Tartanka Gabayada Sanadlaha ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Muqdisho

Abaalmarintu waxay ka kooban tahay saddex qeybood oo kala ah; Gabyaaga ugu wanaagsan Sannadka, Gabadha ugu gabay wanaagsan Gabdhaha gabya (oo ay taageereyso hay’adda UNDP) iyo Abwaanka Da’da yar ee Sannadka. Tartanka waxaa Garsoorayaal ka noqonaya Abwaano magac & maamuus ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

21 Sebteembar 2021 ­­­­­­­­­­­­­­­­­–– Tartanka Gabayada Soomaalidu maanta ayuu si rasmi ah u furmay, waana abaalmarin sannadle ah oo uu qabanqaabiyay Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo taageero ka helaya Hay’adda Qaramada Middoobay u qaabilsan horumarinta (UNDP).

Tartanku wuxuu u furan yahay qof walba oo Af Soomaali wax ku qori kara, waxaana lagu aqoonsan doonaa Abwaanka leh hal-abuurka ugu wanaagsan ee sannadka. Saddexda qeybood ee tartanku waxay kala yihiin: Gabayaaga ugu wanaagsan ee Sannadka, Gabadha ugu gabay wanaagsan Gabdhaha gabya (oo ay taageereyso hay’adda UNDP) iyo Abwaanka Da’da yar ee Sannadka (oo ka yar 25 sano).

Gabayada waxaa lagu soo dirayaa bogga internetka ee Hoyga Maansada Soomaaliyeed, tartanku wuxuu xirmayaa 21-ka Oktoobar. Sannadkan waxaa Garsoorayaal ka ah abwaano isugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo hadda soo kacaya oo ay ka mid yihiin Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Cisman Cabdullahi Guure, Moxamud Xaaji Maxamed (Tarash), Caasha Maxamud Yuusuf (Caasha-luul) iyo Xawa Jaamac Cabdi.

 

Gabayaaga ugu Wanaagsan ee Sannadku wuxuu ku guuleysanayaa $2,000 oo doollar, Abwaaanka Da’da yar ee Sanadku wuxuu ku guuleysanayaa $1,000 doolar. Gabadha ugu gabay wanaagsan Gabdhaha Gabya waxay ku guuleysanyesaa $1,500, taasoo lagu hawlgalinayo in ay ku soo qorto lix gabay oo ay uga hadleyso arrimaha haweenka.

“Dumarka had iyo jeer waa la xaqiraa balse marnaba lama xaqiri karo maansada wanaagsan ee aanu tirino,” ayay tiri Caasha Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah garsoorayaasha tartanka. “Hadday noqoto in aan ka hadalno nolosheena, caddaaladda, arrimaha qoyska ama riyooyinkeena, gabayada dumarku ay tiriyaan waxay kaga hadlaan arrimo muhiim ah oo u baahan in wax laga qabto, waa hadii la doonayo in aan dhisno bulsho wanaagsan oo  qof walba uu horumar ka gaari karo.

“Soomaalidu wax badan ayay dunida ku soo biirin karaan oo uu Gabaygu ugu horreeyo. Waxaan ku dhiirigelinayaa qof walba, yar iyo wayn, in ay ka soo qaybgalaan tartanka,” ayuu yiri Abwaan Idaajaa. Muuqaal uu Abwaanku kaga hadlayo sida tartanka looga qaybgali karo waxaad ka heleysaa bogga internetka ee Hoyga Maansada.

Xafladda furitaanka tartanku waxay si rasmi ah maanta uga dhacaysaa hoteelka Jazeera ee ku yaalla caasimadda Muqdisho. Sidoo kale, xafladda lagu abaalmarinayo dadka ku guulaysta tartanka waxaa iyana lagu qaban doonaa Muqdisho 21-ka Nofeembar. Waxaa ka soo qaybgali doona fannaaniin iyo bahda hiddaha iyo dhaqanka.

