Kaariye

Gabayada Abwaanka oo idil Kaariye

Difaac Qaran

Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba dayside
Duddada kii u horaa haddana, didiyey geeliiye
Dabka wuxuu ka qaaataa shacbigu, dood abwaan yiriye
Carrab dalab leh iyo way gartaan, kii dantooda ahe
In la dala’san karo haw malayn, daa’in abaidkaaye
Dadweynuhu waxay leeyihiin, duun u hadalkooda
Lama arag dameer geeso lehiyo, dawlad reer qudha e
Waxay doonayaan wada jirkee, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Dab haddii lahaystiyo haddii, gudin la daabaayey
Iyadoo an dawladi ba jirin, deyn u kala goysa
Dilku abidki waa toogo iyo, duunyo kale qaade[?]
Dorraad kii la jabiyaa berrina, daahya goyn jiraye
Inan qolona duub loogu xirin, waranna loo deebin
Ay dabar go’een uun ahayd, taas ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Hadal kama dammana baa la yiri, doqon habowdaaye
Sidaan damacsanaa iyo sidaad, adigu doonaysay
Kala durugsan oo waa Docmiyo, dibirki Ceelbuure
Soomaali oo duuban baan, deji lahaa meele
Diraacdaa ku raagtaan lahaa, roobku haw da’a e
Ha durduurataan lahaa nimcada, dararta xoolaaye
Ha is daadahaysaan lahaa, waa duntaa qudha e
Duud qaybsama sakaaradu ma lee, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Dur iyo daabac kii loo ridaa, Naasaweyn dihine
Dabraceliska geeddiga xigeen, damacsanaa raaci
Dadka geedkan yaal baan lahaa, nabad u doondoone
Walaalaha is dooxaan lahaa, ha is daweeyeene
Dabku cadowku keenaan lahaa, daadiyoo quba e
Dillaalkiyo mallaalkaan lahaa, duubta gogalaaye
Daaraha Shawa iyo Xamar markaan, deer isugu keeno
Qaar kalaan ku soo dari lahaa, oo dirkooda ahe
Dawlad weyn ha noqotaan lahaa, waayo dabadoode
Damaashaadka faraxaan lahaa, daawasho u jooge
Arrin kaa dahsoon baa jirtee, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid

Kaariye war dheeri ah

Raadi