Duxda hadalka maahmaahda waa, lagu dalleeyaaye
Duqaydii daliilkay dhigtiyo, dura haddaan eegno
Diraac iyo abaar diirato'a, duunyo kala reebta
Dawadeedu waa dirir di’iyo, daalaliyo roobe
Dan waxaan ku qabin waa midkii, dagalo caydhoobay.
Dirir iyo colaad lagu dugee, dunida saamaysa
Dawadeedu waa nabad du'dada, lagu dabaalaaye
Dan waxaan ku qabin waa midkii, shalay la soo duugay.
Gudcur dama habeen dadan dhulkoo, dugul madoobaaday
Dawadiisu waa dayax iftiin, lagu dareemaaye.
Dan waxaan ku qabin waa indhool, araga loo diiday.
Dulkaxaadis maansada haddaan, kuu dulmaray jaale
Dulucdiyo ujeedada haddaan, hoos u dagayeeye
Dagmadiyo dalkeenaa ifkiyo, nuurka laga daaray
Duhurkiyo dugsiiyada aroor, laysku daba joogo
Darka ubadka soo joogsadee, Diinta baranaaya
Digriigiyo daraasaadka sare, uunka wada doonay
Dar Allee daryeelkaa cilmigu, darajo weeyaane
Dan waxaan ku qabin naafo aan, cidi danaynaynin
Oo daranyadiisii jahliga, wali la diidaysa.
Haldoor iyo haddaad daaci tahay, sama u doodaaya
Ama duubka odayadaa sitiyo, dawlad talinaysa
Ama aad digigixootoo damiir, wali ku diiraayo
Dadaalkiina Naafada maxaa, loogu dari waayay?
Dulka dhago dalooliyo kuwaan, maqalka loo daynin
Daymada kuwaa laga xidhee, muuqa laga daahay
Duubiyada kuwaa laga jareen, daqaqan gaadhynin
Oo dabakhyadaa aad gasheen, daana kori waayay
Dulmi iyo waxay tabanayaan, duudsi iyo liide
Dabiibkiyo aqoontaa maxaa, loogu dari waayay?
Degta iyo koluu duudka iyo, dusha xamaal saaro
Ama uu dafiyo haad sideed, doollar ula boodo
A
ma uu ugaadhaba dabtiyo, deeradiyo cawsha
Ama daasadaha hoorsadee, dawarsi meeraysto
Dadka kale xalbaa loo dayaa, dawga nololeede
Ayagaan darsiga loo dhigoon, diraya mooyaane
Daraf nolosha kuu buuxinayn, dacal banaanaaye
Dugsiiyaay tacliintaa maxaa, loogu dari waayay?
Inkastoon dixeed iyo dhadhaab, didib u heesayno
Oo doorka ruux noo damqada, maanta lagu diimo
Dibnahaan xaqoodaa dafirin, abid ka daalayne
Dabuubtiyo waxaan deeladiyo, gabay ku soo duubay
Dambarkiyo haddii daribta iyo, dahabka loo qaybsho
Dadka maal ma deeqee waxaa, doojin kara uunka
Duruustiyo cilmiga daabacanee, daaska wada yaala
Iyo daacadiyo waa cadliga, laga durduurtaaye
Docdayada nasiiyaay anaba, duul jiraan nahaye.