Ishii Quruxda ka Dheregtey

Gugu waa Ballaadhane,
Meeshu waa ballida Hawd
Burco meel galbeed ka ah,
Bancawl geeddi iyo laba
Bogox looga sii kaco
Bidixna loo janjeedhsado.

Barni weeye gabadhuna
Ma badnoo da'deeduna
Tobankii u buuxsamay
Toddobadi ku biirtiyo
Bilo raacay weeyaan.
Waa bilan tagoog dheer
Bilicsanoo la jecelyahay.

Deegaanku bari xalay;
Billowgii horreetaba
Idahaa baraarugay
Una baaqay naylaha,
Barni way maqleysoo
Waabberi bay toostoo
Bisinkiyo baryo Alley
Ku balleeysay subaxoo.

Baftadeedi xidhatoo
Beerkey ku laashoo
Ma laallaadin boqorkii
Waxay hawl ku baahdaba,
Haddan oo barqa ah dheer
Barni waxay dhex joogtaa
Bulshaweynta dooxada,
Halka rahu ka bu'ayoo
Buuqa isku darayoo
Shimbiruhu bulxamayaan
Biyo muguca weeyaan,
Adhyii oo barqaday baa
Berrimada is wada wadhay
Oo dharag bastood la ah,
Lo'dii baa bannaaxiyi,
Fardo baydda togayaa
Baarkiyo qanaantiyo
Bulkiyo saynta wada ridi,
Barbaarta geela jirataa
Bardooddiyeysa orodkoo
Bowdyo muruqyo adag iyo
Booddada libaaxa leh,
Baad jilicsan iyo doog,
Bar cuddoon nirgaha seexdoo
Isbarkaday dhammaanoo
Bulbusha kurusyada
Neecowdu baalbaashoo,
Markay ‘buuc' yiraahdaan
Ramag baasha dhow iyo
Barbarrada ka joogaa
Baaca dheer tusaayoo
Bogga uga dunuunuci,
Baarqabkuna ilaaliyo
Bidhaan eegid uu yahay
Gaadiidka baayiray
Owraha baruurtiyo
Baaxaddiyo laxaadka leh
Oo boodh iyo gelgelin tegeyoo
Ku baduugay raamsiga,
Barni daawashiyo qurux
Way bogatay maantaas.

Gugu waa Ballaadhane, Meeshu waa ballida Hawd Burco meel galbeed ka ah, Bancawl geeddi iyo laba Bogox looga sii kaco Bidixna loo janjeedhsado. Barni weeye gabadhuna Ma badnoo da'deeduna Tobankii u buuxsamay Toddobadi ku biirtiyo Bilo raacay weeyaan. Waa bilan tagoog dheer Bilicsanoo la jecelyahay. Deegaanku bari xalay; Billowgii horreetaba Idahaa baraarugay Una baaqay naylaha, Barni way maqleysoo Waabberi bay toostoo Bisinkiyo baryo Alley Ku balleeysay subaxoo. Baftadeedi xidhatoo Beerkey ku laashoo Ma laallaadin boqorkii Waxay hawl ku baahdaba, Haddan oo barqa ah dheer Barni waxay dhex joogtaa Bulshaweynta dooxada, Halka rahu ka bu'ayoo Buuqa isku darayoo Shimbiruhu bulxamayaan Biyo muguca weeyaan, Adhyii oo barqaday baa Berrimada is wada wadhay Oo dharag bastood la ah, Lo'dii baa bannaaxiyi, Fardo baydda togayaa Baarkiyo qanaantiyo Bulkiyo saynta wada ridi, Barbaarta geela jirataa Bardooddiyeysa orodkoo Bowdyo muruqyo adag iyo Booddada libaaxa leh, Baad jilicsan iyo doog, Bar cuddoon nirgaha seexdoo Isbarkaday dhammaanoo Bulbusha kurusyada Neecowdu baalbaashoo, Markay ‘buuc' yiraahdaan Ramag baasha dhow iyo Barbarrada ka joogaa Baaca dheer tusaayoo Bogga uga dunuunuci, Baarqabkuna ilaaliyo Bidhaan eegid uu yahay Gaadiidka baayiray Owraha baruurtiyo Baaxaddiyo laxaadka leh Oo boodh iyo gelgelin tegeyoo Ku baduugay raamsiga, Barni daawashiyo qurux Way bogatay maantaas.

Raadi