Dansheeg

Duxda hadalka maahmaahda waa, lagu dalleeyaaye 

Duqaydii daliilkay dhigtiyo, dura haddaan eegno 

Diraac iyo abaar diirato'a, duunyo kala reebta 

Dawadeedu waa dirir di’iyo, daalaliyo roobe

Dan waxaan ku qabin waa midkii, dagalo caydhoobay.

Dirir iyo colaad lagu dugee, dunida saamaysa

Dawadeedu waa nabad du'dada, lagu dabaalaaye 

Dan waxaan ku qabin waa midkii, shalay la soo duugay. 

Gudcur dama habeen dadan dhulkoo, dugul madoobaaday 

Dawadiisu waa dayax iftiin, lagu dareemaaye.

Dan waxaan ku qabin waa indhool, araga loo diiday. 

Dulkaxaadis maansada haddaan, kuu dulmaray jaale

Dulucdiyo ujeedada haddaan, hoos u dagayeeye

Dagmadiyo dalkeenaa ifkiyo, nuurka laga daaray 

Duhurkiyo dugsiiyada aroor, laysku daba joogo

Darka ubadka soo joogsadee, Diinta baranaaya

Digriigiyo daraasaadka sare, uunka wada doonay

Dar Allee daryeelkaa cilmigu, darajo weeyaane 

Dan waxaan ku qabin naafo aan, cidi danaynaynin
Oo daranyadiisii jahliga, wali la diidaysa.

Haldoor iyo haddaad daaci tahay, sama u doodaaya 

Ama duubka odayadaa sitiyo, dawlad talinaysa 

Ama aad digigixootoo damiir, wali ku diiraayo 

Dadaalkiina Naafada maxaa, loogu dari waayay? 

Dulka dhago dalooliyo kuwaan, maqalka loo daynin
Daymada kuwaa laga xidhee, muuqa laga daahay 

Duubiyada kuwaa laga jareen, daqaqan gaadhynin

Oo dabakhyadaa aad gasheen, daana kori waayay
Dulmi iyo waxay tabanayaan, duudsi iyo liide 

Dabiibkiyo aqoontaa maxaa, loogu dari waayay? 

Degta iyo koluu duudka iyo, dusha xamaal saaro 

Ama uu dafiyo haad sideed, doollar ula boodo 

A
ma uu ugaadhaba dabtiyo, deeradiyo cawsha
Ama daasadaha hoorsadee, dawarsi meeraysto
Dadka kale xalbaa loo dayaa, dawga nololeede 

Ayagaan darsiga loo dhigoon, diraya mooyaane 

Daraf nolosha kuu buuxinayn, dacal banaanaaye

Dugsiiyaay tacliintaa maxaa, loogu dari waayay? 

Inkastoon dixeed iyo dhadhaab, didib u heesayno 

Oo doorka ruux noo damqada, maanta lagu diimo
Dibnahaan xaqoodaa dafirin, abid ka daalayne 

Dabuubtiyo waxaan deeladiyo, gabay ku soo duubay 

Dambarkiyo haddii daribta iyo, dahabka loo qaybsho 

Dadka maal ma deeqee waxaa, doojin kara uunka 

Duruustiyo cilmiga daabacanee, daaska wada yaala

Iyo daacadiyo waa cadliga, laga durduurtaaye

Docdayada nasiiyaay anaba, duul jiraan nahaye.

Duxda hadalka maahmaahda waa, lagu dalleeyaaye 

 Duqaydii daliilkay dhigtiyo, dura haddaan eegno 

 Diraac iyo abaar diirato'a, duunyo kala reebta 

 Dawadeedu waa dirir di’iyo, daalaliyo roobe 

Dan waxaan ku qabin waa midkii, dagalo caydhoobay. Dirir iyo colaad lagu dugee, dunida saamaysa 

Dawadeedu waa nabad du'dada, lagu dabaalaaye 

 Dan waxaan ku qabin waa midkii, shalay la soo duugay. 

  Gudcur dama habeen dadan dhulkoo, dugul madoobaaday 

 Dawadiisu waa dayax iftiin, lagu dareemaaye. Dan waxaan ku qabin waa indhool, araga loo diiday. 

Dulkaxaadis maansada haddaan, kuu dulmaray jaale 

Dulucdiyo ujeedada haddaan, hoos u dagayeeye 

Dagmadiyo dalkeenaa ifkiyo, nuurka laga daaray 

 Duhurkiyo dugsiiyada aroor, laysku daba joogo 

Darka ubadka soo joogsadee, Diinta baranaaya 

Digriigiyo daraasaadka sare, uunka wada doonay 

Dar Allee daryeelkaa cilmigu, darajo weeyaane 

 Dan waxaan ku qabin naafo aan, cidi danaynaynin Oo daranyadiisii jahliga, wali la diidaysa. Haldoor iyo haddaad daaci tahay, sama u doodaaya 

 Ama duubka odayadaa sitiyo, dawlad talinaysa 

 Ama aad digigixootoo damiir, wali ku diiraayo 

 Dadaalkiina Naafada maxaa, loogu dari waayay? 
 Dulka dhago dalooliyo kuwaan, maqalka loo daynin Daymada kuwaa laga xidhee, muuqa laga daahay 

 Duubiyada kuwaa laga jareen, daqaqan gaadhynin 

Oo dabakhyadaa aad gasheen, daana kori waayay Dulmi iyo waxay tabanayaan, duudsi iyo liide 
 Dabiibkiyo aqoontaa maxaa, loogu dari waayay? 
 Degta iyo koluu duudka iyo, dusha xamaal saaro 

 Ama uu dafiyo haad sideed, doollar ula boodo 

A ma uu ugaadhaba dabtiyo, deeradiyo cawsha Ama daasadaha hoorsadee, dawarsi meeraysto Dadka kale xalbaa loo dayaa, dawga nololeede 

 Ayagaan darsiga loo dhigoon, diraya mooyaane 

 Daraf nolosha kuu buuxinayn, dacal banaanaaye 

Dugsiiyaay tacliintaa maxaa, loogu dari waayay? 
 Inkastoon dixeed iyo dhadhaab, didib u heesayno 

 Oo doorka ruux noo damqada, maanta lagu diimo Dibnahaan xaqoodaa dafirin, abid ka daalayne 

Search