Suugaanta

Suugaanta Gabay maalintaan sadar ka sheegaayo
Weligey ma saranseeriyee waan susumiyaaye
Soofaha lab-baan kaga jaraa saxalka baallaaye
Anigoo siyaakhadiyey bay sare u qaadaane
Markaasay safruhu ula kacaan sabo Mareexaane
An sifeeyo maantana tixdaan saaxi u abbaaro
Si alliyo faduul baan ku imi sabadan xeebeede
Weligayba saar iima qaban suudhan Doonyaha'e
Senge dhabarki saymiyo colbaan saami ku lahaaye
Sir iyo caad samaan iyo xumaan waxan sameeyaaba
Anba waan ka soo saari jirey saymo kii galaye
Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo
Siyaaxey haddii lala tago ooy siigo kor u duusho
Halkii fuluhu seeraari jirey saajacnimadayda
suryadaan ka soo laaban jirey surinki yaystaagi
Geelaan silsiladda u ahaa sodihi yaa daajin
Dhalinyarada suudhada qabtaan soo sasabayaaye?
Saxal iyo mariiq baan ahoo waan u suuldhabi'e
Raggaan anigu seeteyn iqiin xadhigi yaw soohi
Haddii uu sokeeyuhu is dilo waa surdubo jaane
Gartaan qolo ku suuldaari jirey nimanki yaa saari
shir la seemay, khayliga la simay saaddanbiyo geedka
siraadkiyo bilbilahaan lahaa sare ayaw qaadi
Suldaankiyo cuqaashii miyaan sixin khabaarkayga
Isagaase xaajada sirgaxan saabadayn jiraye
Saaxiibkey Maxamuud miyaa seegay marinkiisa
Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo
Mar haddaanse sahal lay furayn sabab la ii waaye
Soodaan madow hayga dhigo soonka dabadeede
Mase sed yara salaaddiyo intaan saxayo Tawxiide
Saaqayga ii keen Cabdoow samir allaa dhow'e

Suugaanta Gabay maalintaan sadar ka sheegaayo Weligey ma saranseeriyee waan susumiyaaye Soofaha lab-baan kaga jaraa saxalka baallaaye Anigoo siyaakhadiyey bay sare u qaadaane Markaasay safruhu ula kacaan sabo Mareexaane An sifeeyo maantana tixdaan saaxi u abbaaro Si alliyo faduul baan ku imi sabadan xeebeede Weligayba saar iima qaban suudhan Doonyaha'e Senge dhabarki saymiyo colbaan saami ku lahaaye Sir iyo caad samaan iyo xumaan waxan sameeyaaba Anba waan ka soo saari jirey saymo kii galaye Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo Siyaaxey haddii lala tago ooy siigo kor u duusho Halkii fuluhu seeraari jirey saajacnimadayda suryadaan ka soo laaban jirey surinki yaystaagi Geelaan silsiladda u ahaa sodihi yaa daajin Dhalinyarada suudhada qabtaan soo sasabayaaye? Saxal iyo mariiq baan ahoo waan u suuldhabi'e Raggaan anigu seeteyn iqiin xadhigi yaw soohi Haddii uu sokeeyuhu is dilo waa surdubo jaane Gartaan qolo ku suuldaari jirey nimanki yaa saari shir la seemay, khayliga la simay saaddanbiyo geedka siraadkiyo bilbilahaan lahaa sare ayaw qaadi Suldaankiyo cuqaashii miyaan sixin khabaarkayga Isagaase xaajada sirgaxan saabadayn jiraye Saaxiibkey Maxamuud miyaa seegay marinkiisa Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo Mar haddaanse sahal lay furayn sabab la ii waaye Soodaan madow hayga dhigo soonka dabadeede Mase sed yara salaaddiyo intaan saxayo Tawxiide Saaqayga ii keen Cabdoow samir allaa dhow'e

Raadi