Cumar Cabdi-Nuur

Gabayada Abwaanka oo idil Cumar Cabdi-Nuur

Heshiiya

Soomaaliya dalkeennii baa ragow silic ka muuqdaaye
Saadaasha gabay baan rabaa inaan ku saafaaye
Mindi saawiraan laga samrine saaka idhageysta

Sahal uma tillaabsado ruux hadduu seedaha isgooyo
Sambabadu nimay maqanyihiin orad ma sii rooro
Sifoyaalahaas inaan leennahaa saaka la hubaaye

Sujuudiyo nimaan lagu kareyn inuu salaadaaba
Sakadii ninkii diidayoo soonka jabinaaya
Siraadkii qiyaamaha wallee saanta rogiwaaye

Qabiilada rabbaa suubiyoo waa sirgooniyahe
Sihir iyo qaraabada unbaa lagu suntaayaaye
Qabyaaladda waxaan loo subkaday saw ma aha waalli?

Sagaal bilood ninkii lagu dhalee socodna kaa liidan
Subxaankiis yaqaannoo intaas saxaya tawxiidka
Sab iyo midgaan saw dhahdeen waa su’aal culise?

Saqiirkiyo maxaa loo dilaa samaha kii sheega
Socotada maxaa loo dhacoo seefta loo mariyey
Sinta tii nasaartana maxaa silaca loo taagay?

Sodoh iyo dumaashiba haddii saaqid ka adeego
Sokeeyiyo xigaalaba haddii sahay la dhaafsiisto
Soomaalaay halkee loo socdaa sidatan waa yaabe?

Dhaqan soo jireenaan lahayn waad la socotaane
Sulux iyo heshiis baa mushkilo lagu sifeeyaaye
Salaadiinta maxaa loo xaqiray sidatan waa yaabe?

Sanawaad haddii aan jabnoo suurku nagu yeeray
Saxariir haddii laga dhergoo samo la naafeeyey
Soo noqosho goormaa lahelin sidatan waa yaabe?

Deeqdii subxaankaa dhammaan wada saluugteene
Sad-bursiyo waxaad wada rabtaan subax ku maaleysi
Sicir bararka waxaa noogu wacan saw ma aha tuugo?

Su’aal baan jawaab uga rabaa kii siyaasiyahe
Suntii reergalbeedkuba nacee soo masaafuriyey
Sidee baad ku yeesheen ragow sidatan waa ceebe?

Siyaasadda waxaa loo galaa ma ahan seegseege
Saadaashiyo waxaa laga bartaa seyhadhaw noqone
Salaqlaha maxaad uga heshaan subaxba meel aadka?

Sikastoo layeelaba haddii xooggu socon waayey
Soomaaliya haddii aad rabteen saatan inay dhaanto
Saaxiibbow heshiiyoo kaltama sidatan waa ceebe

Sankuneefle khalqigii dhammaan waa na sugayaaye
Sumcaddeenu waa eber war hooy saad lasocotaanba
Saaxiibbow heshiiyoo kaltama sidatan waa ceebe

Sacabbada wixii kuugu jiray yara intaad seydho
Sandareerto inaad raadsataan waa silloon tahaye
Saaxiibbow heshiiyoo kaltama sidatan waa ceebe

Siinleyda meeshaan la rabay sahal ma qaadsiiyey
Sarbeeb uma iraahdee murtida kali makuu soocay
Su’aal kalana waa iga ducee sacabadaw hoorsha

Subxaanow adaa karahayee samaha noo meeri
Sufahada Allow noo hadee saamic baa tahaye
Soomaaliya Ilaahow berriba saxan saxow hoorto

Sirta kii maleegana Rabbow siriqda uu laaco
Seexashada hurdada Rabbow sooba kiciwaayo
Saaxiibbadiisiyo Alloow ehelka uu seego

Sannadkaan Ilaahow qabqabo samaha kii diida
Sunta uu walaaqana kumalag sixun Allow qaadka
Soomaaliya Ilaahow ka dhali dawlad lagu seexdo

Cumar Cabdi-Nuur war dheeri ah

Raadi