Goraya Cawl

Gumaysigu hashuu naga dhacay een gurayey raadkeeda
gu'yaal iyo gu'yaal badan hashii gama'a noo diidey
goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay
gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay

hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
gacmaa lagu muquunshaye xornimo noogumay garane
garre iyo guntane maalintay gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane
geeraarradeedii hashaan annigu googooyey

galool iyo maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey
gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay
goobtuu sidkeedii go'ay galabtii foolqaaday
ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay
Garaad midan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine
annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban
hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayey
Inaan Garayacawl uga tagaa waa hal soo gudhaye.

Gumaysigu hashuu naga dhacay een gurayey raadkeeda gu'yaal iyo gu'yaal badan hashii gama'a noo diidey goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey gacmaa lagu muquunshaye xornimo noogumay garane garre iyo guntane maalintay gees isugu boodey Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane geeraarradeedii hashaan annigu googooyey galool iyo maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay goobtuu sidkeedii go'ay galabtii foolqaaday ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay Garaad midan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayey Inaan Garayacawl uga tagaa waa hal soo gudhaye.

Raadi