Gudcur Raagay

Indhoweydba kama maalin godol, gabayadaydiiye
Guuroowga tirintiis bulshada, uma guddoonsiine
Geeraarna waataan ka tagay, gocoshadiisiiye

Geydhna uma aan laabane anaa, duugay gaalleefta
Gaashaan anoon sidan maxaan, tuuray gamaskaysa
Gefna kuma tiraabine maxaan, gooyey hadalkayga

Gurgurshaaga uma rarin hayaan, geeddi socod dheere
Hawo gaar ah uma lihi halkaan, galabta soo deyrey
Gebi baan dushii saaranoo, geesna qaban waayey

Gocashadu marbay halis tahooy, geeri talisaaye
Mar baa damacu godob uu dhalaa, ood ku gubataaye

Gumeystuhu labuun buu mid yahay, gebi ahaantiise
Garashada mid kaa weeraroon, gamasba kuu qaadan
Iyo geysh mid kuu soo diriyo, gumucyo soofaysan
Ogoow gaalo raacuna Yaxyoow, waa geddoo kale’e

Godobteennu waa noo caddahay, goor iyo alleyle
Gashiguna Cabdoow wuu maqnaa, gu’ iyo jiilaale
Taariikhda waxaa gala ninkii, gaadha libintiisa
Gacantiisa kaasaa ku qora, godobe yeelkeede
Wax gurbaanka loo tumi ninkii, goosta midhihiisa

Afartaa ma gaashaamayoo, garabka maw taagay
Gammaankiyo sidii faras miyaan, geeswalba u jiidhay
Gadhcasta iyo odayadii miyaan, geedka ugu geeyey

Indhoweydba kama maalin godol, gabayadaydiiye Guuroowga tirintiis bulshada, uma guddoonsiine Geeraarna waataan ka tagay, gocoshadiisiiye Geydhna uma aan laabane anaa, duugay gaalleefta Gaashaan anoon sidan maxaan, tuuray gamaskaysa Gefna kuma tiraabine maxaan, gooyey hadalkayga Gurgurshaaga uma rarin hayaan, geeddi socod dheere Hawo gaar ah uma lihi halkaan, galabta soo deyrey Gebi baan dushii saaranoo, geesna qaban waayey Gocashadu marbay halis tahooy, geeri talisaaye Mar baa damacu godob uu dhalaa, ood ku gubataaye Gumeystuhu labuun buu mid yahay, gebi ahaantiise Garashada mid kaa weeraroon, gamasba kuu qaadan Iyo geysh mid kuu soo diriyo, gumucyo soofaysan Ogoow gaalo raacuna Yaxyoow, waa geddoo kale’e Godobteennu waa noo caddahay, goor iyo alleyle Gashiguna Cabdoow wuu maqnaa, gu’ iyo jiilaale Taariikhda waxaa gala ninkii, gaadha libintiisa Gacantiisa kaasaa ku qora, godobe yeelkeede Wax gurbaanka loo tumi ninkii, goosta midhihiisa Afartaa ma gaashaamayoo, garabka maw taagay Gammaankiyo sidii faras miyaan, geeswalba u jiidhay Gadhcasta iyo odayadii miyaan, geedka ugu geeyey

Raadi