Qaadka

Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh
Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh
Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh
Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh
Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
Qureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa leh
Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh
Dhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh
Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon qaadow adigaa leh
Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh
Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh
Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh
Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh
Qaamuuska waxa cay ku qoran qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh
Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shilqoran qaadow adigaa leh
Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh
Qofka daa'imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh
Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh
Qaadicu salaadnimo asala qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay

Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh Qardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa leh Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh Qureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa leh Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh Dhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon qaadow adigaa leh Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh Qaamuuska waxa cay ku qoran qaadow adigaa leh Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh Deg deg loo qasaariyo shilqoran qaadow adigaa leh Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh Qofka daa'imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh Qaadicu salaadnimo asala qaadow adigaa leh Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay

Raadi