Qaali

Mar unbaad qaxootiga ka bixi, Qaaliyey bariyo
Qiso iyo mar unbuu ahaan, qiiq ku soo maraye
Mar unbaad dhulkaad qaayibtoo, qowle tagaysaaye
Qabri Dahare mar unbaad xarago, qoorta lulaysaaye
Dhagaxbuur qabkaagiyo marbaad, qul u hagoognaane
Qardadii Shilaabood marbaad, qurux la laafyoone
Marbaad qooro doogliyo marmari, qadowgii Doolloode
Qabyo kabad ah iyo raar marbaad, maydhaxda u qoyne
Qaranriyo marbaad diiraysaa, Qudhac mulaaxdiiye
Qawdheere baarliyo marbaad, caws qansaxa goyne
Qolqoliyo marbaad dhigi qalwiyo, waxaro qoolkoode
Qar-rog iyo marbaad culanaysaa, qabayo caanoode
Qotan iyo karuuriyo marbaad, qabow shubaysaaye
Qabbiriyo marbaad rarayga dhacay, qoofal sudhaysaaye
Qalabdhabad marbay kugu ag mari, awro qooqaniye
Marbaad qaalimiyo soo celcelin, qaankey didiyeene
Qamuunyada marbaad daynaysaa, qoontay dibintiiye
Qalbiga iyo dhoolaha marbaad, ka qosli doontaaye
Qiiriyo marbay farax ilmadu, kaaga soo qubane
Quwadahaad hardamaysaan marbaa, danni qasbaysaaye
Qaran culus marbuu noqon tolkaa, qoraya taariikhe
Qoonkii ku iibshiyo marbuu, qaban dillaaliine
Qorshaa lagu magaalayn dhakhsaba, howd qorfo ahaaye
Qarri-juqood tareen qiiqayoo, qalalaxlaa mariye
Qalaafo iyo Iimeey warshado, yaa ka qow dhabiye
Qarash culus ayaa laammiyada, loo qarirayaaye
Qandaraasyo waaweyn ayey, qaadan gaaladuye
Buuraha qandoodey ku jabin, qac iyo baaruude
Qawyada mashiin cuna ayaa, lugu qodaayaaye
Qodban doostar leexshiyo jidbaa, qululsanaan meelle
Quustay libaaxyadu u didi, qararka Suudaane
Baabuur ayaa Nogob qulquli, qaarba cayn yahaye
Jet qaraaxadliyo power ayaa, qadhadhacleyn Faafe
Qunyar bay kusoo dagi bannaano, uga qaybnaaye
Qarqarada Bullaaley ka bixi, qariyo liimoone
Waxaa qamandi laga beerayaa, jeexa Qulunquule
Qaarado fog baa lagaga gadi, qiimo saa’id e
Qarbi iyo Baraa soo shixnadi, qalabkay saanteene
Qadar iyo Kuweyt waxaa ka iman, duul qamiisyo leh
Waxa warriye qalas laynayaad, yaab la quduroone
Adoo qooxan oo sabar yar, oo waxaan la quudhayn ah
Qiyaas socod talaabada adoo, qabac ka siinaaya
Qalqaaladiyo howlaha dhismaha, yaad ka qeyb galiye
Dowlado qalaad baad af-baran, waadna qalo goyne
Adigoo dalxiis u qasdayaad, Qaahira u kiciye
Quraacbaad ka cunaysaa Baraag, qadana Baariise (Prague iyo Paris)
Qumaneey quruumaa ku dumay, qaanta kaa maqane
Qubuuraha waxow galay dartaa, qoomam fara weyne
Ragbaa kuu qisaasane yaree, qurubka laabtaada

Mar unbaad qaxootiga ka bixi, Qaaliyey bariyo Qiso iyo mar unbuu ahaan, qiiq ku soo maraye Mar unbaad dhulkaad qaayibtoo, qowle tagaysaaye Qabri Dahare mar unbaad xarago, qoorta lulaysaaye Dhagaxbuur qabkaagiyo marbaad, qul u hagoognaane Qardadii Shilaabood marbaad, qurux la laafyoone Marbaad qooro doogliyo marmari, qadowgii Doolloode Qabyo kabad ah iyo raar marbaad, maydhaxda u qoyne Qaranriyo marbaad diiraysaa, Qudhac mulaaxdiiye Qawdheere baarliyo marbaad, caws qansaxa goyne Qolqoliyo marbaad dhigi qalwiyo, waxaro qoolkoode Qar-rog iyo marbaad culanaysaa, qabayo caanoode Qotan iyo karuuriyo marbaad, qabow shubaysaaye Qabbiriyo marbaad rarayga dhacay, qoofal sudhaysaaye Qalabdhabad marbay kugu ag mari, awro qooqaniye Marbaad qaalimiyo soo celcelin, qaankey didiyeene Qamuunyada marbaad daynaysaa, qoontay dibintiiye Qalbiga iyo dhoolaha marbaad, ka qosli doontaaye Qiiriyo marbay farax ilmadu, kaaga soo qubane Quwadahaad hardamaysaan marbaa, danni qasbaysaaye Qaran culus marbuu noqon tolkaa, qoraya taariikhe Qoonkii ku iibshiyo marbuu, qaban dillaaliine Qorshaa lagu magaalayn dhakhsaba, howd qorfo ahaaye Qarri-juqood tareen qiiqayoo, qalalaxlaa mariye Qalaafo iyo Iimeey warshado, yaa ka qow dhabiye Qarash culus ayaa laammiyada, loo qarirayaaye Qandaraasyo waaweyn ayey, qaadan gaaladuye Buuraha qandoodey ku jabin, qac iyo baaruude Qawyada mashiin cuna ayaa, lugu qodaayaaye Qodban doostar leexshiyo jidbaa, qululsanaan meelle Quustay libaaxyadu u didi, qararka Suudaane Baabuur ayaa Nogob qulquli, qaarba cayn yahaye Jet qaraaxadliyo power ayaa, qadhadhacleyn Faafe Qunyar bay kusoo dagi bannaano, uga qaybnaaye Qarqarada Bullaaley ka bixi, qariyo liimoone Waxaa qamandi laga beerayaa, jeexa Qulunquule Qaarado fog baa lagaga gadi, qiimo saa’id e Qarbi iyo Baraa soo shixnadi, qalabkay saanteene Qadar iyo Kuweyt waxaa ka iman, duul qamiisyo leh Waxa warriye qalas laynayaad, yaab la quduroone Adoo qooxan oo sabar yar, oo waxaan la quudhayn ah Qiyaas socod talaabada adoo, qabac ka siinaaya Qalqaaladiyo howlaha dhismaha, yaad ka qeyb galiye Dowlado qalaad baad af-baran, waadna qalo goyne Adigoo dalxiis u qasdayaad, Qaahira u kiciye Quraacbaad ka cunaysaa Baraag, qadana Baariise (Prague iyo Paris) Qumaneey quruumaa ku dumay, qaanta kaa maqane Qubuuraha waxow galay dartaa, qoomam fara weyne Ragbaa kuu qisaasane yaree, qurubka laabtaada
Share on facebook
Share on twitter
Share on print
Share on email

Raadi