“Cilmi baaris ay samaysay hay’adda UNDP ayaa lagu ogaaday in dhammaan qaybaha kala duwan ee haweenka Soomaaliyeed ay doonayaan in codkooda la maqlo, sidaa darteed waxaan ku faraxsannahay inaan taageerno Tartanka Gabayada Soomaalida iyo gaar ahaan qaybta lagu dhiiri- gelinayo dumarka,” ayuu yiri madaxa hay’adda UNDP, Jocelyn Mason.

“Waxaa jira haween badan oo hibo u leh qoritaanka Af Soomaaliga, waxaan rajaynayaa inaan garab ku siino in codkooda la maqlo si ay u soo bandhigaan hammigooda, iyo dalabkooda ay ku doonayaan in la dhawro xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.”

Tartanku wuxuu qayb ka yahay barnaamijyada Hoyga Maansada ee ay taageerayso hay’adda UNDP si loo horumariyo suugaanta Soomaalida, xuquuqda haweenka iyo nabadaynta.

Horraantii sannadkaan ayaa la soo bandhigay bogga internetka ee Hoyga Maansada (www.hoygamaansada.com)

Bogga internetku wuxuu kaydiyaa gabayadii hore iyo kuwo cusub oo ay tiriyeen abwaanada jiilka cusub. Sido kale, waa bar lagu daabaco warar la xiriira gabayada, laguna soo bandhigo maqaallo, wareysiyo, bandhigyo islamarkaana aqoon laga kororsado. Hoyga Maansadu wuxuu qabanayaa munaasabado gaar ah wuxuuna shaqo gelinayaa abwaanada si ay u soo qoraan gabayo cusub oo loogu qabto bandhigyo iyo aqoon is-weydaarsiyo dhanka dhaqanka ah.

 

Wixii faafaahin ah, kala xiriir

Hoyga Maansada Soomaaliyeed: Hoygamaansada@gmail.com / +252 61 928 8867

Hay’adda UNDP: communications.so.undp.org / +252 61 412 5046

Nagala soco: Twitter: @hoygamaansada | Facebook: @hoygamaansada

Instagram: @hoygamaansada | YouTube: https://tinyurl.com/yxfrcnsk

 

* * *

Hoyga Maansada Soomaaliyeed waa barnaamij lagu kaydiyo laguna horumariyo gabayada Soomaalida. Waxaa la daahfuray sannadka 2021. Bogga internetka https://www.hoygamaansada.com/ waxaa lagu kaydiyaa gabayada Soomaalida, waxaana lagu qabtaa Tartanka Gabayada ee Sannadlaha.

 

Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Horumarinta (UNDP) waxay ka shaqeysaa 170 dal si ay u cirib-tirto saboolnimada oo wax uga qabato sinnaan la’aanta. Waxyaabaha aan dalalka ka caawinno waxaa ka mid ah diyaarinta qorshayaasha, xirfadaha hoggaaminta, dhiirrigelinta wadashaqaynta, kobcintas hay’adaha dawladda iyo xoojinta dhabar-adaygga si loo gaaro Yoolasha Horumar Waara.

Shaqadayadu waxay u badan tahay saddex qeybood oo kala ah; gaaritaanka horumar waara, maamul wanaagga iyo nabadeynta, iyo sidii loogu dhabaradygi lahaa isbeddelka cimilada iyo musiibooyinka. www.so.undp.org

Prizes to be awarded for Poet of the Year, UNDP Woman Poet and Youth Poet, judged by leading names in Somali literature

21 Sebteembar 2021 21 September 2021 — Entries open today for the Somali Poetry Awards, an annual “Oscars” of Somali poetry organized by the Home of Somali Poetry initiative (Home of Somali Poetry) with support from the United Nations Development Programme (UNDP). WHAT WE DO oo taageero ka helaya Hay’adda Qaramada Middoobay u qaabilsan horumarinta (UNDP).

