Guuguule (Silsiladii Guba) –

Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyayso,
Oo aad moodday keligaa inuu gubayo jiilaalku,
Oo aad gamoorahakan maran gama’ la’aan diiday
Ayna gocosho awgeed ilmadu kaaga gobo’laysay
Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaarsiiyo
Gartaa maaha keligaa inaad gaar u cabataaye
Giddigood addoomaha waxaa gaaray nabar weyne
Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e
Geelii adduunka u adkaa gobollo waydowye
Golihii ka kici waa raggii gaydho hayn jiraye
Tuuladay ilgabadlaynayaan gobol barbaartiiye
Ninkii timirta goob dhigi lahaa jiingaduu geline
Ninna uma garaabeen haddaan gaadhka laga hayne
Gammaankii ka maray dhoodi iyo galaxyadeediiye
Gumburigii bar baa joogsadiyo goroyo cawshiiye
Saryankii garbaha weyn lahaa geed ka kici waaye
Wuxuu gooni daaqii habsaday gubaddadii Hawde
Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa haraye
Gobay iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye
Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene
Kama guuxo aar goonlihii geliga toomoode
Shabeelkii gabraar lagu idlee giiro layn jiraye
Oo gododka kama soo ciyaan gabannadiisiiye
Hargihiisa nimankii gataa guuldarraw sidaye
Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii maraye
Ahmigii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye
Goggii subagga laga buuxin jirey hataan gorofaadye
Basaas bay timihii uga go’een gaaridii dumare
Galowgiiiyo fiintii naf bay giida la hayaane
Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax mooddaaye
Garaad Faaraxiyo Maxamuud Garaad ma leh gammaankiiye
Cood kama gurxamo dooxadii garada fiicnayde
Garoowe iyo Bookh bay harraad qaar u go’ayaane
Gaajiyo rafaad bay qabaan garow la’aaneede
Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye
Gubniyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada e
Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye
Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye
Adigaaba lagu gaadayaa waadan garanayne
Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin waydo
Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye
Gaagaabso oo aamu yaan gaar lagaa qabane!!!

Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyayso, Oo aad moodday keligaa inuu gubayo jiilaalku, Oo aad gamoorahakan maran gama’ la’aan diiday Ayna gocosho awgeed ilmadu kaaga gobo’laysay Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaarsiiyo Gartaa maaha keligaa inaad gaar u cabataaye Giddigood addoomaha waxaa gaaray nabar weyne Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e Geelii adduunka u adkaa gobollo waydowye Golihii ka kici waa raggii gaydho hayn jiraye Tuuladay ilgabadlaynayaan gobol barbaartiiye Ninkii timirta goob dhigi lahaa jiingaduu geline Ninna uma garaabeen haddaan gaadhka laga hayne Gammaankii ka maray dhoodi iyo galaxyadeediiye Gumburigii bar baa joogsadiyo goroyo cawshiiye Saryankii garbaha weyn lahaa geed ka kici waaye Wuxuu gooni daaqii habsaday gubaddadii Hawde Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa haraye Gobay iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene Kama guuxo aar goonlihii geliga toomoode Shabeelkii gabraar lagu idlee giiro layn jiraye Oo gododka kama soo ciyaan gabannadiisiiye Hargihiisa nimankii gataa guuldarraw sidaye Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii maraye Ahmigii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye Goggii subagga laga buuxin jirey hataan gorofaadye Basaas bay timihii uga go’een gaaridii dumare Galowgiiiyo fiintii naf bay giida la hayaane Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax mooddaaye Garaad Faaraxiyo Maxamuud Garaad ma leh gammaankiiye Cood kama gurxamo dooxadii garada fiicnayde Garoowe iyo Bookh bay harraad qaar u go’ayaane Gaajiyo rafaad bay qabaan garow la’aaneede Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye Gubniyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada e Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye Adigaaba lagu gaadayaa waadan garanayne Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin waydo Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye Gaagaabso oo aamu yaan gaar lagaa qabane!!!

Raadi