Taah calan

Calanyahoow tawaawacahayee, boodhka lagu tuuray
Ee taawilkiyo sharaftuu lahaa, lootixgalin waayey
Ee Tuulo tuulo loo kala jartiyo, turunturayntaada
Ee taahiyo xanuunadu barteen, toobinkiyo riixdu
Oo tagoogada lafdheertiyo kajabay, tiirka boowdada
Oo cidna aan kutabataabinayn, si aad ku sootoosto
Oo toban saniyo dheeraad ilmadu, tifiqlo ooyayso
Oo qabqabluhu ku taajiray intaad, adigu taagbeeshay
Oo qaxootiga Turkaaniyo Dhadhaab, taarka lagu meershay
Oo shacabkaagii tawsiyo xumaan, lagu tabaaleeyeey
Oo tumaatida dhexdoodiyo warmaha, laysu tumanaayo
Oo badhkoodna taageerayaan, tahar nimaan gooynin
Oo cudurada talaalmiyo bushigu, gacan togaalaysto
Oo takhtariintii lagalaayiyo, taanigiyo shiikha
Oo aqoonyahankii kuu talinlahaa, laga tolroonaaday
Oo wiiftada ku talantaalisiyo, hoobiyuhu taabto
Oo mooryaan tafaha xaydatiyo, weerku tamashleeyo
Oo tuugada heshiisiyo jiridu, kugu tawaalayso
Oo toban sano midaan gaadhinoo, wali tarbuush yeelan
Oo hooyadu tawaalkay qabtiyo, toobki laga siibin
Oo kufsi lagu tagseegiyo xumaha, looga turihaynin
Oo tafwareenka meeshuu kajiro, laga tixraacaynin
Oo tincadiyo ugaadhiyo dhirtii, xaaluf lagu taagay
Oo laga tirtiray taysaha bixiyo, tolonihii geedka
Oo badihiisa khayrkii tubnaa, cadawgu taabaayo
Oo Taywaan maraakiib katimid, tarankii xaaqayso
Oo tafsiirkiyo quraankuu lahaa, lootixgalin waayey
Oo tusaalaha Rasuulkiyo(SCW) xaqii, laga tilaabsiiyey
Oo gumaystuhu tabtuu doonayiyo, tanaga looyeersho
Oo tiihiyo dhibaatada qabiyo, tuugsigiyo ceebta
Oo aduunyada halkii uu katago, cidi tilmaamaynin
Oo tartankiyo fagaaraha kahadhay, laysku tirirnaayo
Oo Jamaykaan timaha soohdayoo, turuqyo kuuskuusan
Oo hablihiisa tii ugu wacnayd, turub ladheelayso
Marunbaa ilaah kuu tigtigi, taamo iyo khayre
Mar unbaa tabaadoo dhashiyo, teeyo kuu curane
Mar unbay nirgaha kuu tircini, sidigta toolmoone
Oo dhul xareedu taaltaaliyo, togog ku soodaacay
Mar unbaa tigaadiyo nimcada, talaxsan doontaaye
Afartaa tabtaan doonayiyo, tuducyadaydii dheh
Calankeena taahuu qabiyo, suu utabar beelay
Talalkiyo dhibaatada ku timid, taariikh xumadeena
Tiiraanyadaan lajiifiyo wixii, igu tikraarnaa dheh
Afarkalana waan tirinayaa, tabarbarkaygii dheh
Gobolada Togdheer iyo Sanaag, taranka Laascaano
Tubta Awdal toorahaas sariyo, tiigsashada Saylac
Taliskaa Hargaysiyo fadhiya, tunanka Oodwayne
Taabkii Garoowiyo Bariyo, Mudug taraarkeeda
Galgaduud tusmada taala iyo, tan iyo Hiiraanba
Jawhar tabargalkeediyo Muqdisho, toobiyaha hoose
Taaladii Markood iyo Jubbada, tamashlihii Waamo
Tartarada Bu’aaliyo goshiyo, Salagle taagiisa
Teeriga Gadoodiyo Bakool, Baydhabadan taahi
Soomaalidan kalataaganee, tobanba ceel aaday
Ee shisheeyuhu kala tuurayee, tu walba loodiiday
Allahayoow adaa taajiree, meel isugu toosi
Oo nabad lagu tanaadiyo nasii, Dawladnimo taam ah

