Mitid Fara Yar

Marka hore ma maagee dadkaan wada murwaadaaye
Marse hadday macaan iyo tollimo muuno kala waydo
Ay murugto xaajadu nimaan maarsan baan ahaye
Maadhiinka goortaan cuskado fule madhoodhowye
Muuqayga goortuu arkuu madaxa laabaaye
Miyirkayga anigoo qabaan magane toogtaaye
Anigoo makalay buu tukuhu muruqyo goostaaye
Halkaasaan maryaha kaga furtaa miilo-gaabyada’e
Minawaar shixnadan oo dagaal lagu malaynaayo
Madaafiicda oo loo calaqoo macallinkii joogo
Mid yar oo muquuraaya baa meel ka dhaawaca’e
Mawjaduhu markaasay liqaan mood wuxuu sidaye
Maroodiga mas laayaana baa maaga oo dila e
Miciyaha libaaxba halyey wow mashxaradaaye
Midh kabriidi meel lagu qabtuu murux ka yeelaaye
Mitid fara yar midhihii bataa kama macaashaane
Kol hadday mishiinnadu qarxaan mawdka loo simane
Ismaroorintaa Reer Wacays mahadin maayaane

Marka hore ma maagee dadkaan wada murwaadaaye Marse hadday macaan iyo tollimo muuno kala waydo Ay murugto xaajadu nimaan maarsan baan ahaye Maadhiinka goortaan cuskado fule madhoodhowye Muuqayga goortuu arkuu madaxa laabaaye Miyirkayga anigoo qabaan magane toogtaaye Anigoo makalay buu tukuhu muruqyo goostaaye Halkaasaan maryaha kaga furtaa miilo-gaabyada’e Minawaar shixnadan oo dagaal lagu malaynaayo Madaafiicda oo loo calaqoo macallinkii joogo Mid yar oo muquuraaya baa meel ka dhaawaca’e Mawjaduhu markaasay liqaan mood wuxuu sidaye Maroodiga mas laayaana baa maaga oo dila e Miciyaha libaaxba halyey wow mashxaradaaye Midh kabriidi meel lagu qabtuu murux ka yeelaaye Mitid fara yar midhihii bataa kama macaashaane Kol hadday mishiinnadu qarxaan mawdka loo simane Ismaroorintaa Reer Wacays mahadin maayaane

Raadi