Saafi

Ismaaciil Saciidow ma tirin, aalladdii gabaye
Meeshiyo sidaad ii ogayd, aabo kama hayne
Afkaygii waxaan uga ceshaday, uurku taallada’ e

Adigu iyo Khaliif maansadii, or uma qaadaane
Aw-Jaamac iyo Geelle way, aga maraayaane
Cabdi-foolxun waa kaa askumay, toban ayaamoode
Nimankii isyaanada ahaa, eray ma sheegaane
Aqli baad lahaydeen haddaad, edeb samaateene

Erey waxaan ka idhi xaajo aan, oday ka sheekeynin
Erey kalana waa xaajadii, lala ilmeynaayey
Erey kalana waa Eebahay, midaan ka eegaayo

Erey waxaan ka idhi xaajo aan, oday ka sheekeynin
Iyadoo irmaankiyo lo’diyo, adhigu guulaayo
Iyadoo asqaran beeshu tahay, adhaxda jiilaalka
Waligood sidii loo askumay, Aadan iyo Xaawo
Ebid waxaan la arag ceelkan oo, la iska oodaaye

Erey kalana waa Xaajadii, lala ilmeynaayey
Geelleena ooddiyo dilkiyo, uli ma gaadheene
Biyihii Aloosane ku jirey, lagama oodeene
Afkaygoon arwaax kale lahayn, ugama oomeene
Isaaq maganti kuma dhaansadeen, toban ayaamoode
Ingiriis ma yeeline kuwii, na ublikeynaayey
Labadeena oday baa ahayd, ab u collowgaase
Arxan horaba noogama dhaxayn, aniyo Iidoore
Naga aarte nimankii garbaha, iinta ku lahaaye

Erey kalana waa Eebahay, midaan ka eegaayo
Illaahiyo asmada diinta iyo, udubka Jiilaani
Awbaahilaabiyo intaan, ehel wadaageynay
Awliyo dhammaanteed waxaan, u Alla dhaawoodey
Haddaan amarka Eebbaa hayee, nalagu soo oodin
Nabsi aan kollaba oolin waa, la arki doonaaye

Ismaaciil Saciidow ma tirin, aalladdii gabaye Meeshiyo sidaad ii ogayd, aabo kama hayne Afkaygii waxaan uga ceshaday, uurku taallada’ e Adigu iyo Khaliif maansadii, or uma qaadaane Aw-Jaamac iyo Geelle way, aga maraayaane Cabdi-foolxun waa kaa askumay, toban ayaamoode Nimankii isyaanada ahaa, eray ma sheegaane Aqli baad lahaydeen haddaad, edeb samaateene Erey waxaan ka idhi xaajo aan, oday ka sheekeynin Erey kalana waa xaajadii, lala ilmeynaayey Erey kalana waa Eebahay, midaan ka eegaayo Erey waxaan ka idhi xaajo aan, oday ka sheekeynin Iyadoo irmaankiyo lo’diyo, adhigu guulaayo Iyadoo asqaran beeshu tahay, adhaxda jiilaalka Waligood sidii loo askumay, Aadan iyo Xaawo Ebid waxaan la arag ceelkan oo, la iska oodaaye Erey kalana waa Xaajadii, lala ilmeynaayey Geelleena ooddiyo dilkiyo, uli ma gaadheene Biyihii Aloosane ku jirey, lagama oodeene Afkaygoon arwaax kale lahayn, ugama oomeene Isaaq maganti kuma dhaansadeen, toban ayaamoode Ingiriis ma yeeline kuwii, na ublikeynaayey Labadeena oday baa ahayd, ab u collowgaase Arxan horaba noogama dhaxayn, aniyo Iidoore Naga aarte nimankii garbaha, iinta ku lahaaye Erey kalana waa Eebahay, midaan ka eegaayo Illaahiyo asmada diinta iyo, udubka Jiilaani Awbaahilaabiyo intaan, ehel wadaageynay Awliyo dhammaanteed waxaan, u Alla dhaawoodey Haddaan amarka Eebbaa hayee, nalagu soo oodin Nabsi aan kollaba oolin waa, la arki doonaaye

Raadi