Calanyahoow tawaawacahayee, boodhka lagu tuuray Ee taawilkiyo sharaftuu lahaa, lootixgalin waayey Ee Tuulo tuulo loo kala jartiyo, turunturayntaada Ee taahiyo xanuunadu barteen, toobinkiyo riixdu Oo tagoogada lafdheertiyo kajabay, tiirka boowdada Oo cidna aan kutabataabinayn, si aad ku sootoosto Oo toban saniyo dheeraad ilmadu, tifiqlo ooyayso Oo qabqabluhu ku taajiray intaad, adigu taagbeeshay Oo qaxootiga Turkaaniyo Dhadhaab, taarka lagu meershay Oo shacabkaagii tawsiyo xumaan, lagu tabaaleeyeey Oo tumaatida dhexdoodiyo warmaha, laysu tumanaayo Oo badhkoodna taageerayaan, tahar nimaan gooynin Oo cudurada talaalmiyo bushigu, gacan togaalaysto Oo takhtariintii lagalaayiyo, taanigiyo shiikha Oo aqoonyahankii kuu talinlahaa, laga tolroonaaday Oo wiiftada ku talantaalisiyo, hoobiyuhu taabto Oo mooryaan tafaha xaydatiyo, weerku tamashleeyo Oo tuugada heshiisiyo jiridu, kugu tawaalayso Oo toban sano midaan gaadhinoo, wali tarbuush yeelan Oo hooyadu tawaalkay qabtiyo, toobki laga siibin Oo kufsi lagu tagseegiyo xumaha, looga turihaynin Oo tafwareenka meeshuu kajiro, laga tixraacaynin Oo tincadiyo ugaadhiyo dhirtii, xaaluf lagu taagay Oo laga tirtiray taysaha bixiyo, tolonihii geedka Oo badihiisa khayrkii tubnaa, cadawgu taabaayo Oo Taywaan maraakiib katimid, tarankii xaaqayso Oo tafsiirkiyo quraankuu lahaa, lootixgalin waayey Oo tusaalaha Rasuulkiyo(SCW) xaqii, laga tilaabsiiyey Oo gumaystuhu tabtuu doonayiyo, tanaga looyeersho Oo tiihiyo dhibaatada qabiyo, tuugsigiyo ceebta Oo aduunyada halkii uu katago, cidi tilmaamaynin Oo tartankiyo fagaaraha kahadhay, laysku tirirnaayo Oo Jamaykaan timaha soohdayoo, turuqyo kuuskuusan Oo hablihiisa tii ugu wacnayd, turub ladheelayso Marunbaa ilaah kuu tigtigi, taamo iyo khayre Mar unbaa tabaadoo dhashiyo, teeyo kuu curane Mar unbay nirgaha kuu tircini, sidigta toolmoone Oo dhul xareedu taaltaaliyo, togog ku soodaacay Mar unbaa tigaadiyo nimcada, talaxsan doontaaye Afartaa tabtaan doonayiyo, tuducyadaydii dheh Calankeena taahuu qabiyo, suu utabar beelay Talalkiyo dhibaatada ku timid, taariikh xumadeena Tiiraanyadaan lajiifiyo wixii, igu tikraarnaa dheh Afarkalana waan tirinayaa, tabarbarkaygii dheh Gobolada Togdheer iyo Sanaag, taranka Laascaano Tubta Awdal toorahaas sariyo, tiigsashada Saylac Taliskaa Hargaysiyo fadhiya, tunanka Oodwayne Taabkii Garoowiyo Bariyo, Mudug taraarkeeda Galgaduud tusmada taala iyo, tan iyo Hiiraanba Jawhar tabargalkeediyo Muqdisho, toobiyaha hoose Taaladii Markood iyo Jubbada, tamashlihii Waamo Tartarada Bu’aaliyo goshiyo, Salagle taagiisa Teeriga Gadoodiyo Bakool, Baydhabadan taahi Soomaalidan kalataaganee, tobanba ceel aaday Ee shisheeyuhu kala tuurayee, tu walba loodiiday Allahayoow adaa taajiree, meel isugu toosi Oo nabad lagu tanaadiyo nasii, Dawladnimo taam ah

Raadi