Taleex

Tirtirsiinyo Soomaali waan, looga taag heline
Sayidkii Taleex degey markay, turunturraynaysay
Haddaad maalintii taabacdaan, tani ma joogteene
Anaa kaa tol roon waa waxaad, u taraqi weydeen.

Tawalleeye bani’aadamkii, taag darraan jiraye
Tulud geela awr roorsday baad, isu timaadaane
Toddobaatan alif baa ku lumay, ma i taqaanaaye
Cadaawaa raggii tiirin laa, weydinkii tiraye
Kelidey intaan tebey ka badan, tiriyo dheeraade.

Tiibiidu Soomaalidaay, maaha tiif cudure
Tallaalkeedu waa noloshaan, taabi la’nahaaye
Markaad toban qaddaa baa wadnaha, dhiig ka tegeyaaye
Isticmaarkan tamashlaynayaa, tuubbo loo sudhaye.

Tirtirsiinyo Soomaali waan, looga taag heline Sayidkii Taleex degey markay, turunturraynaysay Haddaad maalintii taabacdaan, tani ma joogteene Anaa kaa tol roon waa waxaad, u taraqi weydeen. Tawalleeye bani’aadamkii, taag darraan jiraye Tulud geela awr roorsday baad, isu timaadaane Toddobaatan alif baa ku lumay, ma i taqaanaaye Cadaawaa raggii tiirin laa, weydinkii tiraye Kelidey intaan tebey ka badan, tiriyo dheeraade. Tiibiidu Soomaalidaay, maaha tiif cudure Tallaalkeedu waa noloshaan, taabi la’nahaaye Markaad toban qaddaa baa wadnaha, dhiig ka tegeyaaye Isticmaarkan tamashlaynayaa, tuubbo loo sudhaye.

Raadi