The Awards are open to anyone writing in Somali and aim to recognize the very best creative talent across three categories: Poet of the Year, UNDP Woman Poet of the Year and Youth Poet of the Year (for poets under the age of 25).

Poetry can be entered through the Home of Somali Poetry website until midnight 21 October. This year’s judges are leading and upcoming poets including Ahmed F. Ali (Idaajaa), Osman Abdullahi Guure, Mohamud Haji Mohamed (Tarash), Asha Mohamud Yusuf (Asha-luul) and Hawa Jama Abdi. Hoyga Maansada Soomaaliyeed, tartanku wuxuu xirmayaa 21-ka Oktoobar. Sannadkan waxaa Garsoorayaal ka ah abwaano isugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo hadda soo kacaya oo ay ka mid yihiin Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Cisman Cabdullahi Guure, Moxamud Xaaji Maxamed (Tarash), Caasha Maxamud Yuusuf (Caasha-luul) iyo Xawa Jaamac Cabdi.

 

There will be a US$2,000 prize for the Poet of the Year and a US$1,000 prize for the Youth Poet of the Year. The UNDP Woman Poet of the Year will win a US$1,500 commission to write six poems on issues affecting women in Somalia.

“Women are too often ignored – but you can’t ignore the beautiful poetry we produce, said Awards judge and leading poet, Asha Mohamud Yusuf. “Whether we’re talking about life, justice, family or our dreams, women’s poetry can inspire and bring attention to issues that must be addressed if we are to create a society where everyone can flourish.”

“We Somalis have so much to contribute to the world and our poetry is top of the list, so I encourage everyone, young and old, to enter the Awards,” said Abwaan Idaaja, whose instruction video on how to enter can be seen on the Home of Somali Poetry website.

The official launching ceremony takes place today at the Aljazeera hotel in Mogadishu and winners will be announced at a ceremony in Mogadishu on 21 November, with live performances of the winning poetry and appearances from celebrity guests.

“UNDP-funded research shows that women from all backgrounds want their voices to be heard so we are delighted to support the Somali Poetry Awards and sponsor the Woman Poet of the Year category,” said UNDP Somalia Resident Representative, Jocelyn Mason.

“There are so many talented women writing in Somali; I hope we can help amplify their voices as they express their views and aspirations and push for greater rights and better protections for Somali women.”

The Awards are the latest activity from the Home of Somali Poetry initiative, which is being supported by UNDP to promote Somali poetry, women’s rights and peacebuilding.

Earlier this year, the Home of Somali Poetry launched its website (www.hoygamaansada.com)www.hoygamaansada.com)

This hosts a growing Somali Poetry Archive to preserve the classics and showcase new work from a fresh generation of poets, as well as an online magazine for poetry-related articles, interviews with poets, live performances, learning resources and more. The initiative will continue to organize special events, as well as commissioning new work and organizing live performances and cultural exchanges.

 

For more information, please contact:

Home of Somali Poetry

UNDP communications.so.undp.org / +252 61 412 5046

Twitter @hoygamaansada | Facebook: @hoygamaansada

Instagram @hoygamaansada | YouTube: https://tinyurl.com/yxfrcnsk

 

* * *

The Home of Somali Poetry is an initiative to preserve and promote Somali poetry and use this great literary tradition to make the world a better place. Set up in 2021, https://www.hoygamaansada.com/ its website www.hoygamaansada.com/ hosts the Somali Poetry Archive and annual Somali Poetry Awards.

 

As the United Nations lead agency on international development, the United Nations Development Programme (UNDP) works in 170 countries and territories to eradicate poverty and reduce inequality. We help countries to develop policies, leadership skills, partnering abilities, institutional capabilities, and to build resilience to achieve the Sustainable Development Goals.

Our work is concentrated in three focus areas; sustainable development, democratic governance and peace building, and climate and disaster resilience. www.so.undp.org www.so.undp.org

Raadi