Liibaanta

Liibaanta iyo hooggu waa, labada maalmoode
Lurka iyo nacfigu waa, laydha galabbeede
Adoo xalayta laday caawa, waad laba lagdaysaaye
Nin sariir ku laameedhsadaa, liicid wow halise

Waa wuxuu Fircoon ugu lugo’ay, laantii uu koraye
Nabi Muxamed kii laga fadilay, waa la oofsadaye
Lixdan iyo markuu saa’id jiray, lagama laabteene
Labood buu dhalaa sicii nin, lihi ka seexdaaye
Laantaad hortii waabataa, laamadoodsi lehe
Nin yaraan ku loofaray wuxuu, lumiyay raacdeeye

Liibaanta iyo hooggu waa, labada maalmoode Lurka iyo nacfigu waa, laydha galabbeede Adoo xalayta laday caawa, waad laba lagdaysaaye Nin sariir ku laameedhsadaa, liicid wow halise Waa wuxuu Fircoon ugu lugo’ay, laantii uu koraye Nabi Muxamed kii laga fadilay, waa la oofsadaye Lixdan iyo markuu saa’id jiray, lagama laabteene Labood buu dhalaa sicii nin, lihi ka seexdaaye Laantaad hortii waabataa, laamadoodsi lehe Nin yaraan ku loofaray wuxuu, lumiyay raacdeeye

Raadi