Qariya Laabtiina

Hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo
Ama qurux la daawado mar uun aadmi ku qancaayo
Hablayahow Khadraba soo arkiyo qaararkii Hodane
Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanjo naagoode
Ha yeeshee qaraan baa igu galay qalay naftaydiiye
Idinkuna halkii qoomanayd yaad i qabateene
Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siisiine
Bal qiyaasa waa taan qandahaday qamaray owgiine
Qallaxyaha gacmaha iyo junuhu way qarraqayaane
Qosolkaa yaryari waa waxaa nagu qaldaysaane
Inaan eebahay idin qatalin qariya laabtiina.

Hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo Ama qurux la daawado mar uun aadmi ku qancaayo Hablayahow Khadraba soo arkiyo qaararkii Hodane Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanjo naagoode Ha yeeshee qaraan baa igu galay qalay naftaydiiye Idinkuna halkii qoomanayd yaad i qabateene Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siisiine Bal qiyaasa waa taan qandahaday qamaray owgiine Qallaxyaha gacmaha iyo junuhu way qarraqayaane Qosolkaa yaryari waa waxaa nagu qaldaysaane Inaan eebahay idin qatalin qariya laabtiina.

Raadi