Madax Goodir

Mar aan gaban ahaa beri
Galab aan adoogay
Geed uu fadhiyi jirey
Sheeko kooban kaga guray,
Wuxuu yidhi: "guyaal hore
Boqor geesalaa jirey
Oo goostay weligii
Inaan iinta lagu garan.
Fule waa geddiisoo
Wuxuu goorba hubiyoo
Gedfo oo cimaamado,
Nin gaaraa sirtii helay
Godob buuse taransaday
Garashadu u sabab tahay
Qof gafaana laga dhigay,
Hadduu gaabsan waayana
Inuu gowrac jiro maqal.
Hadba giirka loo kici
Goldalooladuu helay
Inay gudubto loo diid.
Isna waa gartiisee
Liqi waa gasiinkii
War guntamay la foolqaad
Hadba gaadhka meel dhigay
Dadka uurka googo'ay
Isna garay ka wada qari,
Kuna oloshey gogoshii."
"Goobyaalka layliga
Kolkay gama' is waayeen
Gelin dhexe rugtiisiyo
Gurigii ka soo bood,
Gudcur beegsey duurkiyo
Gelliyada dugaagga leh
Mugdigii galaydhkiyo
Garanuugta kala didi,
Gocoshiyo xasuus iyo
Kalgacayl sabooleed
Gaashaan ka sii dhigay."
"Wuxuu gebidhacleeyaba
Kolkii waagu galac yidhi
Geed hoostii faadhfaadh
Sidii bahal god dheer qoday,
Dabadeed gafuurkiyo
Gadhka ciidda saaryoo
La faq goofkii keligii
Dulucdiina gaadhsii,
‘Inuu boqorka Goojaa
Madax goodir leeyahay'."
"Hadda iga ma goyside
Waxaad iga guraysaa,
Sheeko beri la ii galay.
Geeskii warkiisii
Kii cabudhay kolkii ganay
Garbihiisa laga duul
Gebigii fudayd noqoy
Goobtiina aasyoo
Ka hurgufay go'iisii
Galbay oo ka sii socoy."
"Ka gadaalna meeshii
Laye ‘goortii roob helay,
Geesaa ka soo baxay.'"

Mar aan gaban ahaa beri Galab aan adoogay Geed uu fadhiyi jirey Sheeko kooban kaga guray, Wuxuu yidhi: "guyaal hore Boqor geesalaa jirey Oo goostay weligii Inaan iinta lagu garan. Fule waa geddiisoo Wuxuu goorba hubiyoo Gedfo oo cimaamado, Nin gaaraa sirtii helay Godob buuse taransaday Garashadu u sabab tahay Qof gafaana laga dhigay, Hadduu gaabsan waayana Inuu gowrac jiro maqal. Hadba giirka loo kici Goldalooladuu helay Inay gudubto loo diid. Isna waa gartiisee Liqi waa gasiinkii War guntamay la foolqaad Hadba gaadhka meel dhigay Dadka uurka googo'ay Isna garay ka wada qari, Kuna oloshey gogoshii." "Goobyaalka layliga Kolkay gama' is waayeen Gelin dhexe rugtiisiyo Gurigii ka soo bood, Gudcur beegsey duurkiyo Gelliyada dugaagga leh Mugdigii galaydhkiyo Garanuugta kala didi, Gocoshiyo xasuus iyo Kalgacayl sabooleed Gaashaan ka sii dhigay." "Wuxuu gebidhacleeyaba Kolkii waagu galac yidhi Geed hoostii faadhfaadh Sidii bahal god dheer qoday, Dabadeed gafuurkiyo Gadhka ciidda saaryoo La faq goofkii keligii Dulucdiina gaadhsii, ‘Inuu boqorka Goojaa Madax goodir leeyahay'." "Hadda iga ma goyside Waxaad iga guraysaa, Sheeko beri la ii galay. Geeskii warkiisii Kii cabudhay kolkii ganay Garbihiisa laga duul Gebigii fudayd noqoy Goobtiina aasyoo Ka hurgufay go'iisii Galbay oo ka sii socoy." "Ka gadaalna meeshii Laye ‘goortii roob helay, Geesaa ka soo baxay.'"
Share on facebook
Share on twitter
Share on print
Share on email

Raadi