Qabyo

Indhaweydba qaadkiisa gabay, qaadi ma lahayne
Wax waliba qisuu leeyihiyo, qir iyo maamuuse
Qawaaniinta maansaduna waa, qalad la’aan sheege
Halkaan xarafku kuu qabanba waa, laga qandoodshaaye
Maansada qaraamiga yar-yar ee, qayliyaa dilaye.

Qarka Orobba qaaliga Faraans, qoorriyada Maarsi
Quruxdii Almaan iyo dhulkii, Muuse laga qaaday
Qalcadii burburiyo reerahay, qadaye yeedheysey
Ninna lama qasbine waa qasdiyey, iney qasaaraane.

Wuxuu qalinku meeraba markii, laysu wada qaatay
Qabbaa rag isu geeyaye markay, qaraxday baaruuddu
Taangiga qafilan maalintuu, qaatay minawaarku
Qalladdii Jabbaan lagu dhuftay uu, qoob la rogi waayay
Qunbulooyinkii oo kalaan, maanta qubayaaye
Haddaad qaban karaysaan araar, qaaliyaan tirine.

Dawladahan laga qayliyee, qaaq wax kaga siiyey
Nin waliba maruu qaadan jirey, qaanso iyo leebe
Qarfo iyo mar buu seexan jirey, qalanqal hoosteede
Ha yeeshee quluub wada jirtaa, qaniya shiikhoowe.

Qalalaase meel lagu lumiyo, qaylo iyo oohin
Qorraxdii dhacdaba teennu way, kala qaxaysaaye
Qodob la ridey qudhaanjada gashaa, qoob dad wow halise
Hadduu geed qallalo roobku wow, qamac kaliileede
Dixriga qudhunku uma soo uree, wuuba quudsadaye
Qabaa’il iyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay
Qasdi jeerey wada yeelatoo, qawlka ku heshiiso
Qabyo weeye Soomaalidaay, qiiradaadaniye!

Nin qalbi la’ Quraan kii u akhriyey, “Qaaf“ dheh ku harraadye
Kutubaa sidii lagu qarridhay, qiil la’ Aakhiro’e
Qayrkii ka hadhe waa ninkii, qalay walaalkiiye.

Indhaweydba qaadkiisa gabay, qaadi ma lahayne Wax waliba qisuu leeyihiyo, qir iyo maamuuse Qawaaniinta maansaduna waa, qalad la’aan sheege Halkaan xarafku kuu qabanba waa, laga qandoodshaaye Maansada qaraamiga yar-yar ee, qayliyaa dilaye. Qarka Orobba qaaliga Faraans, qoorriyada Maarsi Quruxdii Almaan iyo dhulkii, Muuse laga qaaday Qalcadii burburiyo reerahay, qadaye yeedheysey Ninna lama qasbine waa qasdiyey, iney qasaaraane. Wuxuu qalinku meeraba markii, laysu wada qaatay Qabbaa rag isu geeyaye markay, qaraxday baaruuddu Taangiga qafilan maalintuu, qaatay minawaarku Qalladdii Jabbaan lagu dhuftay uu, qoob la rogi waayay Qunbulooyinkii oo kalaan, maanta qubayaaye Haddaad qaban karaysaan araar, qaaliyaan tirine. Dawladahan laga qayliyee, qaaq wax kaga siiyey Nin waliba maruu qaadan jirey, qaanso iyo leebe Qarfo iyo mar buu seexan jirey, qalanqal hoosteede Ha yeeshee quluub wada jirtaa, qaniya shiikhoowe. Qalalaase meel lagu lumiyo, qaylo iyo oohin Qorraxdii dhacdaba teennu way, kala qaxaysaaye Qodob la ridey qudhaanjada gashaa, qoob dad wow halise Hadduu geed qallalo roobku wow, qamac kaliileede Dixriga qudhunku uma soo uree, wuuba quudsadaye Qabaa’il iyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay Qasdi jeerey wada yeelatoo, qawlka ku heshiiso Qabyo weeye Soomaalidaay, qiiradaadaniye! Nin qalbi la’ Quraan kii u akhriyey, “Qaaf“ dheh ku harraadye Kutubaa sidii lagu qarridhay, qiil la’ Aakhiro’e Qayrkii ka hadhe waa ninkii, qalay walaalkiiye.

Raadi