Murti

Dubbadoow nin maansood i yidhi, waa i moog yahaye
Waa iga madoobayd tan iyo, maalintii Sirow e
Minjogooye siduu noogu dhacay, maadis bay galaye

Murti iyo adaan kugu ogaa, miigganaan gabay e
Ha yeeshee haddaan maago hadal, waan mitimiyaaye
Iga maqal hal aan xalay mir kacay, ama la muusooday

Waa kii shir laynagu makalay, madaqsigii jaane
Hadba waxaa mudh soo odhan adduun, mid aan la eegayne
Maantana maxay noqon sidii, Maxamed loo yaabye

Middan kalena waa wiilashaan, maanka laga qaaday
Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e
Nin mudmuday dharkayn hoosna maray, mudhuxyey shaaleeye
Miyir waxaad ku waydaan iswaal, kuma mihiibtaane
Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne
Muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinnin

Middan kalena waa aniga iyo, mid iska sheeggayga
Inaan malab rag kale loo shushubi, wax uga miideeyo
Magowshaha haddaan layga siin, maax la dhuranaayo
Oon meesha taagnahay anoon, murudna leefaynin
Oon maydhax aan igu xidhnayn, maylimo u haysto
Oon waliba mood iyo salaan, ugu maleegnaado
Saddex magac Allee xaajadaa, layma maransiiyo

Haddiise doogga muruqiisu go'o, milayga jiilaalka
Mawiga ceel haddii loo kacoo, maalku ku arooro
Waw miila-qayb niman hadday, magac wadaagaane

Masoow aabbahay iyo waxaan, Magan kasoo gaadhay
Rag waxaan ku maamuli aqaan, amaan ku maamuusi
Masaa in aanu nahay ooy tolnimo, meerto noo tahaye
Oon waliba kaga miil caddahay, miidhse diiddaniye

Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo
Kii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho
Inuu aabihii Madar yahuu, muuno ku lahaaye
Muska Ina-Afeey galay arlada, kama miciin moodo
Sidii koran xiniiyaha la muday, uma maluugnaado

Dubbadoow nin maansood i yidhi, waa i moog yahaye Waa iga madoobayd tan iyo, maalintii Sirow e Minjogooye siduu noogu dhacay, maadis bay galaye Murti iyo adaan kugu ogaa, miigganaan gabay e Ha yeeshee haddaan maago hadal, waan mitimiyaaye Iga maqal hal aan xalay mir kacay, ama la muusooday Waa kii shir laynagu makalay, madaqsigii jaane Hadba waxaa mudh soo odhan adduun, mid aan la eegayne Maantana maxay noqon sidii, Maxamed loo yaabye Middan kalena waa wiilashaan, maanka laga qaaday Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e Nin mudmuday dharkayn hoosna maray, mudhuxyey shaaleeye Miyir waxaad ku waydaan iswaal, kuma mihiibtaane Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne Muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinnin Middan kalena waa aniga iyo, mid iska sheeggayga Inaan malab rag kale loo shushubi, wax uga miideeyo Magowshaha haddaan layga siin, maax la dhuranaayo Oon meesha taagnahay anoon, murudna leefaynin Oon maydhax aan igu xidhnayn, maylimo u haysto Oon waliba mood iyo salaan, ugu maleegnaado Saddex magac Allee xaajadaa, layma maransiiyo Haddiise doogga muruqiisu go'o, milayga jiilaalka Mawiga ceel haddii loo kacoo, maalku ku arooro Waw miila-qayb niman hadday, magac wadaagaane Masoow aabbahay iyo waxaan, Magan kasoo gaadhay Rag waxaan ku maamuli aqaan, amaan ku maamuusi Masaa in aanu nahay ooy tolnimo, meerto noo tahaye Oon waliba kaga miil caddahay, miidhse diiddaniye Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo Kii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho Inuu aabihii Madar yahuu, muuno ku lahaaye Muska Ina-Afeey galay arlada, kama miciin moodo Sidii koran xiniiyaha la muday, uma maluugnaado

Raadi