Sinnaan

Dubbadow nin maansood i yidhi wuu i moog yahaye
Way iga madoobayd halkiyo maalintii Sirawe
Mijo-Gooye siduu noogu dhacay maagistii dhigaye
Murti iyo adaan kugu ogaa miigganaan hadale
Iga maqal middaan xalay la kacay ama la muusooday
Hadba waxa mudh soo odhan adduun hal aynu moogeyne
Maantana maxay noqon sidii Maxamed loo yaabye
Hadday muruqa geeduhu go’aan mileyga Jiilaalka
Mahwiga ceel haddii loo kacoo maalku ku arooro
Mataan waa ka qaybsada tolkii midho wadaagaaye
Malgabyana haddaan layga siin maax la dhuranaayo
Inaan malab rag kale loo shushubi wax uga miideeyo
Meeshana an taagnahay anoon muradna leefeynin
Oo maydhaxaan igu xidhneyn maylimada qaato
Oon waliba mood iyo salaan ula maleegnaado
Saddex magac Allee xaajadaa layma marinsiiyo
Sidii koran xiniinyaha la mudey uma mareeg qaato
Ninkii midho yar baa lagu dagaa yaan la ii muhannin
Hadday sado macaan tahay ninkii maamiyaa cuna’e
Nin mud-muday dharkayn hoosna maray murux inshaalleeye
Miyir waxaad ku weydaan iswaal kuma mahiibtaane
Muslin kuma cabiidsamo walloon madaxa kaa goyne
Muggii weel ma dhaafee Allow mooska yaan jabinin
Masaw aabbahay iyo intaan Magan ka soo gaadhey
Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi
Maso inaannu nahay oo tolnimo meerto noo tahaye
Aan weliba kaga miil caddahay miidhse diiddaniye
Masalaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo
Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho

Dubbadow nin maansood i yidhi wuu i moog yahaye Way iga madoobayd halkiyo maalintii Sirawe Mijo-Gooye siduu noogu dhacay maagistii dhigaye Murti iyo adaan kugu ogaa miigganaan hadale Iga maqal middaan xalay la kacay ama la muusooday Hadba waxa mudh soo odhan adduun hal aynu moogeyne Maantana maxay noqon sidii Maxamed loo yaabye Hadday muruqa geeduhu go’aan mileyga Jiilaalka Mahwiga ceel haddii loo kacoo maalku ku arooro Mataan waa ka qaybsada tolkii midho wadaagaaye Malgabyana haddaan layga siin maax la dhuranaayo Inaan malab rag kale loo shushubi wax uga miideeyo Meeshana an taagnahay anoon muradna leefeynin Oo maydhaxaan igu xidhneyn maylimada qaato Oon waliba mood iyo salaan ula maleegnaado Saddex magac Allee xaajadaa layma marinsiiyo Sidii koran xiniinyaha la mudey uma mareeg qaato Ninkii midho yar baa lagu dagaa yaan la ii muhannin Hadday sado macaan tahay ninkii maamiyaa cuna’e Nin mud-muday dharkayn hoosna maray murux inshaalleeye Miyir waxaad ku weydaan iswaal kuma mahiibtaane Muslin kuma cabiidsamo walloon madaxa kaa goyne Muggii weel ma dhaafee Allow mooska yaan jabinin Masaw aabbahay iyo intaan Magan ka soo gaadhey Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi Maso inaannu nahay oo tolnimo meerto noo tahaye Aan weliba kaga miil caddahay miidhse diiddaniye Masalaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho

Raadi