Gobannimo

Galad weeye hal abuurku aan ruuxna goynkarine
gunno weeye dheeraadahoo guule bixiyaaye
gargaar iyo tacliin laguma helo oo lagadiwaaye

Hadii aad gabyaa tahay hibada lagu gudoonsiiyay
gasiin xeeladee kuma cawniyo eray guhaadeede
waa risaalo gaariyo xisaab gudasho doonaysa

Hadaad gole kafuul tahay murtida aan ugodol qaadin
asii gumuca kaadhacahayaa gubayo raaskaaga
oo ad godob kusoofayso iyo Shar iyo guubaabo
gal faylkaagu aakhoro fartuu kugu godaayaa

afartaas miday garanayaan gumuradeediidhe
waajib gurada igasaaran iyo gacaladaydiidheh
giraantiyo ujeedada dhabta a Gogol dhigeedii dheh

gobanimada an haysaniyo guusha calankeenu.
giblo Laguma keenine naftaa loogabaanadaye.
geesiyaal isbiimeeyaybaa ruuxda noogadaye
gaws libaax ayay uguriteen gacanta maandeeqe

gumaysiga hadaan lagujirabin Gama a inuudiido
gurmadkii dhaqaaqaba hadaan loogambiyin caynka
golwareenku meel dayanin iyo guura bahalayntu
godkiisana biyaha loogu galin ma ay garaabeen

wuxuu Kala gambaro oo iyaga gamas udhiibaaba
wuxuu guuto kala cayna iyo gaasas bixiyaaba
gogoldhaaf markay joogto iyo gorodda laalaadsha
gibirkii rag diidiyo wadani gayfanbaa kacay

kibirkiyo garwaaxiidsigii faranji gaaleedka wiilal aan galiilyoon janana goobayaa helay
inkastoy garnayliyo wateen biraha gaashaan
go aan iyo caqiidaa kufriga loogu goodiyay

seefo aan gidaadaynin Abid oo gunnimo diid ah
galaayuuska dhiilada watiyo gocasho doogeedka
gaadmo iyo bareeraba hadaan guluf lajoogtaynin
shuhadadii gadaashood xorriyad lama gudoeene

hadaan godanka soomaaliyeed haadku galawlaynin
reer galbeed garaadale hadaan galawda lootaaban
saraakiil lagawracay hadaan lagu dulgeeraarin
shuhadadii gadaashood xorriyad lama gudoomeen

markii uu galshada dhiig noqdee gumucu eeraamay
markii gacanta layskula tageey godatay maarreydi
giiryaale iyo gaalaraac hayska gaabsado e
hablo dahabki gadaybaa jiroo galay dagaalkiiye

sayidkii dartiis geeska bari gucumo aar yeeshay
inkastuu galaafoo Wax badan gonofka raacsiiyay
gandoobihii kow markii food lagalin waayay
diyaaradi garaacduu ahaa gogolka taariiqda

geeri sharafle dhimay shekh bashiir gunudna taariiqe
oomaarna kamagada yarayn goolna soodhaliye
geestiisa shekh xasan barsame guday xilkiisiiye
gurey waa ninkii xabashi baray gudurka ciiriine
godka waasac allahawgadhigo Gabi ahaantoode

gadaalbaan majeertaaarkaan guulkufaan rabo e
cankii markuu galay hawada laygawada giigay
sodon sano markii uu gilgilay dunida guudkeeda
sodon kale galgalkii kudhacay waa midaan gayine

halgamaaga geedkii kubaxay goboda dhiigiisa
halkii aan miraha soogo iyo guranlahayn miidda
kuwo gudin uhaystaa jiroon garasho dheerayne
hadaan gabal xaglaha uga fadhiyin ma ay gabnowdeen

goorba waa raggeedaa layiri galinba wiilkiisa
nimankii gabuunnada udhigay gaadadiyo foolka
gabanadii ay ruuxda uhuree gabe middoodiie
garhayeeno badanbaa kacoo lagu gabraartaaye

gayyi dahabka iyo dheankiyo gaasku wada jiifo
umad lagu galaday oo hadana Gooman baanahye
gacmo hoorsigiyo tuugsashadu galabsi weeyaane
somaalaay waxaa Kula gudboon geedigoo mida

issugibila wayney waqtigu waa is gurayaaye
God dhaw goorri iyo gawracbaa loogarnaqayaaye
gumaysiga dahsoon maalintaad garlahayd weeye
somaalaay waxaa Kula gudboon geedigoo mida

inta midiba gabi saaranyahay gaawaheed marane
gobol gobol intay tahay Kuraran gorofti cayreede
gilgishoo kakaca ceebta waa laga gidoodaaye

garabeeshin naadila midnimo iyo gar eexeede
gunti hood kasii baadishoyo gaar Wax ugu Jayne
musuqaasuq baa gabawariyo gurasho laaluushe
garsoor togan hadaan lagu salsalin geesahay dhigane

