Wirin Wiir

In ay dunidu wirinwiir tahay oo lagu walaahoobay
Oo tuug waniin ah iyo ninkii qori wataa boobay
Oo balaayo wadartoo xaqiiq dawga laga leexshay
Oo wiishka samadaas ku xiran lagu dul-wareershay
Oo ay beentu weli sooman tahay runina waabaay cad
Iyo inaan anigu waalnahay bal aan is weeydiiyo?
Wacdaraha soomaalida ka dhacay, weyrax iyo buuqe
Waanwaanta laga jiitay iyo nabadda, weydowday
Weegaar beesha iyo tusmada weerarka is jiray
Wadnaha nabarku gaaray ee warmaha lagu daweynayo
Waayeelka taladii arkee waa tan oranaynin
Salaaddaas aan weysada lahayn waa wax ula jeeddo.

In ay dunidu wirinwiir tahay oo lagu walaahoobay Oo tuug waniin ah iyo ninkii qori wataa boobay Oo balaayo wadartoo xaqiiq dawga laga leexshay Oo wiishka samadaas ku xiran lagu dul-wareershay Oo ay beentu weli sooman tahay runina waabaay cad Iyo inaan anigu waalnahay bal aan is weeydiiyo? Wacdaraha soomaalida ka dhacay, weyrax iyo buuqe Waanwaanta laga jiitay iyo nabadda, weydowday Weegaar beesha iyo tusmada weerarka is jiray Wadnaha nabarku gaaray ee warmaha lagu daweynayo Waayeelka taladii arkee waa tan oranaynin Salaaddaas aan weysada lahayn waa wax ula jeeddo.

Raadi