Maxamuud Cabdulaahi Ciise ‘Singub’

Share on facebook
Share on twitter
Share on print
Share on email

Gabayada Abwaanka oo idil Maxamuud Cabdulaahi Ciise ‘Singub’

Daacad

Taladan Illaah kugu duweyn waa lagaa dadiye
Waanu kaa daboolaan cagliga diiraddaa lumiye
Dareenkaagu meel aanu rabin buu ka dubuq siine
Didmo saaran baad yeelan iyo bayr ma daasho ahe
Dadkana waxaad u neceb tahay qofkii kuu dansheega ahe
Diinkii waxaan nahay hilbuhu dibad ka yaaleene
Ee habar-dugaagu u tashaday inay daliigaane
Haddana Daa’im amarkiisa weyn saanta loo diraye
Siyaasadii duqowday een lahayn dux iyo iimaanka
Ee tan iyo daakhili jirtay ee dubatay Soomaali
Een dunida meel raacsanayn dacati mooyaane
Sida idaha daydayo sharcigii dacalka loo saaray
Dillaal iyo mallaaloobay ee wada dar-leefoobay
Ee sun iyo boog daacay ee waliba ciin daaqay
Dulleeddada ku meeraystay een dibadda gaadhaynin
Daacadow haddaad aragto waa inaydun diiddaane
Isku dire abwaankii ahaa dab iyo baasiinka
Ee noo ducee laga la’a yahay dirira mooyaane
Ee qoray diiwaankii ahaa duma collaad raagta
Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
Tacliintii dibiro-weyn kuwii doontay jaamiciga
Aqoontii kaddara iyo kuwii gabadha sii daystay
Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
Mustarkii dilaaliga ahaa deyn bangiga qaate
Dukaan iyo macdaar suuqa iyo done iyo keene
Markabkii kolkuu soo dagaba aan dadku arkaynin
Dekeddii wasiir iyo ku-xige uu daldalay raashin
Bakhaarlihii dan gaarlaha ahaa duuge iyo aase
Canshuurtii dulsaar badan ahayd daallun xeradiisa
Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
Ila-tahayda kuwa soo diree aan dalkaba joogin
Een dagalkan bara-kacay ogayn siduu u daadduumay
Ee carabka dalabta leh wargeyska ugu deeqaaya
Ee daar rag kale seexday een diilalyaba haynin
Ee doolarkii ay cuneen laysu daba joogo
Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
Waligii ma daahiro askari waa damiin falane
Waanu kaba ducaystaa qofkii dinta caabuda e
Dunidu maamul uma dhiibato iyo meel dad joogaba e
Dibaddaa la geeyaa cidlaa lagu dugaalaye
Derbi adag haddaan lagu xaniban daaha soo fuaraye
Xakame yaa daqlaha loo dhigaa lagu daweeyaaye
Wuxuu dalaayad ugu boodayaa waa dagaal gale e
In la dilo inuu dilo ayaa loo diyaarsaday e
Mana dallaco haddaan faraha dhiig uga dureerayne
Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
Haddiisan aan dadweynahan arkay oon dul iyo hoos eegay
Waa adhi dareera oo qoryo loo dhiiga daadsade e
Darkaa lagu adkaystaa sidii dhoobo daayac ahe
Orod soo dil baa lagu yidhaa kii dadka u xigaye
Waa wada damane iyo ma oge aan cidi danaynayne
Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
Ina Suldaan daliilkuu lahaa waxaa daliilkii ah
Quluubtiisa waxa daaranayd daaya waa qolo e
Aniga oo godkuu degi jiriyo deelka buuxinaya
Bal haddana waxaan damacsanahay maan dadka u sheego
Ogaadeenka Doollood hadduu Cadale soo daaqo
Ama ay Abgaal soo degaan Daakhatiyo Faafan
Oo ay Ma-uruursade damcaan Herar duleedkeeda
Dadka Sheekh Isxaaq dhalay hadduu webiga daan qaado
Dila iyo Nugaal Bari haddaan deris walaaleeyo
Docmo iyo hadday Laas Qoran Zeylac wada daaqdo
Diri Dhabo Godey iyo Jigjiga samo u daaweeyo
Dulcad iyo Birbira Gado haddan dooni wada saaro
Inta webi degtoo idil haddaan dan u heshiisiiyo
Dagoodi iyo Raxan Weyn Cawlyahan Waamo deriseeyo
Degaamada lixda ah Mudug, Hiiraan deris walaaleeyo
Dekeddii makaad Jowhar iyo Xamarba daaweeyo
Culimadu duceeyaan ibleys nama durreeyeene
Dan kalaa qabiil loo durtay iyo boog dakane sheege
Rar-xunna way ku daba feyshan tahay doorkan maanta ahe
Dilaase inuu xukumo maya, maya ayuu yidhi dareenkiiye
Isku daashay waayuhuna waw diga rogaayaane
Kuwa duco qabow kici hanbadan duur ku yaaca ahe

Maxamuud Cabdulaahi Ciise ‘Singub’ war dheeri ah

Raadi