Mursal Dahir Caynte

Gabayada Abwaanka oo idil Mursal Dahir Caynte

Gobannimo

Galad weeye hal abuurku aan ruuxna goynkarine
gunno weeye dheeraadahoo guule bixiyaaye
gargaar iyo tacliin laguma helo oo lagadiwaaye

Hadii aad gabyaa tahay hibada lagu gudoonsiiyay
gasiin xeeladee kuma cawniyo eray guhaadeede
waa risaalo gaariyo xisaab gudasho doonaysa

Hadaad gole kafuul tahay murtida aan ugodol qaadin
asii gumuca kaadhacahayaa gubayo raaskaaga
oo ad godob kusoofayso iyo Shar iyo guubaabo
gal faylkaagu aakhoro fartuu kugu godaayaa

afartaas miday garanayaan gumuradeediidhe
waajib gurada igasaaran iyo gacaladaydiidheh
giraantiyo ujeedada dhabta a Gogol dhigeedii dheh

gobanimada an haysaniyo guusha calankeenu.
giblo Laguma keenine naftaa loogabaanadaye.
geesiyaal isbiimeeyaybaa ruuxda noogadaye
gaws libaax ayay uguriteen gacanta maandeeqe

gumaysiga hadaan lagujirabin Gama a inuudiido
gurmadkii dhaqaaqaba hadaan loogambiyin caynka
golwareenku meel dayanin iyo guura bahalayntu
godkiisana biyaha loogu galin ma ay garaabeen

wuxuu Kala gambaro oo iyaga gamas udhiibaaba
wuxuu guuto kala cayna iyo gaasas bixiyaaba
gogoldhaaf markay joogto iyo gorodda laalaadsha
gibirkii rag diidiyo wadani gayfanbaa kacay

kibirkiyo garwaaxiidsigii faranji gaaleedka wiilal aan galiilyoon janana goobayaa helay
inkastoy garnayliyo wateen biraha gaashaan
go aan iyo caqiidaa kufriga loogu goodiyay

seefo aan gidaadaynin Abid oo gunnimo diid ah
galaayuuska dhiilada watiyo gocasho doogeedka
gaadmo iyo bareeraba hadaan guluf lajoogtaynin
shuhadadii gadaashood xorriyad lama gudoeene

hadaan godanka soomaaliyeed haadku galawlaynin
reer galbeed garaadale hadaan galawda lootaaban
saraakiil lagawracay hadaan lagu dulgeeraarin
shuhadadii gadaashood xorriyad lama gudoomeen

markii uu galshada dhiig noqdee gumucu eeraamay
markii gacanta layskula tageey godatay maarreydi
giiryaale iyo gaalaraac hayska gaabsado e
hablo dahabki gadaybaa jiroo galay dagaalkiiye

sayidkii dartiis geeska bari gucumo aar yeeshay
inkastuu galaafoo Wax badan gonofka raacsiiyay
gandoobihii kow markii food lagalin waayay
diyaaradi garaacduu ahaa gogolka taariiqda

geeri sharafle dhimay shekh bashiir gunudna taariiqe
oomaarna kamagada yarayn goolna soodhaliye
geestiisa shekh xasan barsame guday xilkiisiiye
gurey waa ninkii xabashi baray gudurka ciiriine
godka waasac allahawgadhigo Gabi ahaantoode

gadaalbaan majeertaaarkaan guulkufaan rabo e
cankii markuu galay hawada laygawada giigay
sodon sano markii uu gilgilay dunida guudkeeda
sodon kale galgalkii kudhacay waa midaan gayine

halgamaaga geedkii kubaxay goboda dhiigiisa
halkii aan miraha soogo iyo guranlahayn miidda
kuwo gudin uhaystaa jiroon garasho dheerayne
hadaan gabal xaglaha uga fadhiyin ma ay gabnowdeen

goorba waa raggeedaa layiri galinba wiilkiisa
nimankii gabuunnada udhigay gaadadiyo foolka
gabanadii ay ruuxda uhuree gabe middoodiie
garhayeeno badanbaa kacoo lagu gabraartaaye

gayyi dahabka iyo dheankiyo gaasku wada jiifo
umad lagu galaday oo hadana Gooman baanahye
gacmo hoorsigiyo tuugsashadu galabsi weeyaane
somaalaay waxaa Kula gudboon geedigoo mida

issugibila wayney waqtigu waa is gurayaaye
God dhaw goorri iyo gawracbaa loogarnaqayaaye
gumaysiga dahsoon maalintaad garlahayd weeye
somaalaay waxaa Kula gudboon geedigoo mida

inta midiba gabi saaranyahay gaawaheed marane
gobol gobol intay tahay Kuraran gorofti cayreede
gilgishoo kakaca ceebta waa laga gidoodaaye

garabeeshin naadila midnimo iyo gar eexeede
gunti hood kasii baadishoyo gaar Wax ugu Jayne
musuqaasuq baa gabawariyo gurasho laaluushe
garsoor togan hadaan lagu salsalin geesahay dhigane

somaalaay waxaa Kula gudboon geedigoo mida

Mursal Dahir Caynte war dheeri ah

Raadi