Hodan

Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey
Oo haro la soo joojiyo kuraygu heegaayo
Oo hoobay loo qaaday iyo hadal walwaaleedka
Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye
Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge
Ayadoon xabaal lagu hamsiin waanaan ka hadhayne
Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye
Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene
Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteeda
Kolki aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
(Ruqruqaansigaygii) dambaan soo hambaabiraye
U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare
Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye
U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene
U hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene
U hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye
Wax aanad haynin oo haabsataa habartii weeyaane
Hoheey iyo hoheey maxaa hadimo lay gaystay

Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey Oo haro la soo joojiyo kuraygu heegaayo Oo hoobay loo qaaday iyo hadal walwaaleedka Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge Ayadoon xabaal lagu hamsiin waanaan ka hadhayne Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteeda Kolki aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday (Ruqruqaansigaygii) dambaan soo hambaabiraye U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene U hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene U hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye Wax aanad haynin oo haabsataa habartii weeyaane Hoheey iyo hoheey maxaa hadimo lay gaystay

Raadi