Saciid Saalax Axmed

Taariikhda

waa Bare ahna Abwaan iyo Qoraa. Waxuu qoray sheekooyiin badan iyo buugaagta caruurta, kuwaasoo lagu tarjumay Luuqadda Ingiriiska. Sanadkii 1985-tii waxuu qoray, soona saaray filin dheer oo ku saabsanaa halgamaagii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Inta uusan ka tagin Soomaaliya kahor dagaalkii sokeeye waxuu Agaasime ka ahaa waaxda “Waxbarashada Dheeraadka ah” ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Hadda waxuu bare luuqadda Af-Soomaaliga ka yahay Jaamacadda Minnesota, dalka Mareykanka.

Share on facebook
Share on twitter
Share on print
Share on email

Raadi