somaalaay waxaa Kula gudboon geedigoo mida

Galad weeye hal abuurku aan ruuxna goynkarine gunno weeye dheeraadahoo guule bixiyaaye gargaar iyo tacliin laguma helo oo lagadiwaaye Hadii aad gabyaa tahay hibada lagu gudoonsiiyay gasiin xeeladee kuma cawniyo eray guhaadeede waa risaalo gaariyo xisaab gudasho doonaysa Hadaad gole kafuul tahay murtida aan ugodol qaadin asii gumuca kaadhacahayaa gubayo raaskaaga oo ad godob kusoofayso iyo Shar iyo guubaabo gal faylkaagu aakhoro fartuu kugu godaayaa afartaas miday garanayaan gumuradeediidhe waajib gurada igasaaran iyo gacaladaydiidheh giraantiyo ujeedada dhabta a Gogol dhigeedii dheh gobanimada an haysaniyo guusha calankeenu. giblo Laguma keenine naftaa loogabaanadaye. geesiyaal isbiimeeyaybaa ruuxda noogadaye gaws libaax ayay uguriteen gacanta maandeeqe gumaysiga hadaan lagujirabin Gama a inuudiido gurmadkii dhaqaaqaba hadaan loogambiyin caynka golwareenku meel dayanin iyo guura bahalayntu godkiisana biyaha loogu galin ma ay garaabeen wuxuu Kala gambaro oo iyaga gamas udhiibaaba wuxuu guuto kala cayna iyo gaasas bixiyaaba gogoldhaaf markay joogto iyo gorodda laalaadsha gibirkii rag diidiyo wadani gayfanbaa kacay kibirkiyo garwaaxiidsigii faranji gaaleedka wiilal aan galiilyoon janana goobayaa helay inkastoy garnayliyo wateen biraha gaashaan go aan iyo caqiidaa kufriga loogu goodiyay seefo aan gidaadaynin Abid oo gunnimo diid ah galaayuuska dhiilada watiyo gocasho doogeedka gaadmo iyo bareeraba hadaan guluf lajoogtaynin shuhadadii gadaashood xorriyad lama gudoeene hadaan godanka soomaaliyeed haadku galawlaynin reer galbeed garaadale hadaan galawda lootaaban saraakiil lagawracay hadaan lagu dulgeeraarin shuhadadii gadaashood xorriyad lama gudoomeen markii uu galshada dhiig noqdee gumucu eeraamay markii gacanta layskula tageey godatay maarreydi giiryaale iyo gaalaraac hayska gaabsado e hablo dahabki gadaybaa jiroo galay dagaalkiiye sayidkii dartiis geeska bari gucumo aar yeeshay inkastuu galaafoo Wax badan gonofka raacsiiyay gandoobihii kow markii food lagalin waayay diyaaradi garaacduu ahaa gogolka taariiqda geeri sharafle dhimay shekh bashiir gunudna taariiqe oomaarna kamagada yarayn goolna soodhaliye geestiisa shekh xasan barsame guday xilkiisiiye gurey waa ninkii xabashi baray gudurka ciiriine godka waasac allahawgadhigo Gabi ahaantoode gadaalbaan majeertaaarkaan guulkufaan rabo e cankii markuu galay hawada laygawada giigay sodon sano markii uu gilgilay dunida guudkeeda sodon kale galgalkii kudhacay waa midaan gayine halgamaaga geedkii kubaxay goboda dhiigiisa halkii aan miraha soogo iyo guranlahayn miidda kuwo gudin uhaystaa jiroon garasho dheerayne hadaan gabal xaglaha uga fadhiyin ma ay gabnowdeen goorba waa raggeedaa layiri galinba wiilkiisa nimankii gabuunnada udhigay gaadadiyo foolka gabanadii ay ruuxda uhuree gabe middoodiie garhayeeno badanbaa kacoo lagu gabraartaaye gayyi dahabka iyo dheankiyo gaasku wada jiifo umad lagu galaday oo hadana Gooman baanahye gacmo hoorsigiyo tuugsashadu galabsi weeyaane somaalaay waxaa Kula gudboon geedigoo mida issugibila wayney waqtigu waa is gurayaaye God dhaw goorri iyo gawracbaa loogarnaqayaaye gumaysiga dahsoon maalintaad garlahayd weeye somaalaay waxaa Kula gudboon geedigoo mida inta midiba gabi saaranyahay gaawaheed marane gobol gobol intay tahay Kuraran gorofti cayreede gilgishoo kakaca ceebta waa laga gidoodaaye garabeeshin naadila midnimo iyo gar eexeede gunti hood kasii baadishoyo gaar Wax ugu Jayne musuqaasuq baa gabawariyo gurasho laaluushe garsoor togan hadaan lagu salsalin geesahay dhigane somaalaay waxaa Kula gudboon geedigoo mida

Search