddii Abwaannada,” ayuu yiri Mursal. “Laakin weligay kuma fikirin inaan tiriyo maanso colaad beeleed abuuraysa, ama qabyaalad iyo colaad hurinaysa. Waxaan jeclahay in aan bulshada kala hadlo waxyaabaha anfacaya adduun iyo aakhiraba”.

Dhamaadka sanadkii hore, Mursal wuxuu Facebook-ga ku arkay in la shaaciyay tartanka gabyada ee uu qabtay Hoyga Maansada Soomaaliyeed ee 2021, wuxuuna soo gudbiyay gabay uu ugu magac daray Qaranimada, kaasoo ka hadlaya arrimaha qaranimada iyo gumeysiga.

Garsoorayaasha – oo ka koobnaa abwaaniin aad loogu ixtiraamo suugaanta Soomaalida iyo weliba kuwo xirfada ku cusub – ayaa aad ula dhaceen oo waxay u doorteen inuu noqdo Abwaanka sannadka.

“Ma fileyn in aan ku guuleysanayo balse sharaf ayay ii tahay in aan ku guuleysto abaalmarinta ugu sareysa Hoyga Maansada Soomaaliyeed” ayuu yiri Mursal.

“Alle ayaan uga mahadcelinayaa fursadan, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa qabanqaabiyayaasha tartanka oo dhiirigeliyay abwaannada da’da yar iyo sidoo kale ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed. Fursaddan waxay igu dhiiragelineysaa inaan sii wado qorista gabayada.”

“Waxaan inta badan niraahnaa Soomaaliya waa Umaddii Abwaanada, anigana tani waxay iiga dhigan tahay inaan nahay ummad caqli badan oo maskax caafimaad leh qabta,” ayay tiri Abwaanad caan ah oo ka mid aheyd garsoorayaasha abaal-marinta Hoyga Maansada ee 2021 Xaawo Jaamac Cabdi oo wareysi siisay xafladda abaalmarinta. Waxaan filayaa in ku guuleystayaashayada sanadkan ay ka tarjumayaan xaqiiqooyinkaas.”

Tuducyadan soo socda waa gabaygii Mursal uu ee ku guuleystay tartanka:

Galad weeye hal abuurku aan ruuxna goynkarine

gunno weeye dheeraadahoo guule bixiyaaye

gargaar iyo tacliin laguma helo oo lagadiwaaye

 

hadii aad gabyaa tahay hibada lagu gudoonsiiyay

gasiin xeeladee kuma cawniyo eray guhaadeede

waa risaalo gaariyo xisaab gudasho doonaysa

Barnaamijka Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo ay taageerto Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta ee UNDP, kaas oo lagu kaydiyo maansooyinka Soomaaliyeed iyo majalad online ah oo lagu soo bandhigo wararka iyo maqaallada la xiriira gabayada, bandhigyo toos ah iyo waxbarasho ku saabsan arrimahan. Hindisaha waxaa looga golleeyahay in lagu dhiirageliyo awoodda gabayada si kor loogu qaado nabadda iyo xuquuqda aadanaha.

Si aad wax badan uga ogaato, booqo: https://undpsom.medium.com/can-poetry-bring-peace-4766c647a9d0

Ever since he was a child, Mursal has followed poetry to achieve insight and inspire others

At a tender age, Mursal Dahir loved poems, music, and literature. He would often listen to respected poets and elders. Unlike other children of his age, he developed a habit of talking to older people, attracted by their wise words and knowledge.

“As a little boy, I didn’t play with children. I loved to talk to older people and gain wisdom,” said 37-year-old Award-Winning Poet Mursal Dahir, who recently won the Poet of the Year prize at the 2021 Home of Somali Poetry Awards, which are supported by UNDP to promote Somali culture and use poetry to advocate for peace and human rights.

“I was so enthusiastic and my mind was at ease sitting with the elders of our village and listening with them to BBC Somali under a tree outside of our house,” he adds.

Born and raised in rural Galgadud in central Somalia, Mursal did not have access to higher education. He dropped out before he finished the last year of primary school and became a camel herder just like the rest of his family.

“People used to think that I was a fool when I didn’t play with other kids and because I believed that playing all day was boring and a waste of time,” Mursal says.

Mursal had a special talent. When he heard a poem on the radio, he used to memorize it and share it with his friends.

In Somalia’s rural weddings, there is often a traditional cultural competition that includes poetry. One night Mursal attended a wedding and took part in the competition with a love poem he had composed for a girl he loved at the time.

It was his first poem to be performed in a public place in front of a large audience.

“I composed my first poem and performed in a public place when I was 15 years old,” says Mursal. “That is when I realized that I can be a poet.”

Part of the poem went like this:

She is not a teenager and tender

Neither is she paunchy and foolish

She is not tower-tall and skinny

Neither is she a skeleton

She is not overweight

She is not inky black

She has a bright sable hair

Her teeth look like silver

And she has a long, graceful neck.

These days, Mursal’s poems talk about social cohesion, peace building and good governance, as well as love. He believes that poetry, although it is not used as much as it used to be in the past, still has an important role to play.

“Poetry is still a very powerful tool in Somalia that can be used for peace and conflict, which is why Somalia is referred to as the Nation of Poets,” Mursal says. “But I’ve never thought to compose a poem that creates community conflict, or incites tribalism or violence. I like to speak to the community about things that are useful in this world and in the hereafter.”

Towards the end of last year, when Mursal saw on Facebook that entries had opened for the 2021 Home of Somali Poetry Awards, he jumped on the opportunity and submitted a poem called Sovereignty, which explores issues of nationhood and colonialism.

The judges – made up of some of the most respected names in Somali literature as well as newer talents – were impressed and chose him as Poet of the Year.

“I was not expecting to win but it is an honour for me to get the top prize of this year’s Hoyga Maansada [Home of Somali Poetry] Awards,” said Mursal.

“I would like to thank God for this opportunity, and I would also like to thank the organisers of the competition for encouraging young poets and for preserving Somali culture. I am inspired to continue writing poetry.”

“We often say that Somalia is the Nation of Poets and for me this means we are a wise nation with a healthy mind,” said well-known poet and 2021 award judge Hawa Jama Abdi in an interview for the awards ceremony. I think our winners this year reflect those facts.”

The following verses are an extract from Mursal’s winning poem:

Poetry is a gift that nobody can buy

It is a God-given privilege

Neither education nor help can bestow this on you

 

If you are a gifted poet

You will not be inspired by greed and words of incitement

It is a unique message, a responsibility that must be performed

The Home of Somali Poetry initiative, which is supported by the United Nations Development Programme (UNDP), hosts a growing archive of Somali poetry and an online magazine for poetry-related news and articles, live performances and learning materials. The initiative aims preserve and promote Somali poetry and to use the power of poetry to promote peace and human rights.

Si aad wax badan uga ogaato, booqo: https://undpsom.medium.com/can-poetry-bring-peace-4766c647a9d0

 

Raadi